Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Sida M/weyne Biixi u arko Codeynta ama Codka Golaha wakiilada S/land


Daawo:Waxgaradka & Odayaasha Beesha Arab oo Baaq u diray Golaha Guurtida S/land

Cid uga lexjeclo badani ma jirto Somaliland.

$
0
0

 

Cid uga lexjeclo badani ma jirto Somaliland. Taladooddii baa Goluhu dhinac walba intuu ka eegey. Waxey soo saareen nuxur ah. Iyagoo Tasfiir hufan ka bixiyey go’aankii Maxkmadda sare.

Cid waliba ha guuleysato. Doorasho, Madaxtoyo, iyo Middii ururadda waxa lagu diid kara. Sow maaha dumin qaranimo. Dalkeena xildhibaanaddu waxey soo sareen. E taadi aad rabtey wey muuqataa. Xisbiyaduna wey kugu sidkan yihiin.

Tii ururadda waa la meel mariyey. Hadaba ninka intaas diida. Xaguu Somaliland ku wadaa. Waa nin raba. Anaa iyo kaligey ah. Hadduu qaranimo Xeerkani, Badbaadin waayo. Somaliland wey nasiib daran tahey.

Raga jooga ee Saleebaan ugu weyn yahey aaney ka fekereyn danta qaranka iyo kala duwanaanshaha fekerka umadda

Golaha guurtida laftooda, Madaxweynaha qaranka, Asxaabta qaranka iyo Ururadda cusub, dhamaantood iyo shacabkeenaba waxu u yahey qolo waliba sidey rabtey.

Waxii intaas dheer, waxu nuxurku noqonayaa

Ninka nabadda didow maxaad dirirta ku ogyahey bal aan kugula daale.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Waxaan U sheegayaa Saaxiibadeyda Xanaaqsan Isku Heli maysaan Inaad Shaqadii la idin dhaariyey kaga Mashquusheen Mashaariic Raadis & inaad……Xildhibaan Axmed Khaliif

$
0
0
Waxaan Usheegayaa Saaxibadeyda Xanaaqsan Isku Heli maysaan Inaad Shaqadii laidin dhaariyey iyo Waajibkiina shaqo ee qaranka aad gudan lahaydeen inaad kaga Mashquusheen Inaad Wasaaradaha iyo Xurmaha Dawlada maalin kasta Hortaagnaatan oo aad Mashaariic Raadis kujirtaan iyo inaad danihiina gaarka ah ku mashquusheen .Qaar kalena ay Busy ku yihiin Raacista iyo Daba Gucleynta Madaxwayna isla markaana fadhigii golaha aad ka maqnaatan, Iyo Marka Xildhibaanada Shaqadooda Daacada uah ee sida maalin laha ah golaha usoo xaadira ay waajibaadkooda shaqo Gutaan Inaad Emotions kiina Control usameen kari waydaan.”
Xildh Xildhibaan Ahmedkhaliif Jama Salah.
“LUDU Vs CHESS
Sideedaba Siyaasadu Waa Game ama Ciyaar . Team walbana Qaab uu u Ciyaaro ayuu leeyahay , Political Game ka aad hada arkaysaan ee Golaha Wakiilada Ka Dhacday Waxaan Ku Masaali lahaa laba Ciyaarood oo kala ah Ciyaarta Laadhuuda iyo Ciyaarta Jesta Looyaqaano.
Qolada Isbaheysiga Mucaaridku Waxay Iyagu Always Ciyaaran Ciyaarta Looyaqaano Jesta . Dadka Ciyaarta Jesta ah yaqaana way garanayaane waa ciyaar siyaasadeed oo god kasta iyo shax kasta oo aad guureyso waa mid kudhisan qorshe (Strategic Plan) Mana ciyaari kartid qorshe iyo khidad la,aan , Hadii kale si fudud baa lagaaga badinayaaa, Waana Ciyaar Ubaahan Maskax iyo Deganaan iyo Dulqaad.
Ninka aan Ciyaartaas sida fiican aan aqoon badan ulahayn waxuu inta badan ku mashquula Leynta Askarta iyo Saraakisha Difaaca ugu jirta ee ilaalinaya Boqorada . laakin Ninka Xariifka ahi Waxuu muujiyaa dulqaad badan ,waxuuna Abuuraa Hal Fursad oo Qaali ah kadibna Jaanis Fiican markuu Helo Ayuu Ciyaarta Gabigeedaba waji kale uyeelaa oo uu Halkaas ku badiyaa.
Markaas Ninka aan ciyaartaas Fahansaneyni Wuu Ku lumaa. oo wuu ambadaa.
Halka Qolada Xukuumada ee Muxaafidka ah oo garab ka heleysaa qaar kamid ah Ururada aan qaangaadhka ahayn ee ismooday iskuna dhererinaya Xisbiyada waa wayn. Group kaasi Waxay aad Uciyaaraan Ciyaarta Laadhuuda layiraahdo
Waana ciyaar fudud oo qof walba uu ciyaari karo maadama aanay ahayn ciyaar Strategic plan kudhisan .
Ciyaarta laadhuuda layiraahdo mar way kaa farxineysaa oo waada Six miidhan bay kusiineysaaa, oo markasta oo SIgis badan kusiiso waad badineysaa, Marna way kaa Nixineysaa oo Yeeg iyo Doo Waxaan ahayn kusiin mayso oo taayar kuu rogmi maayo.
Markaad laadhuuda Ciyaareyso inaad Sigisyo badan ama markasta nambar lix hesho kuma xidhna inaad caqli iyo karti badanba leedahay ee waa nasiib marba QULUXDA laadhuuda lagu ciyaarayo waxii kaaga soo baxa.aad nasiibsato
Sidaas Awgeed Xildhibaanada Saaxibaday ah Waxaan leeyahay in badan bay Ciyaartu idinka farxisay oo (No six ) sigis yo badan ay idin siisaye oo aad qosleyseene , ee Saaxiibayaal Idinkoon Cadhoon Iimaan sada Ciyaartu markay YEEG IYO DOO idin siiso
Siyaasadu Waa Game Markasta oo jaanis laiska helana Laisma Cafiyo Buna laisma amaahiyo, Marka jaanis lagaa helana waad ku qasban tahay inaad aqbasho
Waxaan Arkayay Qaar kamid ah oo Xildhibaanada aanu saxibka nahay oo ilaa shalay ilaa maanta Hadlayay oo Arrinta Golaha ka hadlayay oo lahaa Kooram la,aan baa wax la ansxiyay, iyagoo si cad isku indho tiraya oo arkayay qaar badan oo iyaga kamid ahna ay golaha fadhiyeen markii kooramku shalay noogu furmay 52 Xildhibaan.
Saaxibadeey xildhibaanada ah waxaan xasuusinayaa
QODOBKA 43AAD ee xeer hoosaadka golaha wakiiladu .Marka Mooshin golaha lakeeno waxaa lagu ansixiyaa Cod Aqlabiyad fudud oo 27 xildhiban ah iyo waxii kabadanba , Wax ka badalka iyo kaabista xeerkana waxaa ansixiyay 33 xildhibaan oo markaas golaha fadhiyey, sidaas ayuuna sharci kuyahay marka sharci laga hadlayo.Sidaas ayuuna Maanta Guuritda loogu gudbiyey oo hada Golihii Guurtida ayuu yaala.
Sidoo kale Sida uu qabo Qodobka 25aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Firqadiisa 5aad waxuu leeyahay Hadii Xubnaha Jooga Golaha ee aan ka qayb qaadan codbixinta , Ama iyadoo codbixinta Gacan taag ah lagalayo hadii xildhibaanku dibada ubaxo waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha aamusay oo kale. Waana sababta loo yidhi waxaa ka aamusay 19 xildhibaan .
Waxaan Usheegayaa Saaxibadeyda Xanaaqsan Isku Heli maysaan Inaad Shaqadii laidin dhaariyey iyo Waajibkiina shaqo ee qaranka aad gudan lahaydeen inaad kaga Mashquusheen Inaad Wasaaradaha iyo Xurmaha Dawlada maalin kasta Hortaagnaatan oo aad Mashaariic Raadis kujirtaan iyo inaad danihiina gaarka ah ku mashquusheen .Qaar kalena ay Busy ku yihiin Raacista iyo Daba Gucleynta Madaxwayna isla markaana fadhigii golaha aad ka maqnaatan, Iyo Marka Xildhibaanada Shaqadooda Daacada uah ee sida maalin laha ah golaha usoo xaadira ay waajibaadkooda shaqo Gutaan Inaad Emotions kiina Control usameen kari waydaan oo aad cadhootaan ilaa heer aad Gole Kooram 52 Xildhibaan kufurmay aad tidhaahdaan kooramku muu buuxin markii xeerka la, ansixinayay.
Siyaasadu Waa Game Markasta oo jaanis laiska helana Laisma Cafiyo Buna laisma amaahiyo, Marka jaanis lagaa helana waad ku qasban tahay inaad aqbasho oo jaanisyadu waad badan tihiine jaaniskiina kale iska suga isha allah ,
Waxaan kusoo Gabagabeynayaa hadalkeyga Hadii ARdaygu ka Saaqido ama uu caadeysto inuu dibada uga baxo Class ka Marka Casharadu Socdaan ,Hadhowna Yidhaahdo Siduu iidhaafaa Caharkii Labixinayay ,Kitaab alla Kitaab ay ku taalana majirto inuu intuu soo noqdo Yidhaahdo Casharkii hala iigu celiyo. Sidaas awgeed saaxibaday waxaan leeyahay dib iskugu noqda kuna dedaala inaad fadhiga golaha si joogta ah usoo xaadirtaan, Hadii kale sidaas unbay maalinta Casharo mihiim ah ay golaha kasocdaan ay casharadu idiin dhaafi doonaan oo ay ardayda kalena ay uga faaideysan doontaa .
Ugu dambeyn Waxaan Halkan Idinku soo Gudbinayaa Liiska Xildhibaanada 52 ka ahaa ee markii Kooramku Goluhu Furmayay Hoolka Dhexdiisa Golaha Dhexdiisa Fadhiyay
Liiska Magacyada Xildhibaanada Golaha Fadhiyay ee kooraamku markuu furmayay kamid ahaaa 52 kii xildhibaan ee golaha fadhiyay isla markaana ahaa kuwii Ansixiyay labada xeeer ee Codka iyo Gacantaba utaagay ………………………………………………………………………………………………………
1. Xildh Axmed Jaamac Saalax Maxamed
2. 2Xildh Axmed Maxamed Hurre Ducaale (Barkhad)
3. Xildh Axmed Muuse Jaamac Diiriye
4. Xildh Axmed Yaasiin Maxamed Xasan
5. Xildh Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
6. Axmed Cabdi Ducaale (Walhad
7. XIldh Bakhad Jaamac Xirsi Batuun
8. Xildh Cabdiixakiim Hugur Cabdi Guuleed
9. Xildh Cabdikariim Aadan Cali Dubad
10. Xildh Cabdikariim Aadan Cumar Dhirane
11. Xildh Cabdikariim Miicaad Isaaq Xuseen
12. Xildh Cabdiqani Maxamed Aadan
13. Xildh Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud (Badheedha)
14. Xildh Cali Xaamuud Jibriil Faarax
15. Xildh Cumar Jaamac Faarax Axmed
16. Xildh Eng Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-Jilic)
17. Xildh Faysal Yuusuf Jaamac Xaashi
18. Xildh Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac
19. Xildh Maxamed Jaamac Ismaaciil (Koodbuur)
20. Xildh Maxamed Khadar Daahir Mooge
21. Xildh Maxamuud Faarax Jaamac Maxamuud
22. Xildh Mubaarig Xuseen Maxamed (Xeel-Dheere)
23. Xildh Mubaarik Muuse Ismaaciil Xuseen
24. Xildh Mukhtaar Xasan Maydane Shirdoon
25. Xildh Nuuradiin Axmed Dayib Cabdiraxmaan
26. Qaasim Aadan Saleebaan Cali
27. Xildh Saleebaan Nuur Warsame Faarax (Food)
28. Xildh Siciid Jaamac Xasan Maxamed
29. Xildh Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye (Sokeeye)
30. Xildh Xasan Axmed Cilmi Geelle (Xasan Kayse)
31. Xildh Xasan Cumar Xasan Rooble (X.Ogaal)
32. Xildh Xuseen Aadan Cabdi Axmed
33. Xildh Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi (Budul)
Waxan kale oo aan halkan Idinkula wadaagayaa iyagana
Liiska Xildhibaanada ee Kooramkii Golaha Lagu Furay Fadhiyay, Balse Markii Mooshinka Loo codeynayay Golaha Dibada Uga baxay ………………………………………………………………………………………………………….
Fiiro Gaar ah
19 kaas xildhibaan ee Hoos ku Xusan 7 kamid ah markii uu kooramkii goluhu furmay Waxay fadhiyeen Golaha laakin markii dambe waxay ubaxeen suuqa oo markii layidhi golihii baa mooshin lakeenay inta taleefano loo diray ayaay qaarkooda yimaaden .laakin markii mooshinka golaha lakeenay waxaa fadhiyay 12 kamid ah 19 ka xildhiban
1 Xildh Aadan Cismaan Xarbi Cawaale
2 Xildh Abiibakar Siciid Cali Gaboobe
3 Xildh Abokor Faarax Warsame Caga-Yare)
4 Xildh Gu/ku SIciid Mire Giire
5 Xildh Maxamed Xassan Siciid
6 Xildh Axmed Cabdi Muuse Cige (Inni)
7 Xildh Axmed Maxamed Maxamuud Xasan (Kaare)
8 Xildh Axmed Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Fanax)
9 Xildh Axmed Xasan Cali Yuuusf (Casoowe)
10 Xildh Cabdikariin Maxamed Muxumed
11 Xildh Maxamed Cismaan Maxamed (Limo)
12 Xildh Cabdillahi Muuse Cabdi Cawaale
13 Xildh Cali Jaamac Caraale ( Cali Qaran)
14 Xildhi Eng Xirsi Cabdilaahi Xirsi
15 Xildhi Jamaal Aadan Diiriye
16Xildh Maxamed Jaamac Raamboo
17 Xildh Yaxye cabdilaahi Amiin (Aarshe)
18 Xildh Sh ahmed Dayib ( Kucadeeye)
19 Xildh Jamaal Cali Aadan (Jaaha)
Iyagu Umada Huasheegeen Golaha uu Kooramkiisii 52 Xildhibaan Ku furmay, Halka Kooram La,aan Sharci Darro ah wax lagu ansixiyay.
Wabilaahi Tawfiiq.”
May be an image of 1 person, chess and text
Nazir Abdilahi ISmaaciil, Ibraahin Maxamed Cabdi and 83 others
19 Comments
15 Shares
Like
Comment
Share
 Xildhibaan Ahmed-khaliif Jama Salah.

Gaadhi Tikniko ah oo ka mid ahaa ilaalada M/weyne Muuse Biixi Safarka Gobollada Bari & Gaadhi Shicib oo Si xun isagu baaba’ay+Khasaaraha nafeed

$
0
0
Hal qof Ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay Magaalada Dacar-budhuq Waxa kale oo ku dhawacmay 3 Qof
Baabuurta shilka gashay ayaa kale ahaa gaadhi uu leeyahay ciidanka qaranka jsl Iyo Gaadhi yar oo dad shacab ahi wateeen
Alle ha u naxariisto marxuunka dhintay
Cabdirisaaq Qaasin

Xoghayaha Guud ee Waddani oo si Farshaxnimo ah ugu jawaabay Maareeyaha Hayada Madaarada S/land oo Weearar afka ah ku qaaday…

$
0
0
Inta maanku gaajaysanyahay guuli waa weli” ~Hadraawi.
Qore : Khadar Xuseen Cabdi ,Xoghayaha Waddani.
Sababaha aan halganka siyaasadda ugu jiro, Xisbiga aan ka midka ahay xukuumaddiisuna ay tirtiri doonto waxaa ka mid ah, in la xoreeyo maanka dhalinteenna xilalkii ay xaqa u lahaayeen looga dhigay, shaqo ay ku heleen aflagaadada ciddii beeshooda ah ee xukuumadda ka aragti duwanaata.
Waa midhaha siyaasadda magaagtay ee gacanyareyaasha hoose ee madaxweynuhu ay qofka ku canaanayaan, sababta aanu ugu jawaabin hadba qofka beeshiisa ah ee hadla. Taas oo keenta in canaan ka yaabku uu hadlo, xitaa isaga oo aan faham ka haysan mawduua laga hadlayo.
Waa halkii Michelle Obama e, ‘Kuwa aanu is haynnaa mar kasta oo ay liidasho hoos ugu sii degaan, annagu kor baanu u sii kacnaa‘.

Xaaladaha ku Gedaaman Muranka Doorashooyinka…….Xildhibaan maydhane

$
0
0
Xaaladaha ku Gedaaman Muranka Doorashooyinka
Mudaneyaasha saaxiibaday ah ee cabanaya waan soo dhawaynayaa. Qodobka ku saabsan habraacyada sharci ee ay ka cabanayaanna waa mid si sharci la iskula eegi karo. Waana mid mudan in la iska qanciyo ama si waafaqsan xeerarkeena cid awood u lihi xukunto.
Su’aasha se na wada hortaalay waa maxaad dalka xal u haysaan ee kadartan lagu dhaafayaa? Muranka doorashooyin, mudaneyaal, jid jare leh ma u haysaa mise oodanka in lagu sii socdo?
Berigii hore, muranada doorashooyinka ka dhasha waxa ay Soomaalilaan kaga soo gudbi jirtey is-afgarad, kadibna waxa loo rogi jirey xeer waafaqsan dulucda is-afgaradkaas si loo hirgeliyo.
Markanse way ka geddisan tahay oo is-afgaradkii waxaa kasoo soke maray xeerkii. Kaabista iyo wax ka bedelka labada Xeer ee kala ah 14aad iyo 91aad ee shalayna loo gudbiyey Golaha Guurtidu waxa ay yimaadeen xilli laga rejo dhigay in la iska afgarto doorashooyinka soosocdaa sida ay u soo kala horreeyaan, iyo weliba kadib mudaharaado sababay dhimasho intii ugu badnayd ee mudaharaad ku dhinta.
Waxa intaas dheer in doorashada ururada, sida Xeer 91 dhigayo, ay tahay mid la socota ta Dawladaha Hoose. Qaraarkii Maxkamada Sare ee isugu jirey tafsiir sharci, oo ah inay laashay isku-sidkanaantaa maadaama ay muwaadiniinta xaqoodii Dastuuriga ahaa duudsinayso, iyo xeer-dejin, ah in la galo doorasho toos ah, ma ahayn mid la fulin karo laba daraaleba. Mar ahaan, awooda xeer-dejinta Baarlamaanka ayaa leh cid kalena looma wareejin karo. Mar labaadna, xataa haddii aragti ahaan loo qaato, kuma filnayn inuu cadeeyo sida ay u dhacayso doorashadaasi loona kala guulaysanayo.
Intaasi iyadoo halkaa taal ayaa wax bil iyo saddex usbuuc ah uuni ka dhiman yihiin maalinta ay ahayd in doorashada madaxtooyada loo dareero. Kaba sii darane, 3 usbuucba weeye inta horteed ay tahay in muddo-kordhin haddii ay dhacayso Guurtidu samayso. Qiilka muddo-kordhintuna ma aha kuwii uu Dastuurku jideeyey, mana dhaafsana nuxur ahaan, “Awalba waala kordhin jirey ee maxaa hadda gooni ah?” Oo haddii ay qaldanaydna?
Sidii aanay intaasiba dhib inoogu filnayn, waxa iyadna la duri karaa golahan samaynaya muddo-kordhinta oo ah ka qudha ee maanta ka da’ weyn Dastuurka 22.5 sano maraya. Waana hay’adda keliya ee iyadu isku kordhisa muddo-xileedkeeda.
Hadda kuguma soo hadalqaadin weli xisbiyada oo ah sallaanka xilalka doorasho ee qaranka in iyaguna ayna sii cimri dheerayne ay kaga eg tahay laba usbuuc uun kadib maalinta muddo-xileedka madaxweynuhu idlaanayo.
Waxaasoo arrin ah ee ina horyaalaa hadday kugu dhaliyeen in marka ay gaadho 13ka Diisanbar Golaha Wakiiladu noqonayo hay’adda ugu sarraysa dalka ee la hubo sharciyadeeda (haba soo labeeyaan Goleyaasha Deegaankuye), oo ah kalsoonidii kal hore uun ay bulshada cod kaga soo heleen,hadda uun bay hagaag kuugu muuqdaan inta ay gun dheer tahay xiisaddani. Ma aha oo keliya xiisad xeer ee waxa la odhan karaa waa mid Dastuuri ahna. Haddaynaan wax ka bedel iyo kaabid ku samayn Dastuurkuna, ma aha mid inaga baaqanaysa, in yar uun baan dib u dhigi karnaa!
Sidaa awgeed, kaabista iyo wax ka bedelka labadani xeer waxa ay ina siinayaan fursad maanta aynu ku furdaamino xaalada cakiran, xilli laga baqe qabo mudaharaado sii socda iyo in hay’badda dawladnimo ixtiraamkeeda lagu wiiqo bulshada oo ka hortimaad. Haddii shalay la fahmi la’aa waxa ay ahayd in la iska afgarto, maanta isagoo af sharci ku qoran ayuu yaalaa Guurtida.
Maanta iyo Guurtidu sida ay u dhaqanto weeye halka kadabka dawladnimadu ka laadlaado: (1) In ay noqoto tii doorka horyaal lahayd ee aayaha umadda ka ilaalin jirtey hadimo; iyo (2) In ay noqoto tii wixii ay ku maamuusnayd ee waxtarkeeda ahaa gacanteeda ku tirtirta. Mudaneyaal, irmaan inaad u qaadaan ayaa aniga iyo reer Soomaalilaanba idinka eegaynaa.
“Anigana hadhaw iyo faallo
Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay
Hagarlaawe, ii geli buuga
Taariikhda aan wax hilaamin”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Xildhibaan mukhtaar maydhane.
May be an image of 2 people and people sitting

Daawo:Cali Guray…..”Max’ud Xaashow 5 Jeer Baad dhimanysaa”+Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara S/land


Musharax Urur-doon oo Waddo Dhuxuleed qaaday+Jawaabta la siiyey

$
0
0

Musharax Urur-doon oo Waddo Dhuxuleed qaaday

“Somaliland haddii aan anigu Madaxweyne ka noqon karin, haddii aan doorasho Madaxweyne isku taagi karin miyaanu garaadkaygu ku saxsanayn in aanuu Aaminin siyaasadda Somaliland.
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland umay fikirin si qaan-gaadh ah, waxay u fikireen si ka hoosaysa”
Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Waaberi, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash
May be an image of 1 person and sitting

Jawaab ku socota Ataash:

Atashow. Damaca dhulbahante wuu ka weyn yahey fashilka siyaasadda kulmiye ee fashilantey. Qaranimadda somaliland rag baa usoo joogey. Habeen aan hadaladda ku hadleyso ku hadlin. Waxaad dib u baadha. Taariihda raggan AHN
Fagadhe, Dahir Qayaad, Qeybe, Fuad Adan cadde. AHN cali khaliif baa ugu dambeyey. Intaas waxaan kugu daraya. Somaliland Madaxweyne Reer Sool ah wey dooran karta. Balse adiga oo muuse dhabarka ka taabtey. Dariiqu ka lumiyey waxaanda laga dhigey jarjarano aan meelna gaadheyn.
Masiirka darawiishta ma meteli kartid. Xamilkeedina ma lihid. Markaa dalka iyo dadka si fiican u baro. Wali somaliland casharo badan baa ku dhimane. Luuqadda heego aad ku hadleysa shacabku wuu fahmayaa garaadadda ha ceebeynin.
Bashe cali Jama. Casharo badan ka qaado. Marka ina Kaahin ku sheekeeyo galabtii. Habeenkii Baashe wac oo wareyso. Hadii kale bahashu wey ka khaldameysa. Waayo baashe warka laanta oo dhan wuu hayaa. Meelaha aad dhiiqadda cagaha la galeyso ayuu ka ilaalinaya.

Daawo Xildhibaan Hore ugu tirsanaa Golaha Wakiilada oo shaaciyey in Labadii Xeer ee Barlamaanku meelmariyey,Guurtidana u gudbiyey sharci yihiin

Dood ku saabsan doorashada Somaliland ma qabsoomi doontaa daawo

Daawo Haldoorka & labeenta Gobolka Togdheer oo si Mug leh u taageeray Golaha Wakiilada S/land,Guurtidana Baaq u diray

Daawo :Haldoorka & Wargaradka Reer Awdal oo Baaq Culus u diray Golaha Guurtida S/land+Arrimo kale oo xasaasiya

Africa: Can today’s Adaptation Action minimize future losses and damages in Africa?

$
0
0

PRESS RELEASE
Can today’s Adaptation Action minimize future losses and damages in Africa?
Africa is acknowledged to be the continent most vulnerable to climate change
Access Multimedia Content

ABIDJAN, Ivory Coast, September 21, 2022/ — On the sidelines of the 2022 edition of Africa Climate Week (https://bit.ly/3UEJZAj), a session titled Limiting Loss and Damage through Enhanced Adaptation Action in Africa featured vibrant and timely discussion of an aspect of climate change that typically receives little attention: capturing and assessing the costs and damages associated with climate change.

The African Development Bank and Germany’s Konrad Adenauer Foundation hosted the event, which provided a forum for panelists and participants to discuss the importance of defining and evaluating such losses and damages of properties, economies, lives and livelihoods due to climate disasters. Africa is acknowledged to be the continent most vulnerable to climate change.

Moderator Olufunso Somorin, a Regional Principal Officer at the African Development Bank, opened the discussion. He pointed out that it is important for African countries to measure climate-change related loss and damage to enable appropriate quantification and well-designed responses best suited to country context. It was also important to capture those losses occurred even in instances where preventive climate adaptation actions had been taken, he added.

Fatten Agad, Africa Climate Foundation’s Senior Advisor on Climate Diplomacy and Geopolitics, called for production of a report that would serve as guidance and baseline for evaluating climate related losses and damage. “It has already been demonstrated that the socio-economic impact faced by African countries in coping with the Covid-19 crisis has been very high, and adding a burden of financing something such as loss and damage would be unfair,” she said.

Anja Beretta, Konrad Adenauer’s Director for Energy Security and Climate Change in Africa, urged African countries to integrate mechanisms to address losses and damage into their Nationally Determined Contributions (NDCs). She also called for designated institutions and functioning structures to ensure the efficient and effective use of climate finance to advance the discussion on financial flows into loss and damage.

Stephane Bonamy, Head of the Regional Delegation for the International Committee of the Red Cross in Cameroon, said, “for countries that face both conflict and climate change impacts, it is imperative that preventive measures are put in place early enough to reduce the extent of loss and damage faced and lessen the burden on communities.” He noted that 14 of the 25 most vulnerable countries to climate change impacts worldwide also face some form of conflict.

Dr Olumide Abimbola, the Executive Director of the Africa Policy Research Institute in Berlin reiterated the need for more African examples of past and current loss and damage to be incorporated into textbooks and journals.

There was agreement among the participants on the need for Africa to prioritize timely, comprehensive and large-scale adaptation action to avert or minimize future losses and damages.

There was also consensus on the urgent need to scale up financial flows from public and private sources into adaptation action across Africa. They cited the African Development Bank’s Africa Adaptation Acceleration Program (https://bit.ly/3xESy3Y), a joint initiative with the Global Center on Adaptation, as a positive example. The program seeks to mobilize $25 billion over five years to accelerate and scale climate adaptation actions across the continent.

Participants also called for new strategic partnerships to drive adaptation policies, plans and investments in Africa through the implementation of NDCs and tapping synergies with such initiatives as the Africa Disaster Risk Financing program.
Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).

About the African Climate Week (ACW):
ACW is an annual event that engages and empowers stakeholders to drive climate action across countries, communities and economies. The event is organized by UN Climate Change in collaboration with global partners UN Development Programme, UN Environment Programme and the World Bank Group. Partners in the region include the Africa Union, the Africa Development Bank, the UN Economic Commission for Africa (UNECA). ACW 2022 was hosted in Gabon.
SOURCE
African Development Bank Group (AfDB)

Lacagta lagu kireeyo Meherrada Masaajidada Ka Dhaca. W/Q: Cali Cabdi Coomay

$
0
0
Lacagta lagu kireeyo Meherrada Masaajidada Ka Dhaca.
W/Q: Cali Cabdi Coomay
Masuuliyiinka masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherrada ka dhaca masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meherradii ayey masuuliyiintii soo rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku jirto.
Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin.
Masaajidada qaarkood waxa laga qaadaa $200 meherkiiba, kaarka meherka lagu geliyo waxa shaambadii hudheelada oo kale ah lagaga soo dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaan $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo waxa laga qaadaa $100.
meherrada masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalaha masaajidadu ii sheegay inay maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherrada qaarkood habeenkii ay ka dhacaan masaajidada.
Markaa haddii aynu xisaab ahaan u soo qaadanno oo aynu yaranayno, maalintii masaajidka inay ka dhacaan laba meher oo mid kastaa yahay $200, bishii waxa ay noqonaysaa: $400 bishii. Sidoo kale haddii aynu soo qaadanno inay bishii ka dhacaan afar meher oo mid kastaa yahay $200 waxa ay noqonaysaa : 4 x 200= $800 bishii. Masaajidada xaafadaha dhexdooda ayaa ka jaban kuwa suuqa hoose, waxaana laga qaadaa ilaa $100 meherkii. Iyana bishii haddii uu hal meher ka dhaco, waxa ay noqonayaan: $100. Haddii ay laba ka dhacaana waxa ay noqonaysaa:2 x $100= $200. Waa gancasi cusub oo soo kordhay.

Xaabsade ilaa Khaliif : Helida “Somaliland la wada leeyahay” oo hore loo il-duufay+Cawaaqib-xumada ka dhalan karta Xildhibaanada Muuse Biixi Beeshiisa ee ku shinbira waaqleynaya Gudoomiye Golaha Wakiilada S/land.

$
0
0

Xaabsade ilaa Khaliif : Helida “Somaliland la wada leeyahay” oo hore loo il-duufay+Cawaaqib-xumada ka dhalan karta Xildhibaanada Muuse Biixi Beeshiisa ee ku shinbira waaqleynaya Gudoomiye Golaha Wakiilada S/land.

Shirka Berbera ka socda ee Xildhibaanada aanu isku deegaanka nahay, Wax-garadka kale iyo Madaxwaynaha anigoo ixtiraam iyo sharafba u haya, kuna kalsoon mar walba in aanay waddin wax dalka iyo dadka ka dhan ah, waxaan xasuusinayaa in talo mar hore la seegay oo ilaa maanta Somaliland ay u socon la’ dahay in aanay mar kale marnaba, si toos iyo si dadban, aanay idiin seegin.
Talabadaas berigaa hore (1997) oo ahayd in Gudoomiyihii Golaha Wakiilada ee Axmed Cabdi Xaabsade oo ay MW Maxamed X. Ibrahim Cigaal isku maan-dhaafeen siyaasada lagu qaaday guluf siyaasadeed oo Xilkii Gudoomiyenimo laga qaaday taas oo keentay in ay Beesha Harti oo uu hogaaminayo Garaad Cabdiqani ay ka dhaqaaqeen ka mid ahaanshihii Somaliland taas oo ilaa maanta ay ku maqan yihiin. Ka tegistii ay Somaliland ka tageen Beeshaasi lama mahaddin (ugu yaraan Somaliland ma mahadin), waxaa se lagu doodi karaa waxaa ka faaiiday dadkii ku noolaa goboladii dhexe ee Somaliya ku noolaa kadib markii Garaadka iyo waxgaradkii u hogaaminayay ay u guntadeen dhismaha iyo ka midha dhalinta Dawladda Puntland oo dhamaystirantay Sanad kadib markii ay ka huleeleen Somaliland ama 1998.
Haddaba haddii ay taladdiina, si uun, uga mid noqoto in Gudoomiyaha hadda ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif lagu qaado duulaan Xilka lagaga qaadayo waxaad ku suntanaan doontaan inaad mar kale sabab u noqoteen luminta fursadii u dambaysay ee dib loogu heli lahaa “Somaliland la wada leeyahay” ama inaad sixidii qaladkii hore aad ka noqoteen. Maalintii uu xilka la wareegay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif wuxuu yidhi “..Waxaan noqon doonaa BIRIISH loo maro soo-dabaalidda iyo daawaynta tabashooyinka u dhexeeya deegaankayga iyo Somaliland”. Waxaan rejaynayaa in xafiiltan siyaasadeed oo gudaheena ahi aanu keenin in aad isku-daydaan in la gooyo BIRIISHKAA isaga ah taas oo ugu dambaynta noqon doonta nabbar aan daawo lahayn oo Somaliland u dhiman karto.
Waan hubaa in madaxwaynuhu dhacdadaa hore u soo-joogay oo cid walba uga xog-ogaalsan yahay cawaaqib xumadac ka dhalatay. Waxaan kalevoo aan hubaa in isagu aanu diyaar u ahayn inuu dhankaa u kaco waayo isaga ayaaba aaminsanaa kana shaqaynaynay in hogaaminta Golahaa laga shaqeeyo in dib uu ugu noqdo beesha Harti/Dhul-ba-hante oo saami awood qaybsi u lahayd balse ilaa Qaybe dabaddii ku maqnaa beesha dhexe. Sidaas oo ay tahay, waxaan ka cabsaday in xaga Xildhibaanada oo isugu jira rag dhalinyaro ah ama aan xog-ogaal u ahayn taariikhda iney ku riixaan MW jiho qaldan.
Hadda midna ogaada, maaha inaan u cabsanayo in Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif aanu haysan taageero ku filan. Xaasha! Is-bahaysiga Mucaaridku waa kii shalay saaray maantana ku filan inuu difaaco Gudoomiyaha. Waxaa waliba xaqiiq ah in aqlabiyada Xildhibaanada Muxaafidka ahi guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku abtirsada Ururka KAAH iyo bariga Burcaba aanay hawl ka dhan ah Gudoonka Golaha Wakiilada aanay qayb ka noqonayn. Sidaa markay tahay maxaa in isku-deegaan ah, oo waliba MW la deegaan ah, horena il-duufkaasi uga dhacay ku kelifaya iney mar kale hantaaqaan Qaran, waa Somaliland’e, ay dhismihiisa door wayn ku lahaayeen.
Intaa haddaan kaga hadho taladdaydii tolka ku socotay, aan kor u yara baxo, oo hal idhaahdo iyana Xildhibaanada Beesha dhexe. Tiradda Gudoomiyaha Golaha Guurtida lagaga qaadi karo Xilka Gudoomiyenimo waa 55 ama 2/3 xubnaha Golaha Guurtida. Gudoomiyaha Guurtidu wuxuu ka soo-jeeda beesha dhexe. Sidaa markay tahay siddee bay Xildhibaanada beesha dhexe ugu fikiri karaan in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo isagu ah beelaha darafyadda iney keenaan mooshin ah ” in tiradda Xilka lagaga qaadayo Guddoonka Wakiiladda ay noqoto 42 ama 1/2 Xubnaha Golaha Wakiiladda” . Taasi maxay macnaheedu noqonaysaa? Ma waxa weeyi in Somaliland ay kala xuquuq tahay taasina ay ku xidhan tahay beesha aad tahay? Beelaha kale ee aan bessha dhexe ahayn iyo Guud ahaan “Somaliland la wada leeyahay” in la helo maxay ugu dhigan tahay?
Ugu dambayn, guud ahaan Xildhibaanada beesha dhexe iyo gaar ahaan kuwa beeshayda in aanay qaadin talaabo aanay kuna guulaysanayn (ilayn shalayba markaad Faratoon waddeen waxba lamadayn hadhine) isla markaana dhaawici karta wada-jirka iyo xaqiijinta “Somaliland la-wada leeyahay” oo dadkeedu isku xaquuq leeyihin sida distoorkka JSL dhigayo. Xisbiga Kulmiye oo aanan khayr badan ku ogayna waxaan leeyahay “Soo baydh” oo iskugu noqo talo dhaajta kala irdhaynta Somaliland dadkeeda.
Allaa Mahad leh,
Xamse Khayre

Madaarka Berbera ?……..Maxamed Sidiiq Dhamme

$
0
0
Madaarka Berbera ?
Shirkadda Maamusha Madaarka Duulimaadyada Berbera, waxa ay shaqaalahaha ku wargelisay in qof kastaa shaqeeyo 15 maalmood Bishii, mushaharkana la dhimayo 50% tirada guud ee shaqaalaha Madaarka Berbera waa 82 qof, muddada sannadka ah ee Madaarku furraa wax shaqa ah lama qaban, waxa ugu danbaysay Dulimaadkii Bishii 11- 2021 furitaanka Madaxweynuhu ku tagey, Madaarka Berbera Saamayn kuma laha Ha’ayadda Maamulka Madaarada Somaliland, waxaanu ku baaqaynaa in la …
See more

Waxan wiilka “Ataash” leeyahay ha caayin Dhulbahante…….Muj.Cali Guray

$
0
0
Dhulbahante, Harti, ama Daaroodka Somaliland ma la hayaa meel ay isku raaceen in Ataash yahay kan keliya ee u qalma in uu Madaxwayne ka noqdo Somaliland, Waxan wiilka leeyahay ha caayin Dhulbahante..”
Siyaasi Cali Guray.
May be an image of 2 people

M/weyne Muuse Biixi oo ka Gaws-adaygay Dalab uga yimi Golaha Degaanka Berbera

$
0
0

M/weyne Muuse Biixi oo ka Gaws-adaygay Dalab uga yimi Golaha Degaanka Berbera

Madaxweyne Muuse Biixi oo xubno ka tirsan golaha deeganka Berbera ka dalbadeen inay la kulmaan ayaan ka aqbalin la kulankooda.
Taas badelkeedana waxa uu kulamo la leeyahay qaybaha bulshada ee Berbera.
Khilaaf huursan ayaa ka dhex oogan Maayar Ciddin & Xubno ka tirsan Golaha deeganka Berbera iyadoo laga yaabo inay Madaxweynaha kala hadlai lahaayeen arrimahaas & kuwo kaleba.

Berbera:Daawo M/weyne Muuse Biixi oo War cusub daaha ka feyday

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live