Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland ma wuxu ka mid aha sharkadahii madasha lagu casuumay ileyn madasha sharkada lagu casuumee

$
0
0

Waxa an halkan kasalaamaya shacabka somaliland sidii qiimaha la heyd ee ay dibad iyo gudaba ugu tamaashadeen sanad guuradii 22naad ee kaso wareegtey gooni isu taaga Somaliland waxakaloon salaamaya dhamaan bahda saxaafadda iyo warbaahinta inta codka shacabka ku hadasha ee fariimaha iyo codkeyga ba gaadhiisa gudo iyo dibadba.

Waxa an aakhristoo isweydiiyay oo an la yaabanahey bal waxa uu dhexeeya ama ku kala gadisan yihiin shirkii Somaliland qaadacday 7dii May ee London lagu qabaneyay iyo Shirkan bishan 27keedii ka furmey magaalada Nairobi ee uu wasiirkeena arimaha dibadu goobjooga ka aha, runtii siyaasada arimaha dibada ee Somaliland waxad mooda inu caalamku ba aad ula yaaban yahay sida ay maalinba maalinta ka danbeysa isku dhalan rogeyso mawqif la’aanta, shalay wa No maanta wa Yes.

Runtii waxaan aaminsanahey in ay labada shir ba khuseeyaan uun somaliya oo kaliya oo aney Somaliland kujirin lkn waxa hubaal aha in dano gaar ah maamulkeenu ka leeyahay oo shirkan loo tagay..

Maalintii uu wasiirkan arimaha dibada ee Somaliland Dr Mohamed A Omar uu ambabaxayay dalkaasi Kenya magaalada Nairobi wuxu warbahinta iyo saxaafadda ba uu sheegey inu safarkiisa ku koobnaan doona uun xafiisyada UNta oo arimo khuseya somaliland kala so xaajoon doono.

Marna ba wasiirku kama dhawaajin inu shir somaliweyn uu ka qeyb gali doono, waxase maanta warbaahinta iyo saxaafadii ba inooso Bandhigeen sawiro cadeynaya inu garab fadhiyo safiirkii Xassan Sh iyo calankii somaliweyn oo hortiisa ka lulmaya, runtii shirkaasi wuxu dhaawac weyn uu geysan kara siyaasada arimaha dibada ee somaliland wa nasiib daro iyo fashilaad la doonayo in qadiyadeena la fashiliyo oo uu caalamku ina aamin waayo maadaama aynu wali ka mid nahay somaliweyn, islamarkan la fahmi waayo ujeedada aynu leenahay wa hab lagu curyaamineyo qadiyadeena oo la doonayo in shacabka lagu niyad jabiyo. runtii wa habdhaqanka kulmiye doonayo inu siyaasada Somaliland ku laciifineyo siyaasadeeda arimaha dibada.

Waxa haddaba maanta mudan inu shacabkeenu isweydiiyo su’aasha odhaneysa sababta uu madaxweynaheenu uga gaws adeegay shirkii caalamiga aha ee dawlada Ingirisku hormoodka ka aheyd maadaama aney jirin wax faraqaha oo uu dhexeya labadan shir ee somaliweyn loogu talo galay ee midna mashaarcida dibu dhiska somaliya lagaga wada hadalayay midna dhaqaale loogu ururineya.

Somalidu waxey tidhaahda WAAD BAAHANAHEY LOOMA BAHALO CUNO. sida lagu sheegay ujeedada shirkani loo qabtey wuxu aha mid lagu maalgalineyay dawlada somaliya dibu dhiskeeda oo sharkado badan laguso casuumeyn iney kaso qeyb galaan.

Waxan haddaba isweydiiyay talow Somalilandna ma waxay noqotey sharkadahaasi tartanka ugu jira mashaaricdaasi la bixin doona, mise waxay ka mid aheyd waftigii ka socday ganacsadaha weyn ee Dahabshiil ee quudareynayay inu mashaaricda wax ka helo ileyn meesha sharkadu mashaarici doonaya ba laguso casuumee oo ku hirdamayay.

Waxase runtii marag ma doon ah oo an ogahey inu maantana lumin doono madaxweyne Siilaanayo sharaftii iyo karaamadii iyo kalsoonidii shacabka somaliland uu hibeeyeen ama huwiyeen maamulkiisa bishan horaanteed maalmihii uu ka gaws adeegay shirkii London inu ka qeybgalo. kk

Dawlada Ingiris iyo ra’iisawasaarahoodu mr David C. su’aasha kaliya ee ay isweydiineya maanta waxay noqoneys wa maxay sababta ay shirkii London somaliland uga gawsadegtey maadaama maanta ba ay ka qeyb galeen shir somaliweyn lagu maalgalineyo, runtii waxey dawlada Ingiris inoo arki doonta mustaqbalka dawlad an mawqif adag ku taageyn oo runtii ducuf badani ka muuqdo maamulkooda iyo kalsooni daro badani

Runtii anigoo ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah ee qaran waxanu xusbi ahaan cambaareynayana ka qeybgalka shirkaasi Nairobi ka dhacay taaso anu u aragno mid la mid ah shirkii London bishan 7deed lagu qabtey ee aynu shacab iyo dawlada ba ku gacan seydhney in aynu ka qeyb galno maantan ka yeelin meyno maamulka Siilaanay inu maalin ba meesha uu rabo geediga inoogu raro, shirkani waxanu aaminsanahey in dano gaar ah looga qeyb galay.

Xusbiga UCID wuxu kasoo horjeeda in mardanbe lala xaajoodo horjoogaha madaarka Xamar Xassan Guurgurte maadaama uu maalintii qarannimadeena ku sheegay maalin shacab CAADIFADII MADAX MARTEY midnimada somaliyan inoogu baaqay isagoo inoo gacan haadineya in aynu kuso noqono candhuufteenana dib u liqno, maanta mey aheyn maalin wasiirkeeni arimaha dibada ee somaliland garab fadhiisto safiirkii Xassan Qosleye ee aflagaadeyay maalintii qarannimadeena iyo damaashadyadii gudo iyo dibad ba ka dhacay, kuna sheegay ciidamadeeni qaranka kuwa la so kireystey oo Itoobiya laga so daabuley, waxa nasiib daro ah in an ila maanta dawladeenu wax jawaab ah ka bixin aflagaadooyinkaasi maalin ba maalinta ka danbeysa isaso taraayay ee Mogadisho laga so afuufeyo, waxaabu maamulkeeni ka doorbideen in ay shirarkooda ka qeyb galan oo ay garab fadhiistaan safiiradoodii iyo madaxda Mogadisho..

Maamulkeenu wuxu la mid yahay doqonkii anabadey ee la so helay ee yidhi maxeyd igaga farxi biritoole ba waan lumi dooneye, maalintu maamulkeenu talaabo hore uu qaada ba maalinta ku xigta ayu dhawr talaabo dib uso qaadaya wa doqon nasiib leh lkn an mawqif adag la heyn..

Waxan runti qormadeydan kusog gabagabeynaya dawladii kulmiye siyaasiyan waxay qadiyadeeni galisey mugdi waxey caalamkii u aqoonsaday maanta dawlada an mawqif adag la heyn oo sida balanbaalista hawada heehaabeysa.

GUUL BAAN SOMALILAND U RAJEYNAYAA

Omar Darood Hassan

darood2@hotmail.com
Norway


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>