Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Sidey ku timid in Jannaayo ay noqoto bisha kowaad ee sanadka?

$
0
0

Sidey ku timid in Jannaayo ay noqoto bisha kowaad ee sanadka?

Bisha Jannaayo waa bisha 1-aad ee sanadka
 

Taariikhdan, dadka jooga dunida daafaheeda ayaa Sanadka Cusub ku soo dhoweeya baaruud ay tuuraan, durbaanno, laabta oo ay is geliyaan iyo casuumaadyo ay isku sameeyaan.

Balse kahor inta aadan bilaabin dabaaldegga, weligaa ma is weydiisay sababta 1-da January ay u noqotay maalinta billowga sanadka?Tan ayaa loo aaneynayaa dabaaldegyadii Roomaaniyiinta iyo calendar-ka ee uu Boqor Julius Caesar hirgeliyay 2,000 oo sano kahor.Hagaag, waxaa sidoo kale loo nisbeeyaa baadariga lagu magacaabo Gregory XIII.

Aan eegno sababta.

Roomaaniyiintii hore, January muhiim ayay u ahayd sababtoo ah waxay ahayd bisha ay u qoondeeyeen sanamkii Janus (sidaas darteed waa Ianuarius, oo afka Latin-ka la micno ah January.

Marka la eego sheekooyinka Roomanaiyiinta, Janus wuxuu ahaa sanam labo weji leh, oo billow iyo dhammaad leh.”Waxaa la sheegaa inuu ahaa weji hore iyo gadaalba leh,” ayay tiri Diana Spencer, oo bare sare ka ah Jaamacadda Birmingham, ee England.

.

 

“Marka haddii uu jiro waqti sanadka ka mid ah oo la go’aansanayo ‘tani waa waqtiga la bilaabi lahaa.’ waa sidaas.Waxay sidoo kale ku soo beegmeysaa waqtiga Yurub marka maalmuhu ay bilaabaan inay dheeraadaan.”Marka la eego Rome, micno weyn ayay u leedahay, sabbatoo ah waa kaddib maalmaha gaaban ee adag, marka ay dunidu mugdi tahay, waa qabow mana jiro tacab baxa,” aya tiri Professor Spencer.

“Waa sida waqti kala guur ah.”Iyadoo Roomaaniyiintu ay sii xoogeysteen,waxay bilaabeen inay baahiyaan calender-kooda guud ahaan intii ay boqortooyadoodu jirtay.

.
.

Balse qarniyadii dhexe, ayaa la qaatay go’aan adag oo bisha Janaayo 1-deeda la siiyay tixgalin taas oo loo cuskaday taariikh la xiriirta wakhtiyadii jaahiligii .Wadamo badan oo ay diinta kiristaanka ka hirgashay ayaarabey in sanadka cusub la xuso 25-ka Maarso, taasoo saldhig looga dhigayay markaa arrimo diin la xiriira.

Maanta, dalalka intooda badan waxay raacaan jadwalka Gregorian, waana sababta aan u aragno dabaaldagyada adduunku u sameeyo 1-da Janaayo ee sannad kasta.


Al-Shabaab oo weerar horleh ka fulisay Kenya & Tirada Dhimashada+Xaafado ay dab qabadsiiyeen

$
0
0

Al-Shabaab oo weerar horleh ka fulisay Kenya & Tirada Dhimashada+Xaafado ay dab qabadsiiyeen

 

Xubno ka tirsan xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in maanta weerar culus oo khasaare kala duwan geystay ay ka fuliyeen gobolka xeebta Laamu ee dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad 10 qof.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Widhu oo ay gudaha u galeen xoogaga Al-Shabaab, kadibna ay ku dileen ugu yaraan lix qof, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ragga weerarka fuliyey ay dab qabadsiiyeen xaafaddo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi.

Booliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay baxsadeen kooxda weerarka fulisay, waxayna tilmaameen inay haatan wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggaasi.

Dhanka kale shacabka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo la xiriirta weerarkaasi, kadib markii lagu dilay lix qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu harreeyey ee sanadkan cusub billowgiisa kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo  ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo kuwa ku sugan xadka labada dal, waxaana weeraradan ay sii xoogeysteen sanadihii dambe iyagoo dhaliyey khasaare xoogan

Haweeney ku umushay Suuli dayuuradeed oo ilmihii dhashay ku riday Qashin

$
0
0

Haweeney ku umushay Suuli dayuuradeed oo ilmihii dhashay ku riday Qashin

Shaqaalaha Garoonka dalka Mauritius ayaa ilmo yar oo dhowaan dhashay ka dhex helay baaldiga khashinka ee suuliga diyaaradda.

Haweeney 20 jir ah oo u dhalatay jasiiradda Madagascar, oo looga shakisan yahay inay dhashay intii ay diyaaradda hawada ku jirtay ayaa la xidhay.

Diyaaradda Air Mauritius, oo laga leeyahay Madagascar, ayaa 1-dii bisha cago dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Sir Seewoosagur Ramgoolam.

Saraakiisha garoonka ayaa soo helay ilmaha kaddib komeerka caadiga ah ee ay ku sameeyaan diyaaradda.

Waxay arkeen waraaqaha suuliga oo dhiig uu ku yaallo, kaddibna waxay ilmaha yar ula carareen isbitaalka.

Haweeneyda la rumeysan yahay inay dhashay ilmaha yar, oo markii hore inkirtay, ayaa la mariyay baaritaan caafimaad oo xaqiijiyay inay iyadu dhashay.

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay Mawqifkiisa Doorashada Madaxtooyada,Muranka furista Ururada & Go’aanka Maxkamada Sare laga filaayo

$
0
0
Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay Mawqifkiisa Doorashada Madaxtooyada,Muranka furista Ururada & Go’aanka Maxkamada Sare laga filaayo
Muranka iyo is maandhaafku, waa wax caado iyo curfi u ah siyaasadda. In aynu ku kala argati duwaanano arrimaha faraca ah ee siyaasadda, ma’aha mid ugub ah, balse waa mid curad ah oo aynu u leenahay waayo-aragnimo balaadhan. Marka ay Nolosha jirto kala aragti duwanaansho, ayaa la helaa xalka iyo aragtida saxda ah. Taa micnaheedu ma’aha in aan dhiiri gelinayo, in ay ummaddu is khilaafto ama kala aragti duwanaato had iyo jeer. Hore ayaan u idhi halku dhig Arrintan ka turjumaya, kaas oo u dhigan sidan (muhiim maaha in aynu wax kasta ku midoowno, balse waxaa muhiim ah in aynaan wax kasta isku khilaafin).
Marka aan u imaado arrintan furista ururada siyaasiga ah, ee ay ku kala aragti duwanaadeen golihii wakiilada, iyo sadexdii xisbi qaran iyo xukuumadii. Marka aad dhagaysato dooda labada dhinac, waxaa hubaal ah in uu murankani salka ku hayo masalo sharci. Khilaafyada la xidhiidha arrimaha sharcigu, waa kuwo ka duwan sida loo xaliyo arrimaha kale ee la xidhiidha dhaqanka ama dhacdooyinka kale ee siyaasiga ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa garna garteed baa lagu doonaa, Mandheerna garkeed baa lagu doonaa. Sidaa darteed, khilaafyada sharci iyo muranada la xidhiidha xeerarka ka soo baxa goloyaasha, waxaa awood sharci u leh in ay ka gar naqdo ama fasirto maxkamada sare, oo ah maxkamada dastuuriga ah, sida uu dhigayo dastuurka qaranka qodobkiisa 98aad iyo 101aad. Haddaba, waxaan xal u arkaa in maxkamada loo dabo fadhiisto, ka gar niqida dacwadan lagu kala aragtida duwan yahay.
Aragtiday shaqsiga ah markaan is dul taago, ee ku aadan nuxurka khilaafkan. Aragtida ah ha la furo ururada siyaasiga ah, maadaama ay gaadhay toban guuradoodii, waxaan u arkaa gar. Dhinaca kale, aragtida ah waa in doorashadii madaxtooyadu ku dhacdaa xilligeedii, waxaan iyana u arkaa gar. Ugu danbayn, waxaan ku buurinayaa dhinacyada daneeyayaasha ah ee murankani u dhaxeeyo, in ay u hogaan samaan go’aanka maxkamada, isla markaana ka daayaan gujada iyo ganista.

Somaliland oo gashay sanadkii 31 AAD iyo Ictraaf la,aan waxa la soo gadhay xiligii aan bari iyo Galbeed Ba ICTIRAAF ka raadin lahayn

$
0
0

Warqad furan oo ku socota madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka Iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Ujeeddo : Soo jeedinta aqoonsiga Somaliland ee marka hore Maraykanka ka Laga raadiyo haddii aynaan ka helin USA in laga doono China , 2020 Waa In UU noqdaa Sanad Kii ay Somaliland heli lahayd Ictraaf caalami ah .

Somaliland ayaa weli ah mid aan la aqoonsanayn tan iyo markii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii, in ka badan 30 sano ayaa Somaliland waxay u dulqaadanayeen beesha caalamka inay aqoonsadaan dalka nabad-gelyo iyo dimoqraadiyad. Ilaa maanta Somaliland waxay ka mid tahay dalalka dimuqraadiga ah ee Afrika gaar ahaan Geeska Afrika. Somaliland waxay keligeed ku guulaysatay wax aanay badi waddama la aqoonsan yahay ee dunida saddexaad ku guulaysan waayeen oo ah horumarka nabadda iyo dimuqraadiyadda. Marka la barbardhigo dalka sheeganaya inuu leeyahay Somaliland oo ah Soomaaliya oo ay Somaliland ka go’day 31 sano ka hor. Soomaaliya weli waa fowdo , Islaamiyiinta muqaawamada , kuwaas oo intooda badan ku jira dagaal sokeeye , aad khatar ugu ah in si nabad ah loogu noolaado Soomaaliya, fowdo siyaasadeed, musuqmaasuq aad u sarreeya oo aan xitaa ka talin caasimadda Muqdisho oo gacan ka helaya dawladda Turkiga, ciidamada Midowga Afrika oo ay taageerayaan Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo balaayiin dollar ku bixisay, inkastoo lacagtaas iyo dadaalkaas lagu bixiyay Soomaaliya, haddana Soomaaliya ayaa weli ah dal aan dawlad ka talin oo ay ka jiraan musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin, dilalka rayidka ah iyo rabshadaha aan la xakameyn karin oo maalin walba sii kordhaya. Sidaa darteed, waxaanu ka codsanaynaa maamulka Biden ee Maraykanka iyo Xi Jinping Madaxweynaha Shiinaha inay aqoonsadaan madax-banaanida Somaliland 31 sano oo ay si nabad ah isku maamulayeen, waxaanu aaminsannahay in Somaliland ay u qalanto aqoonsiga labada dawladood ee ugu dhaqaalaha badan caalamka. USA iyo China, Somaliland waxay ku socotaa jid-goyn (cross Roads ) dadkeenu ma sugi karaan in ka badan dhib nagu filan, cid kasta oo na aqoonsata marka hore waxay noqon doontaa saaxiibkayaga istiraatijiyadeed ee dhaqaalaha, waxaanu aaminsanahay in Somaliland leedahay deegaan muhiim ah oo dhaqaale iyo difaac labadaba, goobta UGU mihiimsan geeska Africa iyo Gulf of Aden iyo sidoo kale kheyraad dabiici ah oo aad u badan. waxay faa’iido u yeelan kartaa dadkeena iyo shuraakada dhaqaalaha aduunka , Madaxweyne Biixi waa inuu warqaddan u qoraa Washington iyo Beijing, waa inuu ku wargeliyaa inuu diyaar u yahay inuu u safro labada caasimadood. Madaxweyne Muuse Biixi waa waqtigiisii Anwar Saadaat.

Wabilahi Tawfiiq

Dr Saciid.H. Diiriye

Cofounder

Somaliland Peoples Party

London U.K.

Ra’iisul-wasaare ka badbaaday Shirqool “isku day dil”

$
0
0

Ra’iisul-wasaare ka badbaaday Shirqool “isku day dil”

FILE - Haitian Prime Minister Ariel Henry speaks at a ceremony in Port-au-Prince, Haiti, Nov. 26, 2021.
 Haitian Prime Minister Ariel Henry speaks at a ceremony in Port-au-Prince

Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool lagu khaariji rabay, xilli uu ka qeybgalayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo dhacday Sabtidi aanu kasoo gudubnay.

Bayaan xalay kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaare Henry ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen “budhcad iyo argagixiso” kuwaas oo isku dayay in ay toogtaan ra’isul-wasaaraha xiili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, halkaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda sannadguuradi 218-aad ee madax-bannaanida Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin koox budhcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana way ku dhaawacmeen.

Daawo:War cusub oo Xisbiga Waddani shaaciyey

Wasiirka Warfaafinta S/land oo Magacaabis & Xilka-qaadis ku sameeyay……


Hargeisa:Daawo,Siyaasi Soo bandhigay Gudoomiyayaal Xilkii laga qaaday iyagoo Salaad & Quraac ku maqan+Gudoomiye xafiis jabsaday

Daawo:Nin Reer Burco ah oo shaaciyey inuu Hadda aqoonsaday Hooyadii Ninkii Dilay & Kii amray 35-sano ka hor

Israel and Somaliland diplomatic relationship

Ha Degdegina by Mohammed Yusuf Abdi

$
0
0

 

Ha Degdegina
Qoraalkani wuxuu dabasocdaa qoraal hore oo uu qoray ex Ambassador Kaysar Abdillahi oo uu tusmo uga dhigay Ha Degdegina. Wuxuu ku bilaabay ammaan uu ku hamsiiyay Guddomiyaha maxkamadda sare.Haddii qof masuull ah la ammaano oo lagaaga aqoon badan yahay waa in aad rumaysataa haddii aanad hayn wax aad ku deedafayso.
Anuu guddooiyaha ma aqaan laakiin haddaan ka shidaal qaato muddadii uu xilka hayay dhacdooyinkii soo maray uma hayo wax ceeb ah.Ambaasadorkuna wuu ku mahadsanyahay inuu erey dhiirigelin ah ku xusso Guddoomiyaha.Wuxuuse kala dabayimi talooyin aan is idhi malaa waa siddi uu jeclaa in guddoomiyuhu udhaqmo.Wuxuu sheegay in aanu guddoomiyuhu ku dhegabarjoobin todobaatan jirro aan mustaqbal badani uhadhin, isagoo ula jeeda muwaadiniin arji sharci ah ula tegey guddoomiyaha iyagoo ka dalbaday in ururrada la furo.
Dadkaa uu sheegay inaan mustaqbal u hadhin waxa ku jira birma geydo dalkan wanaaggiisa jecel oo aan mustaqbal shakhsi ah ka doonayn.Waxa ku jira kuwii SNM assaasay 40 sannadood ka hor illaa maalintaa illaa maantana aan wax dheef ah ka doonin oon ka ahayn Somaliland wanaaggeeda.Maantana wanaaggeeda un jecel.
Kuwii SNM sameeyay biibito ma furan karaan waa aflagaaddo loola badheedhay inta abaalka u haysa halyayadaas.
Wuxuu kasii hordhacay go’aanka ay maxkamaddu soo saaridoonto oo u sheegay in haddii guddoomiyuhu go’aannada qaarkood soo saaro in ay horseedi karaan qas iyo qalalaase aanu dalkeennu qaadi Karin.
Waxan u fasirtay inuu jecel yahay inaan ururrada la furin waase arrin dastuurka ku xusan gunteedana laga sugayo maxkamddii dastuuriga ahayd ee u xilsarrayd ka garnaqqa murannada dastuuriga ah.Wuxuu sheegay inaan cidi diidanayn in ururada la furo laakiin doorashada madaxtooyadu kasoo horrayso ta ururrada.
Inakstoo aan jecelahay in aynu go’aanka maxkamadda la sugno sida wax u dhacayaan haddana anigu waxaan aaminsnahay in mar haddii ururru la furo aan doorasho la gelikarin illaa ay ururradu kala baxaan oo sedex xisbi oo tartamaa soo baxaan.
Distoorkeennu wuxuu qorayaa indawladnimadeennu ka koobnaato xisbul xaakim iyo laba xisbi mucaarid. Haddii ururrada la furo oo iyadoo ururro jiran haddana sedexda xisbi ee imika jiraa ay doorasho galaan oo mid ku guulaysto bil ka dibna uu xisbigii guulaystay doorashada ku udhaco yaa xisbil xaakim noqonaya ? Haddii Madaxweynaha soo baxaa bilaa xisbi noqdo axsaabta kalena ay diidaan inuu ku biro illayn waa kala aragtiye muxuu noqonayaa xaalka Madaxeynuhu ?

Mohammed Yousuf Abdi
Saudi Arabia.

myabaarso1@gmail.com

Sida uu u ekaan doonaa Hubka lagu dagaalami doono Mustaqbalka

$
0
0

Sida uu u ekaan doonaa Hubka lagu dagaalami doono Mustaqbalka

Diyaradda B-52H Stratofortress oo samaynaysaa tijaabada gantaalaha AGM-183A
Diyaradda B-52H Stratofortress oo samaynaysaa tijaabada gantaalaha AGM-183A

Sannadkii dhammaaday ee 2021-ka waxaa marqaati laga noqday isbeddel aasaasi ah oo dhanka siyaasadda difaaca ah ee UK. Miisaaniyadda tignoolajiyada, sirdoonka casriga ah iyo internetka ayaa sii kordhaya. Laakiin miisaaniyada agabkii qaddiimiga iyo tirada ciidamada ayaa hoos u sii dhacaysa.

Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyadoo ciidamada Ruushku ay isku urursanayaan xudduudaha Ukraine, Ruushku wuxuu dalbanayey in Nato ay ka baxdo qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ahaan jiray, Shiinaha ayaa si isa soo taraysa ugu baaqaya soo celinta Taiwan – mar kale haddii loo baahdo.

Colaadaha gobollada yaryar ee adduunka oo dhan ayaa sii xoogeysanaya. Itoobiya ayaa dagaal sokeeye ayaa ka socda, dagaalka gooni-goosadka ah ee Ukraine ayaa galaaftay nolosha in ka badan 14,000 oo qof tan iyo 2014-kii, mucaaradka Suuriya ka dagaalamaya ayaa weli wada dagaal ka dhan ah xukuumadda, sidoo kale kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ayaa sii wada weeraro ay ka geysanayaan qaybo badan oo Afrika ah.

Hase yeeshee muxuu mustaqbalka noqonaya, quwadaha waaweyn ee reer galbeedku se diyaar ma u yihiin caqabadaha soo socda?

Marka hore, “dagaalka mustaqbalka” waxaaba la aaminsan yahay inuuba bilowday. Arrimo badan oo ku saabsan khilaafka weyn ee u dhexeeya Reer Galbeedka iyo laga yaabee Ruushka ama Shiinaha ayaa horey la isugu diyaariyey, amaba la dareemay.

 

16-kii Nofembar, Ruushka ayaa hawada sare ku tijaabiyay gantaal, isagoo burburiyay mid ka mid ah dayax gacmeedkiisa. Shiinahana waxa uu tijaabiyay gantaalladiisa xawaarahooda dheereeya, kuwaas oo awood u leh inay ku socdaan xawaare ka dheereeya xawaaraha jabaqda.

Labada nooc ee hubka xawaarihiisu sarreeyo

.

Michele Flournoy waxa ay ahayd madaxii siyaasadda Pentagon-ka ee Maraykanka xilligii Madaxweyneyaashii Clinton iyo Obama. Waxa ay aaminsan tahay farogelinta reer Galbeedka ee Bariga Dhexe labaatankii sano ee la soo dhaafay ay u horseedday inay sare u qaadaan tayada iyo tirada ciidamadooda.

“Waxa aanu joognaa xilli anaga – Maraykanka, Ingiriiska iyo xulafadayada – aanu ka soo baxayno 20-kii sano ee aanu la dagaalamaynay argagixisada, dagaaladii Ciraaq iyo Afgaanistaan, ayaa waxaanu markii aan madaxa kor u soo qaadnay kor ogaanay in aanu ku jirno xaalad adag.” ayay tidhi.

“Markii aan diirada saarnay Bariga Dhexe,” ayay yiri, “waddamadani waxay barteen xeeladaha dagaalka ee Reer Galbeedka. Waxayna bilaabeen inay si weyn u maalgashadaan tignoolajiyada cusub.”

.

XIGASHADA SAWIRKA,JM EDDINS JR / US AIR FORCE

Inta badan waxaas ayaa loo aaneynayaa dambiyada dhanka internetka -weerarada khalkhalka geliyay bulshada Reer Galbeedka, carqaladeeya doorashooyinka, xatooyada xogaha xasaasiga ah.

Balse ka warran haddii xiisadda hadda u dhaxaysa Reer Galbeedka iyo Ruushka ee Ukraine, ama tan u dhexeeysaa Maraykanka iyo Shiinaha ee la xiriirta arrinta Taiwan ay isu beddesho dagaal? Sidee taasi u ekaan doontaa?

“Waxaan u maleynayaa in taasi ay ku dhici karto jawi aad degdeg u ah oo si weyn ugu tiirsan shabakadaha,” Meia Nouwens, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Tababarka Istaraatiijiga (IISS) oo diiradda saaraya isticmaalka xogta Shiinaha ee isbadelka milatariga.

“Milateriga Shiinaha waxa ay abuureen ciidan cusub oo loo yaqaan Ciidanka Taageerada Istaraatiijiyadda kaas oo ka shaqeeya meelaha fog fog, dagaalka tiknoolajiyadda iyo awoodda internetka.”

Maxay tani ka dhigan tahay?

Waa in waxyaabaha ugu horreeya ee dhacaya ay marka hore noqdaan dagaalka dhanka internetka ah kaas marka dambe sare u sii qaadi doono cadaawadda labada dhinac ka dibna noqon doonto weerar weyn oo gacan ka hadal ah.

Waxaa jiri doona isku dayo uu midba midka kale ku xayiyarayo iyadoo la carqaladeynayo isgaarsiinta, oo ay ku jiraan dayaxgacmeedyada, ama xitaa la jarayo fiilooyinka muhiimka ah ee biyaha hoostooda mara ee gudbiya xogta.

Khatarta ugu weyn ee militariga ayaa noqon doonta iska-horimaadka . Haddii dayax-gacmeedyadaadu aysan la xiriirin fiilooyinkaada dhulka hoostiisa ah ee aan hubin waxa dhacaya, markaas way adagtahay in la qorsheeyo tallaabo kale.

Hal arrin oo door weyn ka ciyaari karta dagaallada mustaqbalka waa sirdoonka casriga ah. Tani waxay si weyn u soo dedejin kartaa go’aan qaadashada iyo jawaabta taliyeyaasha, taasoo u oggolaanaysa inay si dhaqso ah u akhriyaan macluumaadka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Laakin waxaa jirta hal aag oo Reer Galbeedku ay halis ugu jiraan in ay kaga dambeeyaan Ruushka iyo Shiinaha, waa gantaalaha xawaarahoodu dheeraya ee hypersonicee awooda badan.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay tijaabo uu sheegay inuu guuleystay tijaabo gantaalkiisa Zircon hypersonic, isagoo ku dhawaaqay inuu ka adkaan karo nidaam kasta oo difaaca ah oo ku yaalla meel kasta oo adduunka ka mid ah.

Hubka Shiinaha ee Dong Feng 17, ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay sannadkii 2019-kii, waxa uuna xambaaraa gantaal dheereeya oo la yirahdo (HGV) kaas oo si taxadar leh ugu wareegaya hawada sare, adagtahayna in la joojiyo.

Tijaabooyinkii ugu dambeeyay ee nidaamyada Mareykanka si wanaagsan uma dhicn. Hubkan yaalla bakhaarrada Shiinaha ayaa hadda Maraykanka ka dhigaya inuu laba jeer ka fikiro inuu dagaal galo si uu u ilaaliyo Taiwan haddii Shiinuhu go’aansado inuu ku duulo.

.

Ra’iisal-wasaare Imran Khan oo shaaciyey Laba Caqabadood oo waaweyn oo Dunida Muslimku wajahayso

$
0
0

Ra’iisal-wasaare Imran Khan oo shaaciyey Laba Caqabadood oo waaweyn oo Dunida Muslimku wajahaysoImran Khan

Imran Khan

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in musuqmaasuqa iyo dambiyada galmada ee sii kordhaya ay yihiin labada caqabadood ee ugu weyn ee wajahaya dunida Muslimka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee PTI, waxa uu sidan ku sheegay dood uu la yeeshay culimaa’uddiinka ugu sarreeya caalamka oo ka doodayay mawduuca ‘Riyaasat-e-Madina, Bulshada iyo Soo noolaynta Anshaxa’.

Doodan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Rexmatul-liil-calamiin ee ay dhawaan aas-aastay Hay’adda Qaranka ee NRAA.

Horaantii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Imran Khan waxa uu amray in cilmi baaris lagu sameeyo sidii dadka loogu gudbin lahaa farriinta Noloshii Nebi Moxamed NNKH . Culumaa’udiinkii ka qeyb galay munaasabadda ayaa iyaguna soo jeediyay aragtidooda.

Culimo badan oo doodda ka qayb gashay ayaa iyaguna aragtidooda ka dhiibtay sidii dhalinyarada looga ilaalin lahaa saamaynta baraha bulshada iyo in caqiidada iyo qiyamka diintu ay qayb ka noqdaan noloshooda.

Imran Khan
Imran Khan

Hadalkii Imran Khan ee dambiyada galmada

Raysal wasaare Imran Khan ayaa munaasabada ka sheegay in ay jiraan laba nooc oo dambiyo ah oo bulshada Muslimiinta dhexdeeda ah ka jira. “Waxaa Musuqmaasuqa dambiyada la xiriira kufsiga. Dambiyada galmadu si xawli ah ayay ugu faafayaan bulshadeena, tusaale ahaan, dhacdooyinka kufsiga iyo xadgudubka galmada ee gabdhaha yaryar. Boqolkiiba hal keliya ayaana kiisaska la diiwaan geliyay.”

Imran Khan ayaa si dadban u weeraray Nawaz Sharif, madaxa xisbiga Pakistan Muslim League Nawaz Party, “Waxaan aaminsanahay in bulshada ay ku qasbanaan doonto inay la dagaalanto 99-ka kale.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa noqday 72 sano jir, waxaana uu ku noolaa magaalada London tan iyo bishii November ee sanadkii 2019-ka.

Dhab ahaantii, Maxkamadda Sare ee Lahore waxay u ogolaatay inuu u tago London afar toddobaad si loo daweeyo. Sharif, oo saddex jeer soo noqday ra’iisul wasaare, gabadhiisa Maryama iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Muhammad Safdar ayaa lagu xukumay kiiska hantida Avenfield bishii Luulyo 2018.

 

Arrinta musuqmaasuqa

Isagoo arrinkan ka hadlayana wuxuu cambaareeyay canaasiirta reer galbeedka ee hadallada xunxun ka sheegay Islaamka. Wuxuuna ku tilmaamay weerar lagu soo qaaday diinta.

Sheekh Xamza Yuusuf oo ah caalim Mareykan ah ayaa sheegay in musuqmaasuqu uu la mid yahay tufaax qurmay. Waxa uu sheegay in musuqmaasuqa uu bulshada baabi’in karo.

Wuxuu sheegay in saameynta musuq-maasuqa uu ku leeyahay dadka iyo bulshada sidoo kale lagu sheegay qur’aanka kariimka ah.

Isagoo aragtidiisa ka dhiibtay, wuxuu sheegay in diinta Islaamka ragga loo dhiibay masuuliyadda daryeelka haweenka iyo carruurta. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhalinyarada la baro ixtiraamka haweenka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ku sheegay in marka horeba aydaan tegin meelaha aan laguu talagelin inaad tagto. Tani waxay khusaysaa marka hore ragga, mana eedayn karno dhibbanaha. Laakiin isla mar ahaantaana, haweenku waxay sidoo kale u baahan yihiin inay fahmaan in ay jiraan yeey dhab ah oo bannaanka joogta.

Dr. Abdal Xakim Muraad, oo ah madaxa Jaamacadda Muslimiinta ee Cambridge, ayaa sheegay in macluumaadka laga helayo mobilada ay tahay caqabadda ugu weyn ee xilligan taagan. Gaar ahaan marka la eego jiilka soo koraya.

Dr Cismaan Bakar oo ka tirsan Jaamacadda Malaysia ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo iswaafajin u dhexeeysa diimaha iyo dhaqanka. Wuxuu rajo ka muujiyay in tani ay keeni doonto xasilooni bulshada dhexdeeda ah.

Sheekh Cabdallah Bin Bayyah, oo ah guddoomiyaha golaha Fatwada ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa yiri “Waxaan ku jirnaa xilligii caalimiyadda iyo baraha bulshada, Internetka ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhalinyarada”.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo looga yeedhay Xarunta Ciidanka Denbibaadhista S/land

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo looga yeedhay Xarunta Ciidanka Denbibaadhista S/land

Ciidammada Booliska S/and ayaa saaka xarunta Ciidamada dambi baadhista  uga yeedhay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan sida ilo xogo-xogaal ahii xaqiijiyeen.

 

Weli ilaa hadda ma cadda sababta Guddoomiye Xirsi loogu yeedhay balse wararka qaar ayaa sheegaya in wax laga waydiinayo hadallo ku jiray Shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.

Waa markii ugu horraysay ee Guddoomiye xisbiga looga yeedho xarunta Ciidammada dambi baadhista (C.I.D)


Deero ku sugneyd xarunta madaxtooyada oo Askari dishay

$
0
0

Deero ku sugneyd xarun madaxtooyo oo Askari dishay

Dalka Paraguay, deero ku sugneyd beer ku taalla madaxtooyada dalkaas ayaa waxay dishay askari.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in Victor Isasi oo 42 jir ahaa kana tirsanaa ciidanka uu u geeriyooday dhawaac soo gaaray markii ay deerada geesaheeda ay ku hirdiday sarkaalka.

Waxaana la sheegay in deeradan ay ku nooshahay agagaarka madaxtooyada waa nooca ka duwan deerada kale, haddiyad ahaan ayaa hadda ka hor madaxweynaha loo soo siiyay.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa ku sheegay in deerada inta badan laga ilaaliyo xayawaanka kale ee duurjoogta ah mana aheyn in dad ay la kulmaan.

Muuqaalka kaamirada CCTV-da ayaa muujinayay deerada oo weerareysa askariga xilli uu kusoo ag dhawaaday.Sarkaalka markii dambe ayaa ku dhintay isbitaalka ciidamada halkaas oo loo qaaday.

Africa’s heritage is humanity’s – and it’s been overlooked for too long

$
0
0

Africa’s heritage is humanity’s – and it’s been overlooked for too long

 

 

The Laas Geel rock art site, outside Hargeisa, Somaliland.
The Laas Geel rock art site, outside Hargeisa, Somaliland. Photograph: Tony Karumba/AFP/Getty Images

In my first class on an archaeology course at Lund University in Sweden, I stood out more than usual. It was not just that it was full of blond and blue-eyed students, more than in any other class I had ever attended – it was that archaeology is not a field that many migrants study.

My teacher and classmates were lovely, yet I still had this feeling of “What am I, a Somali refugee, doing here?” Furthermore, I had never even seen an archaeologist before, or held an archaeological object. But I had read a sentence in a book (Africa: history of a continent, by Basil Davidson) which said that to write African history we need to do archaeological research.

 

As this first class was on European stone age archaeology, stone implements were handed out. An axe was passed to me. To my astonishment the label read “Somaliland”. Wow: an axe from my own country. The moment was like a message. It was as if someone was saying to me: “Yes, you belong in this classroom”.

I bombarded our teacher with questions about the axe. He had no idea where it was from – he did not seem to care. Why would he? Stone age artefacts are mostly the same. No, he did not think there was any further documentation: only that they were palaeolithic objects.

I later discovered that these objects were extraordinary. It turns out the axes were in fact history-making implements, taken out of my country in the exciting days when the idea of human evolution was taking shape.

Fast-forward 20 years from that day in Lund and I’m creating a new global initiative, a digital museum to bring together in one platform all Somali objects and materials. I want people across Africa to feel the same connection to the subject as I did.

In archaeology, context is everything: if your bones are found with those of extinct bears and mammoths, then you’ve probably been dead for tens of thousands of years and are most likely not even a Homo sapiens. In 1856 the first Neanderthal was discovered in Neander Valley in Germany. The Neanderthal would understandably not have liked to be thought of as the only link between modern humans and the great apes – they were too sophisticated. So it must have been a relief when, in the 1890s, Homo erectus came into the picture.

The Java man, as this find came to be known, was labelled the “missing link”. Soon this “upright-ape-man” was joined by more hominids discovered in Asia. These discoveries reinforced the theories of Charles Darwin, first set out in 1859 in On the Origin of Species, and his idea of natural selection gained more ground. This was further evidence for the idea that humans had evolved from one common ancestor.

Archaeologists didn’t bother to look to Africa until 1896, when Heywood Walter Seton-Karr, a Scottish game hunter, returned to London with hundreds of stone implements from British Somaliland. He proclaimed, to global attention, that he had found the garden of Eden: “Here it was, in my opinion, that the human race originated.” Major museums – one of which must have been the Lund natural history museum – lined up to acquire Somaliland artefacts, including stone tools. More discoveries on the continent followed, such as Kenya’s “Turkana boy” or Ethiopia’s “Lucy”.

I have spent the past year surveying the same area where Seton-Karr stumbled on the stone axes. I asked village elders about him, hoping for some lingering generational memory. And though the name did not ring a bell – why should it – they told me the Ingriiskii (the British) used to come looking for macdan (gems) here. Often, foreign archaeological missions failed to tell the locals what they were really doing – indeed sometimes this still happens. The village chief vowed to me to protect his area, which also includes newly located 5,000-year-old rock paintings.

By uncovering the hidden history of African collections long forgotten in museums in the west, the founders of our new archive have unearthed a wealth of art, technology and human history. With the application of technology, things of the past can come alive – through photogrammetry and 3D virtual tours – and feel more relevant to modern-day societies. We are collaborating with major western museums that hold African collections, including a number of UK institutions (the British Museum and Powell-Cotton Museum among them). But with all our digital work being carried out by African local teams, we are tapping into a new tech-savvy generation. The idea is to inspire Africans to be the owners of their heritage and its narratives.

This is not just about the past. Our fast-growing demands for goods have put huge pressure on climate and resources and also made us forget our traditional ways of resource management and interacting with nature.

One of the most extraordinary individuals we worked with was a blind potter. She had been trained by her mother who was in turn trained by her mother. Now she was with her own daughter who was training her daughters. This lineage of female potters will die out after surviving so many adversities just because so many people now opt for machine-produced pottery and imported plastic goods.

Our museum aims to revitalise craft technologies such as pottery and iron-making. With objects often locally neglected, or forgotten in the storage departments of major museums, this heritage is at risk for the first time in history. If we do not bring together the people and stories that reflect what is most beautiful about human life – the ability to adapt to change and challenges – we may well lose sight of humanity itself.

  • Sada Mire is an archaeologist and incoming associate professor of heritage studies at UCL Institute of Archaeology. She is author of the book Divine Fertility

Source The Guardian

Daawo:Shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani markuu ka soo noqday Xarunta CID-da+Su’aalaha la weydiiyey & Arimo kale

Daawo:M/weyne Biixi oo kormeer ku tegay Xarunta Ciidanka Sirdoonka S/land

$
0
0

Halkan ka daawo Muqaalka Warka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.
Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Hooyo Soomaaliyada oo 6-Sanadood Debed-jiif ku ahayd London oo Geeriyootay

$
0
0

Hooyo Soomaaliyada oo 6-Sanadood Debed-jiif ku ahayd London oo Geeriyootay

Hooyo Soomaaliyeed iyo wiilkeeda

Muddo lix sano ah ayay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda Muxyadiin Geelle seexanayeen kursi meel bannaan ah oo ku taalla koonfurta magaalada London, hooyadaas ayaase geeriyootay dhowr maalmood ka hor sababo lagu sheegay dhibaatooyin caafimaad oo kasoo gaaray bannaanka ay jiifanayeen.

Dad badan ayay ka yaabsadeen markii ay go’aan ku gaareen in aysan ka dhaqaaqin meeshaas, iyagoo dhagaha ka fureystay dhammaan yaboohyadii loogu soo bandhigay guryo ay dagi karaan.

Markii ugu horreysay hooyadan iyo wiilkeeda waxay indhaha warbaahinta qabteen iyagoo muddo dibad jiif ahaa.

Sanadkii 2017-kii, qoraaga madaxa bannaan ee lagu magacaabo Tom de Castella ayaa ku baraarugay haweeneydan da’da ah iyo wiilkeeda oo dagganaa kursi ku yaalla afaafka hore ee maktabadda Tooting.

Waxa uu xilligaas ogaaday in meeshaas ay sii joogeen labo sano oo kasii horreysay waqtigaas… taasoo ku noqotay arrin cajiib ah. Waxa uu isweydiiyay sababta ay u waayeen cid wax u qabata. Balse mar kasta oo uu baaritaan kusii sameeyay xaaladdooda waxa u sii muuqaneysay mid layaab badan.

Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda ayaa hoy ka dhigtay bannaanka hore ee dhisme ku yaalla Tooting Broadway kaddib markii laga soo saaray guri uu ninkeeda ku geeriyooday.

Balse waxay ku gacan saydheen isku dayo badan oo ay golaha deegaanka ku damacsanaayeen in dib loo dajiyo, sida ay tabisay warbaahinta London Online News.

Hooyadan oo 70 iyo dhowr jir ahayd iyo wiilka ay dhashay oo ku jira da’da 30-meeyada ayaa caan ka dhex noqday dadka ka dukaameysta Tooting, waxayna u dhoollacaddeyn jireen qof walba oo u istaaga si uu ula sheekeysto. Wiilka ayaa si joogto ah ugu xirnaa masjidka Al-Muzzammil ee u dhow waddada Gatton.

Maktabadda Tooting

 

Maktabadda Tooting

Sannado badan oo ay arrintooda taagneyd kaddib waxay hooyadii geeriyootay dhawaan, halka wiilkana uu wali meeshiisii daggan yahay.

Xaawo Cabdi ayaa loola cararay Isbitaalka 30-kii bishii December ee lasoo dhaafay kaddib markii ay la xanuunsatay burukiito, balse maalintii xigtay ayay halkaas ku geeiyootay. Waxay dhakhaatiirtu sheegeen in laga helay fayraska corona balse sababta ay u dhimatay ay ahayd cudurka burukiitada.

2014-kii ayaa labadoodaba mar isbitaalka loo dhigay xanuun la xiriira cimilada qabowga ah, markaasoo kursiga ay ku seexanayeenna laga qaaday goobta.

Xaawo ayaa isbitaalka markii ay kasoo baxday isku dayday inay dib ugu noqoto goobtii balse waxay ogaatay in kursigii uusan oollin, walina wiilkeeda waxa uu ku sii jiray isbitaalka. Waxaa goor dambe la arkay iyadoo ku fadhisa kursi kale oo goobtaas u dhawaa, waxayna dallad kaga gabbaneysay roobka.

 

Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda waxay hoy ka dhigteen kursi bannaan yaalla
Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda waxay hoy ka dhigteen kursi bannaan yaalla

Kamal Maxamuud oo ay ilmo adeer yihiin Muxyadiin ayaa yiri: “Waxay ahay qof naxariis iyo xannaaneyn badan. Waxay i geyn jirtay iskuulka marka dambeyna guriga ayay igu soo celin jirtay. Seygeeda waxa uu u geeriyooday kansarka sambabbada, wax badanna ma uusan joogin waddanka marka uu dhimanayay. Kaddib wax walba way ka go’een. Qoyska oo dhan ayaa isugu yimid iskuna dayay inay guri geeyaan balse waxay ku adkeysteen inaysan kursiga ka tagin.

“Labadooda ayaa iska warqabi jiray oo midba uu kan kale xannaaneyn jiray. Laakiin hadda Muxyadin kaligiis ayuu joogi doonaa halkaas. Waxaan rajeyneynaa in uu aqbali doono inay dadka xannaaneeyaan, mana ka quusan doonno inaan isku dayno sidii aan u caawin lahayn.”

Sawirro ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta UK ayaa lagu arkayay wiilka ay hooyadiis geeriyootay oo isla kursigii goglanaya.

Maxaa u suurageluyay inay ku noolaadaan waddo London ku taalla? Wariye Cabdiqaadir Diinaari, oo in muddo ah u kuur galayay xaaladda hooyadan iyo wiilkeeda ayaa BBC-da u sharraxay sababta ay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda waqtiga dheer u daganaayeen kursiga kor yaalla maktabadda. “Waddanka UK maktabadaha kuraasta hor yaalla waxaa xeer u ah in aan laga hor qaadin, qof kasta oo isticmaalayana aan waxba la dhihi karin, xitaa haddii hoy ahaan loo isticmaalo. Waa kuraas loogu talogalay inay dadka isticmaalaan, maktabaddanina waa mid weyn. Marka taas ayaa u sahashay in hooyadan iyo wiilkeeda ay muddo dheer meeshaas ku noolaadaan,” ayuu yiri. Sababta ay dibad joogga u noqdeen ayuu sheegay inay salka ku heyso dhimashada seygeeda. “Waxaa igu maqaale ah in markii uu dhintay seygeeda ay aad uga naxday, dhaawac weynna uu u gaaray qalbi ahaan. Waxaa la sheegay in meydka odayga ay guriga ku hayeen labo maalmood .arkii dambena ay arkeen reer deris la ah. Kaddib waxaa laga saaray gurigii, waxaana loo sheegay in uusan ahayn mid u fiican labadooda maadaama uu weyn yahay,” ayuu yiri Diinaari. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray in Xaawo Cabdi dad badan xasuusan doonaan. “Waxay ahayd hooyo aad u wanaagsan oo qof walba uu jeclaa. Xitaa hadda aaskeeda waxaa mas’uuliyaddiisa qaaday oo qabriga u iibiyay wiil iyo gabar ay horay korintooda qayb uga soo qaadatay”. Dhawaan markii ay geeriyootay ayuu Cabdiqaadir u tagay Muxyadiin isagoo doonayay inuu ka wareyso qaabka ay hootadiis ku dhimatay balse wuxuu codsaday in aan su’aalahaas la weydiinin.

Dhimashada waddooyinka

Celcelis ahaan da’da dadka dibad jiifka ah ee ku dhinta UK waa 44 dhanka ragga, halka dumarka ay ka yihiin 42, sida uu sheegay xafiiska Qaran ee Tirakoobka, oo magaciisa loo soo gaabiyo ONS.

Warbixin kasoo baxday ONS waxaa lagu sheegay in 597 ruux oo dibad jiif ah ay 2017-kii ku dhinteen England iyo Wales – kuwaasoo intooda badan waddooyinka ku geeriyooday, balse qaar ay ku dhinteen xarumo hoy ah iyo isbitaallo.

Hase yeeshee dhimashooyinkaas ayaa mar mar uun soo jiita indhaha warbaahinta, sida mar ay labo qof ku dhinteen sanadkii 2018-kii bannaanka hore ee baarlamaanka UK.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>