Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca oo duqayn u gaystay dad xoolo dhaqato ah gobolka Oodweyne iyo mooganaanta xukumadda Siilaanyo

$
0
0

Oodweyne,(Qaran-news)-Shalay barqadii ayaa laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca oo siday ciidamo Maraykan ah sida ay sheegeen dad xog ogaal ah iyo masuuliyiin ka tirsan gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne ayaa raasaas ku soo riday dad xoolo dhaqato oo ku sugan Baliga reer Cilmiga ee gobolka Daadmadheed ee Oodweyne rasaastani ayaa ka danbaysay markii diyaardahaasi ay dad xoolo dhaqato ah oo deegaankaasi degani ay khaatiyaan ka istaageen diyaardahaasi oo xoolaha ka didiya sidii ay sheegeen dad goobtaasi ku sugani isla markaasina ay rasaasta ka dhacda qoriga AK47- taasi oo diyaaradahaasina ay ugu soo jawaabeen rasaas iska caabin ah taasi oo aan gaysanin wax khasaare ah.

Diyaaradahani ayaa goobtaasi oo ka tirsan gobolka Daad’madheedh mar walba soo dul mara oo ay marin u tahay, waxana ay masuul gobolka Daadmadheedh ka tirsani noo xaqiijiyeen in markani ayna ahayn markii kowaad ee ay arintani dhacdo hase ahaatee 4 bilood ka horna arinkani oo kale uu dhacay oo ciidmadaasi iyo reermiyigu ay is rasaaseeyeen marnba wax khasaare ahi kama dhacin, mar aanu masuuliyiintaasi waydiinay xaga ay diyaaradahani ka soo kacayaan ayaa sheegay in diyaaradahani ka soo kacaan markab weyn oo yaala biyaha dalka Jabuutiisla markaasina la filaayo in ay diyaaradahaasi u sii gubaan dalka Somaliya.

Xukumadda Somaliland ayaan arintani ka hadal marnaba, lamana hubo in diyaardahaasi ay ogolaansho u haystaan in ay duulimaadyada noocaasi ay dalka Somaliland ku dhex sameeyaan lamana garan karo in ay xukumaddu dalalka leh diyaaradahani ay heshiis kula jirto iyo in kale, hase ahaatee mar aanu la xidhiidhanay wasaarada arimaha gudaha way noo suurto gali wayday hase ahaatee waxa jira in hada arimahaasi ay gacan buuxda baadhitaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidanka booliska ee Oodweyne oo la sheegay in ay hada ka diyaarinayaan warbixin buuxda sidii ay wax u dhaceen oo ay goobtaasi booqdeen.

Gobolka Daad’madheedh ee Oodweyne ayaa dhaca badhtamaha Somaliland waxana ka jirta nabadgalyo taam ah , waana gobolka ugu xoolaha badan gobolada Somaliland iyada oo dadka dgobolkaasi ay aad u dhaqadaan geela.adhiga iyo lo’daba, waxana si buuxda gacanta ugu haysa xukumadda Somaliland iyada oo magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolkaasiba ay ku seexdaan kuna soo toosaan nabada ka jirta Somaliland inkasta oo gobolkaasi uu aad uga danbeeyo gobolada kale ee Somaliland gaar ahaan xaga adeega arimaha bulshada iyada oo badhisaabkii gobolkaasina aanu in mudo ah xafiiskiisa ka soo xaadirin oo uu iskaga suganyahay caasimada Somaliland oo uu ku noolyahay,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>