Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Waxaanu Baaq u direynaa in Hayadaha Caalamiga ah ee Xuquuqul in-saanku ay isha ku hayaan dhacdooyinka Foosha Xun ee JSL ka dhacaaya.

$
0
0

Maanta JSL Waxaa meesha ka baxday Xuquuqdii shacabka ” Constitutional rights ” Waxaana ka dhacay laba dhacdo oo aad u foolxun labadii usbuuc ee u dan beysay.

1-Waxaa sife badheedh ah rasaas aan loo meel dayeyn loo la dhacay dhalinyaro iyo waayeel aan waxba galabsan oo uyimi Garoonka kubada cagta in ay Ciyaaraha Gobolada ka daawadaan nabadoodana dawladu sugto. Waxaana goobtaa ku dhaawacmay dad faraban qaarna way ku dhinteen. Waxaa dhakhtarka Hargeisa weli ka buuxa dadkii dhaawaca Askartu gaadhsiiyeen. Waxaa Ceeb iyo Fadeexad qaawan ku ah Dawlada in dhacdooyinka noocan oo kale ahi ay soo noqnoqdaan oo aaney taxadar badan iyo tabo-bar ciidan midna ka sii sameyn ee ay had iyo jeer Rasaasta uun muciinsadaan Askarta dawladu si ay dhiiga dhalinyarada u xalaaleystaan.

2- Waxaa iyana dalka ka dhacday usbuucan Dulmigii iyo Cadaalad daradii ugu weyneyd ee dalka Somaliland soo marta abid , Taas oo Xisbigii Ucid loo sadqeeyey xisbiga kulmiyey, Kadib markii Go’aankii Maxkamada sare la jebiyey ee la fulin waayey, Waxaa iyna la jebiyey Go’aankii Gudida Doorashooyinku ay soo saareen ee yidhaahdeen shir loo dhan yahay ha la qabsado. Waxaa lawada jebiyey Xeerarkii qaranku lahaa sida Xeer 14. Waxaa la jebiyey Xeerarkii Xisbiga Ucid lahaa. Waxaa la wada jebiyey shuruucdii iyo qawaaniintii qaranku ku taagnaa, Waxaa dhinac u ciiray oo weecsin iyo beegsin noqday baawarkii dawaladeed ” Balance of power ”

3- Waxaa shacabka Somaliland khashaafadaha ka daawadeen in Faysal Ali Waraabe oo shaqsi ah loo burburiyey Shuruucdii qaranka Somaliland wada lahaa oo dhan.
si xisbigiisii hagaasay ee Ucid loo bakhti afuufo uu u noqdo Sub-station Xisbiga Kulmiye u shaqeeya.Waxaana Hayadihii sharciga JSL ku fashilmeen in ay Go’aamadii ay soo saareen ay fuliyaan si shir loo dhanyahay loo qabto loona ansaxiyo heshiisyadii labada Garab ee Xisbiga Ucid ay wada galeen. Waxaa la baalmaray oo la baabiiyey dhamaan shuruucdii iyo Nidaamkii dalku lahaa. Waxaana ay fadeexad qaawani dul hoganaysaa Hayadihii sharciga ee JSL, ku waas oo dalkii ka dhigay Dal aan Haydihiisu sharciga ilaalin oo aaney rukumo adag ku taagneyn.

Maadaama la bur-buriyey Xeerar kii iyo Nidaamkii ay asxaabta qaranku ku tar-tami lahaayeen, lana wada jebiyey rukunadii shuruucdii dalka ku taagnaa iyo dhamaan shuruucdii ” Universal Declaration of human rights “. Markaad u fiirsato ee aad odorosto Af-genbiga Siyaasadeed ee dalka ku soo fool leh iyo aragtida, sahanka iyo hiraal ubiseylka magafe Faysal Ali Waraabe iyo xisbigiisa gacanta loogu rimiyey oo ay Xukuumadu soo adeegsan doonto Doorashooyinka soo socda.Waxaanu ka codsanaynaa Hayadaha taageera geedi usocodka Dimuqraadiyada curdinka ah ee JSL iyo dhamaan Hayadaha Caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee hoos ku taxan in ay si mug leh u soo farageliyaan oo gaadh ka qabtaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku soo beegan dhamaadka bisha sadexaad soo socda ee 2017 ka inshaa-allah.

1- Amnesty international (AI)
2- The International Commission of Jurists (ICJ)
3- The international Federation of Human Rights (FIDH)
4- UN Human Rights Council ( UNHRC )
5- The international covenant on economic social and cultural rights ( ICESCR)
6- The Convention on the Elimination of all forms of Discrimination. (CED)
7- Creativity Associates International
8- USAID

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>