Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xog:Farmaajo Xilka ka qaadayo Taliyayaasha Ciidamada milateriga & Booliiska Somalia+Bedelkooda & Halka sartu ka qudhuntay

$
0
0

Xog:Farmaajo Xilka ka qaadayo Taliyayaasha Ciidamada milateriga & Booliiska Somalia+Bedelkooda & Halka sartu ka qudhuntay

Taliyaasha Booliiska iyo Militariga Soomaaliya

Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto, ayaa Warbaahinta Qaarkeed u xaqiijiyay in uu socdo isbeddel madaxweyne Farmaajo ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga Dalka.

Xogtu waxay sheegaysaa, in Madaxweyne Farmaajo uu xilka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>