
Waxa habeenimadii xalay 16/10/2016 magaalo Madaxda Dalka UK ka dhacay Xaflad aad u Balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan Taageerayaasha Garabka Xaqu-dirirka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Xafladaas oo Taageerayaasha Garabka Jamaal Cali Xuseen ay Ku soo bandhigeen Taageerada ay u hayaan Garabkooda.
Waxa kale oo Xafladaas lagu magacaabay Xilal Cusub oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Dalka UK Iyo Xidhiidhiyaha Gobolada Dalka UK Xisbiga UCID oo kala ahaa sidatan:
Mudane Rashiid Cali Maygaag Samatar: Guddoomiyaha Xisbiga UCID UK.
Mudane Ismaaciil Maxamed Ildab (Faradheere) Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Dalka UK.
Hadaba, waxa Jirtay ama sida aanu ka aragnay Warbaahinta Xubno Xilal ka hayay Xisbiga UCID Dalka UK iyo Qaaradda Yurub oo sheegay in ay xisbiga UCID ka baxeen, kuna biireen Xisbiga KULMIYE 15/10/2016. Anigoo Ku hadlaya Afka Garabka Xaqu-dirirka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID Dalka UK, waxaan halkan ku cadaynaynaa in xubnahaasi ay ahaayeen xubno aanu soo wada shaqaynay, si sharaf lehna u taageeri jiray Murashaxa Madaxweyne Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaan uga mahad celinaynaa mudadii ay nala soo shaqaynayeen waana mahad-san yihiin, waxa is orankaraa waxa ku kalifay ka tagistooda Xisbiga UCID ay tahay Niyad-jabka iyo Burburinta uu Xisbiga UCID Ka dhexwado Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Qofkastana waa u xor marba cida uu taageerayo 3da xisbi Qaran. Nasiib wanaag anaguna waxaanu isla maalintii ku xigtayba 16/10/2016 aanu buuxinay boosaska ay baneeyeen walaalaheenii aanu wada shaqayn jirnay.
Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalka UK waxay diyaar u yihiin taageerida Garabka Xaqu-dirirka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxayna canbaaraynayaan Faysal Cali Waraabe oo ah shiqsi xisbiga UCID dhexdiisa ka wada Shirqool looga soo dhiibay Xisbiga KULMIYE iyo Madaxtooyadda Somaliland. Waxayna Shirweynaha aan caadiga ahayn u soo jeedinayaan in ninkaa Faysal Cali Waraabe Xilka laga Qaado. Hadii ninkaa Xisbiga laga Qabto Xisbiga UCID wuu hagaagayaa waana Guulaysanayaa.
Mr. Cabdiqaadir Mohamed (CUKAASHE)
Xoghayaha Xidhiidhka Saxaafadda Xisbiga UCID Dalka UK.