Warbixin Naxdin leh:Qalabka neefta siinaya dadka sakaraadaya ayaan ka damiyaa+Sababta & Cida Amarka siisa

In la helo qalabka neefshada caawiya waa farqiga u dhaxeeya nolosha iyo geerida ee dadka sida daran ula xanuunsan cudurka Covid-19.
Qalabkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Ventilator” wuxuu dadka siiyaa neefta oxygen-ka ee gasha sanbabbada – sidoo kalena wuxuu kasoo saaraa kaarboonka – taasoo ah mid aysan qalabkaas la’aantiis dadka xanuunsan sameyn karin.
Hase ahaatee mashiinnadan neefsashada ma wada badbaadin karaan dadka oo idil.
Shaqaalaha caafimaadka ee Adduunka waxay wajahayaan go’aanno adag oo mararka qaar ku khasbaya inay qalabkaas ka damiyaan dadka aysan xaaladdoodu soo fiicnaaneynin.
“In qofka sakaraadaya laga damiyo qalabkan waa xaalad murugo badan iyo xanuun leh. Mararka qaar waxaan dareemaa inaan si markii loo eego sabab u ahay geeridooda,” ayey tiri Juanita Nittla.
Waxay gabadhan madax u tahay kooxda kalkaaliyeyaasha ah ee ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah la dhigo (ICU) ee isbitaalka Royal Free ee magaalada London.

Nittla oo ku dhalatay Koonfurta Hindia, waxay Waaxda Qaran ee Adeegga Caafimaadka England u shaqeyneysay muddo 16 sano ah, waxayna ku takhasustay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee loo yaqaanno ICU-da.
“In la damiyo qalabka neefsashada waxay qeyb ka tahay shaqadeyda,” ayey tiri kalkaalisadan 42 jirka ah oo BBC-da u warrantay maalin ay fasax ahayd.
Hadalkii ugu dambeeyay
Intii lagu jiray isbuucii labaad ee bishan April, islamarkii ay Nittla shaqada tagtay subax aad u mashquul badan, madaxa qeybta ICU-da ayaa u sheegay in laga doonayo inay daweynta ka joojiso mid ka mid ah bukaannada qaba Covid-19.
Qofka bukaanka ah ee loo diray waxay noqotay kalkaaliso 50 iyo dhowr jir ah oo ka shaqeyn jirtay caafimaadka bulshada. Nittla waxay arrintan kala hadashay gabar ay dhashay haweeneyda bukaanka ah.

“Waxaan u xaqiijiyay in hooyadeed aysan wax xanuun ah dareemeynin ayna u muuqatay qof qanacsan. Waxaan sidoo kale ka codsaday inay hadalkii ugu dambeeyay ku dhahdo hooyadeed, waxyaabaha diiniga ahna ay sameysato.”
Sariiraha yaalla qeybta ICU-da way isku xigxigaan. Haweeneydan loo diray inay dawada ka joojiso waxaa ku hareereysan bukaanno kale oo kulligood miyir daboolan.
“Waxay ku jiiftay sariirta 8-aad. Dhammaan bukaannada kale aad bay u xanuunsanaayeen. Waxaan xiray daahii, dhammaan qalabkii qeyladhaantana waan damiyay”.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale shaqada hakiyay xoogaa.
“Kalkaalisayaashii way wada aamusan. Sharafta iyo qanacsanaanta bukaannada waa mudnaanteenna koowaad,” ayey tiri Nittla.

Kaddib waxay telefoonkii dhagta u saarta bukaanka waxayna gabadheeda ka codsatay inay hadasho.
“Aniga wuxuu ila ahaa telefoon lagu hadlayo kaliya laakiin waxay muhiimad weyn u lahayd qoyska. Waxay doonayeen wicitaan muuqaal ah, laakiin nasiib darro telefoonnada gacanta looma oggola gudaha qeybta ICU-da”.
Daminta
Kaddib markii la fuliyay codsiga qoyska, Nittla waxay muusig khaas ah ka daarta kumbuyuutar. Kaddibna waxay u dhaqaaqday inay bukaanka ka damiso qalabkii neefsashada.
“Dhinaceeda ayaan fariistay anigoo gacmaha ka haya ilaa inta ay nafta ka baxeysay,” ayey tiri.

Go’aanka ku saabsan in qalabka neefsashada iyo daweynta laga joojiyo bukaannada waxaa qaata koox dhakhaatiir ah oo waxyaabo badan tixgalisa. Inta aan tallaabadaas la qaadin waxaa la eegaa da’da bukaanka, xanuunnadii uu horay usii qabay, sida uu dawada uga falcelinayo iyo suurtagalnimada inuu qofku soo caafimaado.
Haweeneyda ay Nittla ka damisay qalabka neefsashada waxay ku geeriyootay muddo shan daqiiqo ah.
Dhimasho kalinimo ah
Kaddib waxay ka wada bixisay faleebooyinkii dawooyinka lagu siinayay.

Gabadha ay dhashay bukaanka geeriyootay iyadoo aan ka warqabin waxa isbaddalay ayey wali kusii hadleysay telefoonka wayna u duceyneysay. Nittla oo aad u calool xumooneysa ayaa gacankii telefoonka qabatay, waxayna u sheegtay in howshu ay dhammaatay.
Kalkaaliso ahaan, waxay sheegtay inaysan howsheeda daryeelka ah istaageynin marka uu bukaanku geeriyoodo.
“Anigoo ay kalkaaliso kale i caawineyso ayaan meydkeeda sariirta ku dhaqay waxaana ku xiray kafan, kaddibna waxaan ku xiray bacda meydadka,” ayey ku tiri BBC-da.
Ka hor inta uusan imaamin cudurka coronavirus, dadka ehelada u ah bukaanka waxay si fool ka fool ah dhakhaatiirta ugala hadli jireen arrinta ku saabsan ka joojinta dawada.
Qaraabada dhow ayaa sidoo kale loo oggolaan jiray inay ICU-da ku sugnaadaan marka bukaannada laga daminayo qalabka nolosha ku caawinaya.
Laakiin hadda qorshahaas kama socdo meelo badan oo ka mid ah caalamka.
