Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Qodobo wadahadalka reer Somaliland iyo Somalia sal u noqonkar

$
0
0

Aragti

Masuuliyiinta dawlada somaliya ee xamar fadhida haday somali mid ah doonayaan maxaa u diiday waxaan xoog ahayn inay ku doonaan.
adeer anagaa idiin sheegaynee bal sheega waxa aad ku doonaysaan in labadii 1960kii midoobay inay marlabaad midoobaan suurtagal xagiina ma ka tahay qodobadan hoose in aad bixisaan oo reer somaliland siisaan:
1) in magaalomadaxda Somaliya ay noqoto Hargaysa.
2) madaxwaynaha in somaliland uu ka yimaado
3) in calanka Somaliland la qaato
4) In maamulka loo qadaysato 50:50
5) in baarlamaanka loo qaybsado si isleeg
6) in wadanku noqdo federal laba qaybood ah waqooyi iyo koonfur
7) in ciidamadu u qaybsanaadaan labadaa qaybood yeeshaana laba taliye oo wasiirka gaashaandhiga hoostaga, wasiirkuna reer waqooyi noqdo
8) in magaca Somaliaya la bedelo loona bixiyo jamhuuriyada federalka midawga waqoyiga iyo konfurta somaliya
9) 40 sano kadib marka la ilaawo wixii hore u dhacay midnimadaas danbena la tijaabiyo in reer somaliland afti laga qaado inay somaliada waqtigaa joogta ka sii mid ahaanayaan iyo in kale.
10) in dastuurka dalka cusub dib loo qoro marka 40 sano dhamaadan inta ka horaysana heshiiskani noqdo dastuurka dalka iyo wixii kale ee lagu darikaro iyadoo markasta reer somaliland sharciyada dalka ku leeyihiin codka Vitto oo ay horistaagikaraan qodobada aanay dantooda ka arkayn
11) in baarlamaanka midowga somalida cusub yeeshaan laba gudoomiye oo ka somaliland ka socdaa yeesho awooda vitto ah oo uu ku horistaago wixii shuruuc ah ee aan dan u ahayn somaliland ta cusub.
gabagabo haddii konfurta midnmadan aad muqadaska ku sheegaysaan dhab idinka tahay qodobadaasi waa garnaqsiga reer somalialnd inta midnimada doonaysa ee xamar idinla joogta ee haddii ay idinka dhabtahay muqadasnimada Midnimo ee aad sheegtaan si aqlabiyada reer somaliland ee in la midoobo diidani u arkaan in sidan danbe ay ku bedelankaraan oo tijaabin karaan qodobadan 11 ka ah
WABILAAHI TAWFIIQ

Omer J.Hashi

cumarjama1966@hotmail.com

Fikradaasi waxa ay gaar u tahay qoraha mana aha mid ka turjumaysa hab u socodka shabakadani, qoraha ayaana ka masuul ah oo lagala xidhiidhi karaa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>