Berbera(Qaran-news)-Maayirka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa faro-gelin iyo xadgudub awoodeed kula kacay Wasiirka Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali oo maanta Xilkii ka qaaday Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Berbera Mr. Keyd Xandule, kaddib markii uu ku fashilmay Biyo-gaadhsiinta Degmada Berbera.
Waxa kaloo uu Wasiirka Biyuhuu Xilal u Magacaabay Maareeye Cusub oo lagu magacaabo Khadar Siciid Firiko. Iyo sidoo kale Maareeye Ku-xigeenka cusub Cabdi Cilmi Guuleed oo isna ah Khabiir aqoon durugsan u leh Biyaha iyo tayeynta Caafimaadkooda.
Maayirka Magaaladda Berbera Cabdishakuir Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa dedaal dheeraad ah u galay markii uu oggaaday Xilka qaadista Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo ay Shuraako ku yihiin Shirkado Dhismo, Wakaaladda Biyaha Degmada Sheekh, isla markaana ay ku heshiiyeen mashruuca Biyo Ballaadhinta Degmada Berbera ee Sanduuqa Horumarinta ee SDF loogu deeqay, oo ay damacsan yihiin inay Afka iska Mariyaan.
Sidoo kale, dhaqaale lagu Labaayo Biyaha Degmada Berbera oo ku jira Mashaaricda JBLG oo lagu sheegay inay tahay 150,000000 oo shilinka Somalilan ah. Dhaqaalahaasoo Bilihii u danbeeyey Jeebkooda ku dhacaayey Maayirka degmada Berbera iyo sidoo kale Mareeyihii Xilka laga qaaday ee Wakaaladda Biyaha. Iyagoo geesta kalena ku sharaakoobay IibKa Dhulkii keydka Biyaha Berbera oo Maayir Cidin u sharciyeeyey Ganacsato ay xidhiidh dhow leeyihiin, kuwasoo uu kaga Iibiyey Dhaqaale lagu sheegay $11000 oo Doolar.
Haddaba Sirta ka danbeysa Gudidan qayrul sharciga ah ee ku Difaacayo Maayirka Berberi Xilka qaadista Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha, ayaa ah mid salka ku haysa dano dhaqaale oo Maayirka iyo Maareeyihii hore ee Wakaaladda ka dhexeeya. La soco xogo kale oo dheeraad ah.
↧
Mayarka magaalada Berbera Oo Difaaca Xilka Qaadista Mareeyihii Wakaalada Biyaha, U Magacowday Guddi Qayrul Sharci ah+ Sirta ku Duugan Shuraakadd Danaha Dhaqaale Iyo Fadeexadaha Faro-gelineed ee Awoodihii Wasiir Baashe..
↧