Samafale Cabdimaalik muuse coldoon waxa lagula kacay waa dulmi cawaaqib xumadiisa la dhaxli doono.
Cuquubada dulmigu ma raagto oo aakhiro ka hor adduunka ayay cidda fashay ku haleeshaa oo abaalkiisa ugu yaraan qayb ka mid ah la dhadhansiiyaa, waaya’aragnimadeenna adduunka ayaa taa inoo muujinaysa.
Yaxya Khalid Albarmaki waxa uu ra’iisal wasaare u ahaan jiray khaliifkii Cabbaasiyiinta ee Haaruun Arrashiid la odhan jiray oo xukunka Muslimiinta la wareegay sannadkii 170 kii Hijrada Nebiga-scw- oo ku beegnayd 788 ee miilaadiga.
Khaliifka Haaruun Arrashiid waxa soo korisay oo naaska jaqsiisay Yaxye xaaskiisa, sidaa awgeed Haaruun waxa uu ula dhaqmi jiray Yaxye sida aabihii oo kale, markii uu xukunka qabsadayna waxa uu ka dhigay Ra’iisal wasaarihiisa, waxkastana wuu uga danbeyn jiray.
Yaxye waxa lagu yaqaannay faxalnimo iyo gacan furni aad looga sheekayn jiray.
Waxa mar kaliya dhacay isbeddel aan sababtiisa la fahmin oo ku dhacay Haaruun Arrashiid, subax ayuu soo toosay markaasuu amray in la xidho Yaxye, la dilo inankiisa, lala wareego dhammaan xoolaha qoyskiisa iyo qaraabadiisa dhammaantooda xabsiga iyaga oo silsiladaysan la dhigo !
Sidii baa la yeelay, silic iyo saxariis ayay noloshooda intii u hadhanayd ku dhammaysteen, ilaa uu Yaxye xabsiga ku dhex dhintay !
Yaxye inankiisa ayaa wayddiiyey Aabo: Madaxnimadii, maalkii iyo awooddii dawladnimo ee aannu haysannay ka dib, maxay waxan oo dhibaato ahi noogu dhacayaan, xabsi, faqri, qaawani iyo silican oo dhan maxaa u sabab ah?
Yaxye waxa uu ku jawaabay: “Aabo waxa laga yaabaa habaar dulmane oo saqdhexe Alle loo dirtay, oo aannu moogganayn Alle se aanu hilmaamin” ka dibna meerisyadan ayuu curiyey:
رُبَّ قومٍ قد غَدَوْا في نَعْمةٍ*** زَمَناً والدهرُ رَيَّانٌ غَدَقْ
سَكَتَ الدهرُ زَمَاناً عنهمُ*** ثم أبكاهُمْ دَماً حِينَ نَطَقْ !
meerisyo kale ayaa ahaa:
لا تظلمن إذا ما كنت مقتدراً…فالظلم ترجع عقباه إلى الندمِ
تنام عيناك والمظلوم منتبهٌ…يدعو عليك وعين الله لم تنمِ
Dulmigu waa denbiyada dhulka guudkiisa lagu galo kuwooda ugu waaweyn, sidaa awgeed ayuu Alle uga xarrimay naftiisa, addoomada dhexdoodana xaaraan uga dhigay, dadkana uga abhiyey in ay is dulmiyaan, sida ku cad xadiisal qudsigan:
يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي، وجعلته بينكم محرماً فلا تظالموا، رواه مسلم
Dulmiga waxa ugu daran ka laga galo cid aan Alle mooyee cid kale kuula ciirsanaynin, yacnii aad wakhtigaas ka awood roontahay, waxaana ugu sii xun ka shaadhka sharci la huwiyo ee lagu xalaashado.
Cuquubada dulmigu waxa ay dumisaa guryaha dhisan, waxaanay cumrigooda soo gaabisaa dawladaha, Ilaahay waxa uu suuratal Qasas ku yidhi: “Ma halaagno ummad/magaalo mooyaane in ay dadkeedu daalimiin yihiin” yacni waxa keliya ee halaagga magaalo/ummad sababi karaa waa dulmi
(وَمَا كُنَّا مُهْلِكِي الْقُرَىٰ إِلَّا وَأَهْلُهَا ظَالِمُونَ)القصص 59.
Imaam ibn Taymiya ayaa aayaddan ka dhiraandhiray qaaciido ama sunne kawni ah oo odhanaya: “Ilaahay ummad ay dhexdooda caddaaladi ka jirto ma halaago, xataa hadday gaalo yihiin, waxaanu burburiyaa dawladda daalimadda ah xataa hadday muslim tahay”
Xukunka ku dhacay Cabdimaalik Muuse Coldoon sida ay qabaan qareennadii sharci yaqaanka ahaa ee difaacayey, dad badan oo aqoonyahan iyo sharci yaqaanno ah oo kalena ay aaminsanyihiin, waxa aan rumaysnahay in uu yahay aargoosi awood dawladeed loo adeegsaday oo dad gaar ahi denbigeeda leeyihiin.
Waxa aan guddoomiyaha maxkamadda sare oo ah shakhsi aan aqoon iyo ammaano ku aqaanno ka codsanayaa in uu kiiskaas iyo kuwa la midka ah si dhow ula socdo oo dib u sixid ku sameeyo sida ay wax u dhacayaan.
Waxa aynnu si wada jir ah uga codsan doonnaa madaxweynaha in uu dulmiga ku dhacay Cabdimalik soo farageliyo oo wax ka qabto.
