Umadda kasta waxay haldoorkeeda ku qiimeysa astaamahan aynu cinwaanka ku qornay,waana sida kaliya ee hogaamiyaha astaamahaasi leh hadii la doorto dal ku horumari karo,laakiin inta umaddu ninka ay dooranayso ku qiimeyso qabyaalad qaawan,musuq uu ka galay umadda,lacagtii umadda oo dadka loo qaybiyo,maamul xumo iyo arima kale oo u badan nin jeclaysi umaddaasi weligeed horumar gaadhi mayso,marka waxa la joogaa akhriste wakhtigii umaddu baraarugi lahayd oo ay ninka ay dooranayso ku qiimeyn lahayn ma yahay nin leh astaamahan, ma yahay nin alle yaqaan ah, ma yahay nin aan hore loogu hungoobeyn,umadda Somaliland waa inay qiimeyn wanaagsan ku sameysaa cida ay u doorayso hogaanka dalka.
Umaddi waxay umad ku noqota inay kala ogaato ninka hore ugu fashilmay hogaanka umadda eek u jira qabyaalad,kala qoboqb,hanti lunsi iyo maamul xumo laga arkay,marka shacabka Somaliland ha ka digtoonaadaan beenta iyo borobagaandada ay u sheegayaan ragga kale oo doonaya in loo doorto hogaanka dalka ee la yaqaano waxay galaan iyo waxay gudaan,fadlan shacaboow waayo aragnimada iyo waxa laga arkay ragga doonaya inay umad dhan mustaqbalkooda iyo masiirkooda lagu aamino ha la eego nin kasta siifigiisa hore iyo waxa uu dadka iyo dalkaba gashaday,ha la eego aqoontiisa iyo kartidiisa, la loo fiirsado mudadii uu xilka umadda u hayey muxuu qabtay? Ha la isweydiiyo ayaa ku haboon ee maanta umadda Somaliland ee ay ku bahsatay shaqo la’aanta tayo xumadda waxbarashada,caafimaadka,dhaqaale xumadda iyo dhamaan adeegyadda arimaha bulshada oo dhulka yala ayaa ka qaadi kara?
Akhriste marka si cadaalad ah loo hadlo sifayaashaasi hogaamiye wanaagsani leeyahay waxa koobsaday Aqoonyahay Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Xisbiga UCID,runtii waa nin Somaliland gaadhsiin karo horumar weyn oo leh dhinac kasta,waa nin ka soo baxay jaamacadda aduunka ugu qaalisay ee dalka maraykanka ee lagu magacaabo HARVARD UNIVERSITY waa jaamacadda ay ka soo baxaan inta badan madaxweynayaasha dalka maraykanku,waa jaamacad soo saarta dadka ugu tayada wanaagsan aduunka,Jamaal Cali Xuseen oo jamaacadaasi ka soo baxay wuxuu ka soo shaqeeyey in ka badan 23 oo dal,waa nin khibrad weyn u leh sida loo kobciyo dhaqaalaha,waana halka maanta Somaliland ka liidato dhaqaaluhu,waa nin isku kalsoon oo hogaamin kara dalka Somaliland isla markaana gaadhsiin kara horumar balaadhan,marka fadlan shacaboow Jamaal Cali Xuseen ugu hiiliya aqoonta,kartida,daacadnimadda,waayo-aragnimada uu leeyahay,dulqaadka iyo astaamaha hogaamineed ee uu leeyahay.
Qalinkii
Cabdifataax Cali Warsame.
Hargeysa/somaliland
fataax4144@gmail.com
↧
Musharraxa Madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen Hoggaamiye Caqli Fiican, Calool Wanaagsan, Cibaado Badan, Dulqaad, Daacad iyo Iimaan ka Buuxo oo Somaliland u Baahan tahay
↧