Lix Qof oo Somaliland Dil Toogasho Ah Ku Fulisay
Lixdan qof ee la toogtay oo dhamaantood rag ah ayaa la sheegay inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay,Ku darsoo Dilka toogashada ee qisaasta ayaa ka dhacay meel fagaare ah oo ka soo horjeeda Xabsiga Mandheera
“iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan”
1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.
2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax Maxamad.
3: Gacan kudhiigle Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .
4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.
5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .
6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad
Halkan hoose ka akhris magacyada ragga la toogtay & Degaanaday ka soo jeedaan:-
1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco
2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle
3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco
4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa
5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley
6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa.