Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay gelinkii dambe kulan ka yeeshay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashada madaxweyne ee kusoo fool-leh dabaryaaqada sannadka dambe.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin.
2) “Progress on the ambitious agenda for 2020 will require a high degree of political consensus,” @UN envoy James Swan tells Security Council, and flags need for #Somalia‘s Parliament to pass #electoral code and adopt amendments to political parties law before end of December.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020, uu u baahnaan doono wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer.
Waxaa uu ka hadlay sida ay muuhiimka u tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyaan sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka-baddalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka bisha Diseember ee sannadkan si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada ee dabaryaaqada 2020.
Waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, Qorshaha cusub ee Horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

