Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Isburinta Hadalka Dr Abdirashid Sheikh Hasan

$
0
0

Maqaal uu qoray Dr Abdirashid asbuucan wax ka muuqda jahawareer siyaasadeed marka loo eego maqaal hore uu qoray ku durayo Muse Bixi Abdi kornaylka oo ku taariikhaysan 29,June,2014 waxa uu iftiiminayaa aqoon darradda ka haysata Mujaahidka Muse Biixi xidhiidhka caalamiga ah iyo maamulka guda labadda, waxa kale muujinyaa aqoonyanaddii Beesha Samaroon ee looga fadhiyay inay hagaan bulshadda geeska Africa waxay nasiib daro daba fadhiisteen kornaylo isku urursaday Kulmiye sida Prof. Abdi Samatar, haday ogaan laahaayeen jaamacadii waxay ka urursan laahaayeen shahaadadooyinka. Aqoonyahanku wax uu ka doorbidaa dantiisa ta qaranka isagoo tooshka ku ifiniya qof kasta oon istaahilin wadankiisa inuu hogaamiyo sida aqooyanahada xisbiga jamhuuriga ee diiday Donald Tramp iyaga oo halkaas iska dhigay xisbinimo. Maqaal kiisa hore sidaas buu u egyahay Dr Abdirashid.
Maqaalkan danbe ee leeyahay U Codee Muse waxa si toos u burinayaaa maqaalkiisii hore ee leeyahay Muse wax ha barto arimaha diplomaasiyadda iyo sida caalamku u shaqeeyo iyo xidhiidhka bulshadda. Keebuu run sheegayaa tollow?
“Dr: Maxamed Rashiid,ayaa sheegay in la joogin Wakhtigii uu Muuse Biixi isku hawli lahaa inuu la tartamo….”
Wuu sii waday Dr Abdirashiid isaga iftiiminaya inaan Muuse waxba ka aqoon caalamka cidna aanu telifoon u diri karin talana siinaya waxa ay tahay in barto ka hor intaanu kursi u cararin, waxa uu siinayaa talo waayeelnimo walaaltinimo. Akhri waatan hoos ku soo koobiyeeyay:

(…ayaan u arkaa in Guddoomiye Muuse sharaf iyo taageeraba ku heli doono mustaqbalka. Guddoomiye Muuse, si uu mustaqbalkiisa iyo kan dalkaba uga hawl-galo, waxa u furan in uu awoodda saaro arrimo dhawr ah oo istiraatiji ah. Waxa ka mid ah booqashooyin uu ku xoojinayo xidhiidhada uu la leeyahay dadweynaha ku kala dhaqan dhammaan gobolada Somaliland iyo weliba xidhiidhada da’yarta dalka iyo ururada bulshada. Sidoo kale, waxan ku talin lahaa in uu ka fikiro xidhiidhada dibedda, gaar ahaan waddamada aan ku talin lahaa in uu xidhiidhkooda adkeeyo wax aka mid ah Britain, Kenya, South Afrika, France, Australia iyo Belgium isagoo arrinkan kala kaashanaya wasiirkeena arrimaha dibadda Mudane Maxamed Biixi Yoonis. Waxa la joogaa xiligii midnimo gudaha ah loo muujin lahaa dunida looguna caddeyn lahaa go’aanka ay dadka Somaliland qaateen in uu yahay mid aan dib looga noqonayn bulshada caalamkana looga fadhiyo in ay Somaliland ku taageerto waxa ay dadkeedu doonayaan iyo horumarka ay hiigsanayaan iyagoon cidna xumaan u qabin. ) tani waa taladdi Dr Abdirashiid.

Dr Abdirashiid Waxa uu sheegayaa goldaloolooyinka (weaknesses) muuse Biixi Cabdi sida xidhiidhka gudaha ( domestic policy) iyo xidhiidhka caalimiga ah ( foreign policy) labada aanu ku fiicnayn Muuse ay tahay in uu wax ka qabto intaanu iska jaman lahaa kursiga. Waxa si aad qurux badan u soo bandhigayaa in aanu Muse waxba ka aqoon siyaasad mid gudeed iyo mid dibadeed toona waxa kale aanu muuse waligii jeclaysan doonin ee u sheegayaa in wax ka barto Bihi Yonis ah ruug cadaa diplomaasi ah ka soo shaqeeyay UN ta 40 sanno in ka badan
Taladdii Dr Abdirashiid ee siiyay Muse maxuu ka qabtay laba sanno ka hor ugu dhawaan? Muse Biixi ma tagay Wadamadda u sheegay si ay u bartaan qof nooceeya ayuu yahay Muse? Ama ma adkeeyay xidhiidhka bulshadda Somaliland gudaheeda? Jawaabta waxaan u dhaafaya akhristaha si aan iska ilaaliyo eex (bias).
Waxa aad u yaab ah Dr Abdirashiid isaga og aqoon darrada haysata Muse Beesha caalamka in kula taliyo in ka dhigto inaadeerkii Biixi Yonis wax afqalaad loo yaqaano Mentor oo ceeb ahayn hadii qof wax ku dheer aad dhagaysato intii ceebtaada u soo bixi lahayd TV-ga ama saxaafadda laakiin su’aashu waxay tahay Muse ma ogalaan karaan marka la eego qabkiisa mentor ama tababare ugu dhawaan af Somali ahaan? I don’t think so,
Maqaalkii danbe ee Dr Abdirashiid leeyahay Codkaaga sii Muse Biixi maxuu soo kordhin karaa hadii uu hore inoogu sheegay inaan Muse waxba ukala baxsanayn. Waxa jira dad aqoon yahan oo ah sellouts (iimaankooda xaraasha kol caddii wax u dhiibta) , Muse Bixi cabdi waxa dabadda ka riixa bank faransiis ah oo wakiil ka noqonayo Ganacsade ina Aw Siciid oo Muse balan u qaaday Dahab Shiil meesha uga saari doono. Dadka ilaa hadda iibsaday Ina aw Siciid wax ka mid ah Faysal yare, Siciid Roble iyo dad kale oo kuyuuga haysta hadda sida uu sheegay Engineer Hashi( bal baa loo dhigay).
Inagu waxaan u hayaa Dr Rashid ixtiraam wayn laakin waxaan laayaabay mutacalimiinta dadkale waa laba socdaa laakin kuwa Awdal waxay daba socdaan Saylaci oo ahaan jiray Plumber ama qasabado biyaha hagaajiye (sewage fixer) maxuu isu sharixi waayay Prof Samatar ama Dr Abdirashiid inta la talinayo askari iyo Plumber? Dr Abdirashid is sharax dadku way kuu baahan yihiin oday.

Abdirahman Mohamed Dirye
mrdirye@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>