Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Mar I Dage Alla Ha Dago, Laba Goor I dagana Anaa Is Dagay by Ali Warancadde

$
0
0

Warka shalay ay soo wada saareen Muumulka Muqdisho iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada, wuxuu meel ka dhac ku yahay Go’aankii Ummadda Reer Somaliland ay ku gaadheen in ay dib ula soo noqdeen Madax banaanidoodii luntay Lixdankii, iyo karaamada Qaranka Somaliland. Mana aha wax loo dulqaadan karro.

Arrintan iyo qaar kale oo badani waxay ka mid yihiin hagar daamooyinka la doonayo in lagu mijaxaabiya Qaranimada Somaliland, arrimahan ay ku kaceen maamulka Muqdisho oo ay ka mid yihiin in ay Gidaarka dabadiisa uga gacan haadiyaan Madaxda Qaranka somaliland qaarkood, oo aanu u aragno in ay doonayaan in ay shaki kala dhex dhigaan ummadda reer somaliland,waxaanay arrimahani keeni karaan in ay si dhaqsi ah u soo nooleyso colaadii hore iyo kala fogaansho hor leh oo la dhex dhigo Ummadaha Deriska ah ee Reer Somaliland iyo Somaliya.

Sidoo kale Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaanu uga digaynaa in ay faragaliso ama ay gacan ka gaysato waxkasta oo ka dhan ah Karaamada, Haybadda iyo Qaranimnadda Somaliland. waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Taladda iyo xukunka Xuduudaha Somaliland, haddii ay tahay dhinacyadda , BADDA, BARIGA, IYO CIRKABA ay ka go’aan Qaranka Somaliland, cid kale oo amar ka bixin kartaana ayna jirin.

Talaabooyin kan iyo qaar kale oo badan oo ay hore isugu dayday Hay’adda Jimciyadda Quruumaha Midoobay u qaabilsan duulimaadku way ku guul dareysatay.

Maantana anagoo ku bogaadineyna Talaabada uu ka qaaday wasiirka duulista iyo Hawadda somaliland arrintan foosha xun ee ay ka muuqato eexda iyo cadaalad darradu, waxaanu fileynaa in maantana ku hungoobi doonaan qorshahoodan laab la kaca ah.

guul iyo gobanimo
ALLAA MAHAHD LEH

HALDOOR, ALI MAHAMED WARANADE
HARGEISA SOMALILAND


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>