Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo Xog-hayaha Maaliyada Waddani C/risaaq Khaliif u jeediyey Bulshada Adhicadeeye


Daawo:Khudbad Qiiro leh oo Musharax Cirro u jeediyey Reer caynaba+Aragtida Degmooyinka Cusub ee la magacaabay

Siyaasi Sacad oo duljoogsaday tolaaydii Muse Biixi,Tawaawicii Cali Guray,Warancade & Amb.Cawilna u…

Biyo la’aantii ugu darnayd oo soo foodsaartay magaalada Berbera iyo xukuumadda oo indhaha ka lalisay.

$
0
0

Xeebta Berbera iyo biyo la’aan Baahsan

Magaalada berbera ayaa ka mid noqotay xeebaha laga dareemayo biyo la’aanta xili lagu jiro xaggaa iyo xiligii ugu darnaa taas oo ay sabab u tahay xukuumadda uu xilkeedu sii dhamaanayo.

Maamulka gobolka oo indhaha ku daawanaya biyo la’aanta iyo magaaladii berbera oo aad looga cawday biyo la’aan xooggan iyo danyartii oo naftu qabatay biyo la’aan darteed.

Sida aynu la socono xukuumaddu waxay ku jirtaa olole siyaasadeed oo ay doonayso in ay mar labaad hogaanka wadanka qabsato iyadoo ku kacday iibinta hantida qaranka gaar ahaan magaalada berbera ayaa noqotay magaaladdii ugu iibka badnayd magaalooyinka soomaalilaan iyadoo aan wax faa’iido ah aanay ku qabin shacabka ku nooli oo nolol hoose la soo daristay.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay dad ayaa doonaya in si private ah loogu wareejiyo wakaalada Biyaha si looga dhigo goob ganacsi.

Magaalada berberi waa magaaladdii iibka bal eeg:
Wakaalada laydhka berbera waa la iibsaday
Haamaha shidaalka wareejin ganacsato
Dekadii wareejin Dp world
Shamiitadii Wareejin Dahabshiil iyo ganacsato
Fairfishtii Ina-Xarbi
Wakaalada biyaha gorgortan!.?
BBC sidii ?
Raasigii – Ina xarbi
Dantii guud
Iyo dhammaan goobo kale oo si qarsoodiya loo kala iibsaday.

Xisbiyada mucaaridka waxaan ugu baaqayaa inay ka hadlaan biyo la’aanta baahsan iyo iibka ka socda magaalada berbera oo diirada la saaro.
Muuse biixi waa musharax madaxweyne i doorta mooyee waxbaan qabanayaa kama hayno. Waana laga niyad jabay berberana waxba kama oga waxna uma uma qaban karo marka laga reebo aflagaadooyinkii ahaa reer berberi kabaha iyo moobiladay xadaan oo taariikhda ugu jirta.
Magaaladda berbera ayaa ahayd magaalo biyo fiican taas oo aan lahayn Booyado iyo biyo la’aan toona.
Imika dhibaatada ugu adag ee jirtaa waxa weeyi xataa booyadihii ma helaysid biyona hadalkoodaba daa

Iftiimiye.

Laba Xildhibaan Barlamaan oo ka baxay Xisbiga Kulmiye,kuna biiray Xisbiga Waddani Maxaase sababay?

Ila.Qosal Xamar & Hargaysa

Musharax Cirro oo Ballanqaadkii ugu weynaa abid u sameeyay Ciidamada Somaliland & Bulshoweynta Reer Sool

$
0
0

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Balan-qaadkii ugu Weynaa Abid u Sameeyey Ciidamada Somaliland iyo Shacabka Reer Laascaanood

“Ciidamada Waxa Aanu u Kordhin Doonaa Mushaharaadaddooda 250%, Askari Kasta na Waxa Aanu u Dhisi Doonaa Hoy uu ku Noolaado.”. Cabdiraxmaan Cirro

“Mashruuca ugu Horreeya ee Aan u Balan-qaadeyno Shacabka Reer Laascaanood Wuxu Noqon Doonaa

“Waxa Aanu Balan-qaadeynaa in Mashruuca ugu Horreeya ee Aanu Qabaneynaa uu Noqon Doono in Shacabka Reer Laascaanood ay Helaan Biyo Macaan.”. Cabdiraxmaan Cirro

 

Laascaanood():-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ku dhawaaqey balan-qaadyadii ugu waaweynaa ee abid loo sameeyo ciidamada Somaliland iyo weli ba sida oo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waxaana uu sheegay in uu kor u qaadi doono Mushahaarada ciidamada sida oo kale na uu askari kasta oo Somaliland ah ay Xukuumadda WADDANI u dhisi doonto hoy ama guriuu ay ku noolaadaan sida oo kale mashruuca horumarineed ee ugu horreeya ee ay xukuumaddiisu qaban doontaa uu yahay siddii biyo macaan looggu soo saari lahaa magaalada Laascaanood oo hada muddo dheer isticmaalaysay biyo aad u qadhaadh.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey xafladda daah-furka qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada ee gobalka Sool oo ka dhacday magaalada Laascaanood, waxaana uu ugu horreyn fariin ku aadan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta isaga oo ugu baaqey in ay shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Sool iyo magaalada Laascaanood ba ay qaataan kaadhka codbixinta Doorashada si ay u gutaan buu yidhi xaquuqdooda dastuuriga ah.

“Maanta waxa aynu iskugu nimi munaasibaddan oo lagu daah-furaayo bilowga qaadashada kaadhadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada ee gobalka Sool iyo weli ba Sanaag oo isku maalin dhacaaya , markaa fariinteydu waxa aweeye dhammaan ba shacabka Somaliland ee ku nool gobalka Sool iyo Sanaag ee hore isku diiwaan-geliyey in aanay maanta fursaddaas dayacin oo ay qaataan kaadhadhka codbixinta si ay u helaan fursadda ah in ay codeeyaan oo cidda ay iyagu rabaan ay codka siiyaan, waanan ku adkeynayaa dhammaan ba shacabka in ay qaataan kaadhadhka si ay u helaan xaqooda oo ay u codeeyaan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu si adag u naqdiyey hadalo faan ah oo inta badan ka soo yeesha mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE kuwaasi oo fagaareyaasha siyaasadda iyo goobaha bulshadu iskugu timaado ba kaga faana waxqabadyada ay sameeyaan balse waxa uu sheegay in wax-qabadyadaasi aanay ahayn kuwo ay iyagu u qabteen shacabka ee ay qeyb ka yihiin kaalmooyinka la soo siiyo shacabka Somaliland ee mashruuca SDF kow ka yahay, waxaana uu yidhi:-

“Xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya in ay xoogaa iska faanaan waanu u ogalahay waayo xukunkii dalka ayey hayaan. Mashaariicdaa ay sheegeen ee ay ka mid yihiin iskuulka boodhinka ah, dhakhtarka iyo waddooyinka ba intooda badan waxa laga dhisay kaalmada aynu ka helno dibadda laakiin waa in ay u sheegaan mashaariicdaas horumarineed in laga helay kaalmooyin Somaliland la siiyey se in ay iskaga faanaan waan u ogalnahay, waxaana laga rabay in iyaga uu faankoodu ku koobnaado wixii ay qabteen se ay balan-qaadka u daayaan Xisbiyada mucaaradka ah.”.

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlaaya barnaamijka siyaasaddeed ee Xisbigiisu ku hagaayo dalka, ayaa waxa uu si cad u soo bandhigay balan-qaadyada rasmiga ah ee uu u sameynaayo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo weli ba guud ahaan ciidamada Somaliland isaga oo sida oo kale na sheegay in dawladdiisu ka shaqeyn doono siddii loo fidin lahaa nidaamka maamul ee dalka isaga oo hoosta ka xariiqay in ay ciidamada Qaranka ka saari doonaan magaalooyinka isla mar ahaantaana ay geyn doonaan xuduudaha dalka.

“Barnaamijka uu Xisbiga WADDANI doonaayo in uu ku galo Doorashada shacbiga wuu u soo bandhigay, waxba faah-faahin maayo se waxa aan lee yahay barnaamijkayaga nagu doorta. Balan-qaadkayagu na waa uu badan yahay se waxa aan ku soo koobayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waanu ka xun nahay in illaa maanta aanay lahayn biyo macaan, markaa shacbiga Sool degan gaar ahaan Laascaanood, waxa aanu u balan-qaadeynaa in mashruuca ugu horreeya ee aanu balan-qaadeynaa uu noqdo in ay hesho biyo macaan, balan-qaadka labaad na waxa aanu u balan-qaadeynaa ciidamada Somaliland anaga oon kala saareyn in aanu mushahaarada u kordhino 250%. Waxa kale oo aan balan-qaadayaa aabahay baa askari ahaan jiroo anigu waan soo arkay askartu guryaha ay ku noolaan jireen markaa in aan hoy(Guri) u sameyno askari kasta oo ka tirsan ciidamada Somaliland. Waxa kale oo aanu ku dedaalaynaa oo aanu balan-qaadeynaa in aanu maamul daadejinta fidino oo aynu gaadhsiino xuduudka Somaliland inaga oo iskaashaneyna oo gacmaha is haysana dhammaan ba dadka deegaanka ku nool, ciidamadeena na inta aynu magaalooyinka ka rarno aynu geyno xuduudka Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Xadhig Sharci-daro Ah Kula Dhex Kufay Oday Burco iyo Berbera-ba Magac iyo Maamuus Ku Leh Oo Ku Suntan Waxqabad.

$
0
0

Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Xadhig Sharci-daro Ah Kula Dhex Kufay Oday Burco iyo Berbera-ba Magac iyo

Badhasaabka gobolka Togdheer Mr Ramaax oo markii shaqadii gobolka ee loo doortay uu ku fashilmay ,mudooyinkii u danbeeyay waday Xadhig iyo Tacadiyo uu u gaysanaayo dadka bulshadda Somaliland iyo reer Burco-ba magaca iyo Maamuuska ku leh ayaa xabsiga Burco u taxaabay maanta Musharax Ismaaciil Cabdi (Kashiito) oo ka tirsan musharaxiinta Xisbiga Waddani ee Togdheer .

Musharax Ismaaciil (Kashiito) ayaa marka laga tago xilka Golaha Wakiiladda ee uu tartamaayo ah Oday Masuul ah oo gobolka Togdheer iyo Deegaamadda kale-ba Sumad iyo Karaamo ku leh ,waxaanu ka mid yahay shakhsiyaadka ku suntan gurmadka bulshada iyo Horumarinta shicibkiisa ee la ixtiraamo.

Ilaa iyo hada la garan-maayo sababta uu Masuulkan u xidhay Badhasaab ,Ramaax ,laakiin masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo Qarannews la soo xidhiidhay ayaa sheegay in uu ka uriyay Xisbiga Waddani ,dhaqankaasi oo uu Gudoomiyihu caadaystay.
Waxaaney Masuuliyiintan Xisbiga Waddani si weyn u cambaareeyeen Xadhiganasi uu Ramaax kula kacay Aqooyahan Kashiito ,taasi oo ay ku tilmaameen mid sharcidaro ah ,oo weliba Ceeb iyo Fadeexad ku ah Ramaax ,isla markaana ixtiraan-daro ah.

Geesta kale Badhasaab Ramaax ayaa mudadii uu gobolka Togdheer joogay ,waxa uu ka shaqaynaayay sidii uu gobolkaasi horumarka iyo sumcadaba uga la dagaalami lahaa ,taasi oo uu caan ku noqday.


Dawladaha Khaliijka oo Qatar Airways Cunaqabateyntii Hawada ka qaaday

Gaadhi Caawa ku qarxay Muqdisho

Daawo:Khudbadii Musharax-xigeenka Waddani ka jeediyey Ceerigaabo Munaasibadii daahfurka Kaadh-qaadashada

Daawo:F.C.Waraabe oo dhaliilo & Eedo culcus ku hurgufay Xukumada Siilanyo & Xisbigeeda Kulmiye,Samaale,Muuse Biixi & Cali mareexaana.. &

Daawo War Bixin Koobsatey Qaabkii Musharax Ciro Loogu Soo Dhaweeyey Gobalka Sool

39-kii Xildhibaan ee u Codeeyey C/raxmaan Talyaanle oo Hadlay,cod-dheerna ku sheegay ciday..

Wasiir ka tirsan Xukumada Kulmiye oo beeshiisu iclaamisey inaaney cidna u xidhnayn Kulmiyena qirinqiir ku noqday


Qisadii tuugii sheekha caanka ah noqday

Qaar Ka Mid Ah Ugaadhii Duurjoogta Ahayd ee Afrika Kaga Noolayd Deegaanka Oodweyne iyo Togdheer Oo Dabar-Go,day iyo Sabaha Keenay Oo Dawladu Qayb Ka Tahay

Falaqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka Golaha Wakiilada.

$
0
0

Sida aad ka wada war haysaan waxaa jira khilaaf baahsan oo u dhaxeeya Golaha Wakiilada kaas oo ka dhashay doorashiidii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. Guddoomiyanimada Golaha waxaa u tartamayey laba xildhibaan oo kala ah Xil. Cabdiraxman Maxamed Talyanle iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarah.

Sida xeer-hoosaadka goluhu dhigayo, markii CV-yada laba xildhibaan la akhriyey, qudbadahoodiina la dhagaystay, waxa uu guddoomiyihii shirka Golaha Guddoominayey bilaabay in loo kala codeeyo xildhibaan ee tartamayey. Sida laga wada war hayo waxa doorasha loogu dhawaaqay in uu ku guulaystay Baashe Maxamed Faarah, halka xildhibaankii la tartamayeyna uu hambalyeeyey. Intaa ka dib waxaa war-baahinta ka soo muuqday Xildhibaan Talyanle oo leh doorashada anigaa guulaystay oo tirada hal-dheeriga ah anigaa laygu codeeyey, balse waxa is dhaafiyey dadkii tirinayey doorashada. Waxa aanay soo bandhigeen cadaymo, sidoo kale waxa ay arji dacwada cabasho ah u gudbiyeen maxakamada sare ee dastuuriga ah, taas oo ka qabatay sheegtayna in ay darsayso arjiga.

Sidoo kale Sharciyaqaanka Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in doorashada Guddoomiyaha cusubi ay tahay go’aan gole oo aan maxakamada sare ka garniqi karin.

Markaa waxaan go’aansaday in aan xaga sharciga ka eego khilaafkan golaha wakiilada. Ugu horayn awoodaha saddexda waaxood ee dawladu (Golaha Sharci dajinta, Golaha Fulinta iyo Garsoorka) way kala madaxbanaanyiin ( separation of power), balse ay is-dheelitiraan (check and balance). Way madaxbanaanyiin macnaheedu waa in aan midna midka kale faro galin xiliga uu go’aamadiisa gaadhayo, laakiin go’aamada marka uu gaadho, haddii la helo cid ka cabanaysa go’aamadaas oo dhibane ka ah waa lala eegayaa in ay sharciyada waafaqsanyihii go’aamadu iyo in kale.

Tusaale haddii Golaha fulintu uu soo saaro go’aan, ka hor imanaya xuquuqda muwaadiniinta ee dastuurku balan qaaday, dadka dhibanaha ka ah go’aankani waxa ay uga dacwoonayaan maxakamada dastuurigaa, maxakamaduna way jibinaysaa go’aankaa isagoo go’aan gole ah. Sidoo kale Guddoomiyaha maxakamada sare, haddii uu hawshiisa ka soo bixi waayo madaxwaynuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu xilka ka qaado sida ku cad qodobka 105aad firqadiisa 3aad oo leh “Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida” marka uu xilka ka qaadana lama odhan karo lama odhan karo waxa la faro galiyey madaxbanaanidii garsoorka, waayo waxa xilka looga qaadayaa jabin shari, oo xil-gudasho la’aantu waa jabin sharci. Madaxwaynaha sida ku cad dastuurka isna waa laga qaadayaa xilka, haddii lagu helo jabin sharci, waxaana ka qaadaya labada gole oo isu dhan.

Haddaba, haddii aad eegto qodobka 15aad firqadiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) waxa uu sheegayaa “ Maxkamada dastuuriga ah waxay awood u leedahay :- a) dhagaysiga iyo go’aan gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysa” qodobkani waxa uu sheegayaa in maxakamada dastuuriga ahi go’aan ka gaadhi karto go’aamada xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka, balse dhinaca dacwada bilaabay waxa looga baahan yahay in ay cadeeyaan sid aanay u waafaqsanayn dastuurka. Arrinta ay tahay in mudnaata la siiyo waxa weeye goluhu iskuma haystaan Go’aan Gole ee waxa ay isku haystaan waa in khiyaamo lagu saleeyey go’aankii golaha taas baalmarsan xeer-hoosaadka golaha ee la waafajiyey dastuurka, balse dhinaca dacwoonaya waxa looga baahan yahay in ay soo bandhigaan cadaymaheeda oo dhammaystiran. Sidoo kale qodobka 15aad firqadiisa 11aad ee isla Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) waxa uu sheegayaa “Maxkamada Dastuuriga ahi waxay ka talisaa muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan”.

Hadaba, kalmada dastuur waxa loo adeegsadaa ama loo yaqaan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo xeer kasta oo laga sameeyey qodob dastuuri ah. Sida ku cad qodobka 45aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland fiqadiisa 1aad “Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhana way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya”. Xeer-hoosaadka golaha wakiilada waxa lagu sameeyey qodob dastuuri ah, sidaas daraadeed, haddii xeerkan la jabiyo waa dastuur jabin.

Qodobka 15aad firqadiisa 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) waxa uu ka digayaa in aan go’aamada maxakamada dastuuriga ah lagu salayn siyaasad “Go’aamada Maxkamada Dastuuriga ah laguma salayn karo siyaasad”.

Awoodaha sharci ee Maxakamada Dastuuriga ah ka mid ah in ay laasho xeer la soo saaray, haddii la cadeeyo in aanu dastuurka waafaqsanayn, markaa lama odhan karo “maxamadamadu kama garniqi karto go’aan gole”. Sida ku cada qodobka 15aad firqadiisa 10aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) “Maxkamada Dastuuriga ahi waxay si ku meel gaadh ah u laaleysa ku dhaqanka xeerka ama qodabka dastuurnimadiisa la duray ilaa inta ay ka soo saareyso go’aan kama danbeys ah”.

Hadaynu eegno najiitada doorashada haddii muran ka yimaado ama xisbiyadu ay isku arrin sharci ama muran sharci dhexmaro waxa awood u leh in ay ka garnaqno Maxakamada Dastuurigaa. Arrintan Golaha ka taaganina waa khilaaf taas oo kale la mid ah.

Ugudanbayntii, sharciyan waxaan qabaa in Maxakamada Dastuuriga ahi ay awood u leedahay in ay ka garnaqdo khilaafka golaha wakiilada. Arrintu iminka ma taagna go’aan gole ee waxay taagan tahay go’aan gole oo lagu saleeyey khiyaamo, khiyaamadu waa dembi sida ku cad qodobka xxx ee xeerka ciqaabta guud. Gunaanadkii waxaan ku talinayaa Xilka Guddoomiyinimadu haynoo dambeeyee, ku kala bixida sharciga ma dhawrnaa, sharcigana ma ka shaqaysiinaa.

Allah Mahadle

Garyaqaan Yuusuf

Xildhibaan ka tirsan Kulmiye oo sheegay inay dadkiisu ka tashanayaan Xisbigay Codkooda siin lahaayeen

Wasiirka tirsan Xukumada Siilanyo oo ka jawaabay Hanjabaado Puntland ka soo yeedhay+Ciday u xidheen Xarunta Barlamaanka Somaliland & xoggo kale

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>