Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Gudoomiye C/raxmaan Cirro oo Hambalyo & Bogaadin u diray….

$
0
0

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa bogaadiyay heshiiska nabadeed ee ay shalay wada gaadheen beelaha walaalaha ah ee dirirta soo noqnoqotay ku dhexmartay degaannada Ceelafweyn.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada walaalaha ah ku boorriyay in ay heshiiska ilaaliyaan oo nabadda guntaan, sidoo kalena bulshada Somaliland ku hareero joogto dadaalka nabadda lagu dhidbayo.

“Waxa dareen farxad weyni ku dheehan tahay i galiyey heshiishka nabadeed ee taariikhiga ah ee waxgaradka labada beelood ee walaalaha ahi shalay ku gaadheen Ceel Afweyn. Waxa aan Illaahay uga baryayaa in uu uga dhigo heshiis khayr qaba oo lagu nabdo,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyay haldoorka soo dhiraandhiriyay heshiiska nabadda lagu gaadhay “Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah oo iyagu gartay in ay dhexdhooda ka heshiiyaan dhibkooda. mid-mid baan ugu hambalyeynayaa halyeeyadaa nabadda ee heeryadii colaadda maanta ka rogay dadkooda. Reer Soomaalilaana wada farxad galiyey. Nabad baa naas la nuugo leh,” sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro.

ALLAA MAHAD LEH


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>