Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiir Ina Hashi 62kii Siyaasada Ku Saaqiday!!!!

$
0
0

    Wasiir  Ina Hashi 62kii Siyaasada Ku Saaqiday!!!!

“Ragg Haduu Hor fule Kaa Dhigtoo Hibo Laguu Yeelo”

Dhaliisha badan nafta ayaa ku dhimata , Waxay qofka ka dhigtaa qof niyad jabsan oo madaxiisu fooraro,  Run haddii la doonayo Soomaalilaand inta ay haysato ayaa ka badan inta ka maqan, Waxa ka maqanba waa in dhiig cusub lagu shubo xorriyadda siyaasadeed ee xilligan la hayo. Sidee baa hadaba loogu shubayaa? Waa adiga iyo Intiinna jecel in wax la beddelo, Intiinna xiisaha u haysa in ay siyaasadda galaan,  Siyaasadda gala. Oo  qorshe ku gala. Dhaliishu ma joogsato ee ha ku niyad jabina. Ha illoobin sababta aad u galayso. Ha illoobin baahiyaha badan ee dhulkaaga yaalla iyo sida degmo kastaa ugu baahan tahay: Biyo nadiif ah, Caafimaad, Waxbarasho tayo leh, dhismaha waddooyinka iyo isku xidhka deegaannada dalka, Waxaas oo dhan adiga oo og, ha illoobin in ay reerkiinnu been ku sheegayeen, Ha illoobin in dalka oo dhan meel walba looga baahan yahay wixii ay beeshaadu kuu sheegtay in ay keligood u baahan yihiin,  Ha illoobin in aad runta u sheegto ,Ha yeelin in cidna magac dawladeed lagu dulmiyo,  Beeshaada iyo beel kale midnaba  Ha illoobin caddaaladda iyo wada noolaanshaha.

Qof reer somaliland ahi kuma dhaco inuu Ina Hashi(wasiir Beenaale) inuu runta u sheego waayo dadkeenu waa laba wajiilayaal, waxkalana maahee waxay ka baqanayaan inuu laydhka iyo biyahaba ka jaro.

Malin dhawayd waxaan aad ula yaabay dhalin yaro indha la’aan difaaceysa oo waliba ku sheegaysa Amiirkii Muslimiinta(Abu bakar Al Sadiiq) , Subxaalana allah waa Wax aad loola yaaba in la been sheego Muuminiintii iyo Awliyadii Illahay, ee Illahay iyagoo Aduunka Jooga Janatul Fardowsil Aclaa, ugu Balan qaaday, Markaasan intaan Dhola cadayey, Ku idhi Wasiirkan ay Tobanka Astaamood ay iska Shabahaan Musaylama Ibnu Kadab, Yar yarkiiba intay Anfariiranyn Midba Dhinac u jeestay, Markaan Arkay inay Naxeen, Ayaan Su’aal Yar waydiiyey, Tan iyo intay Somaliland Jirtay Miyaad Taqaanaan Wasiirkii Ugu Beenta Badnaa?

Yaryarkii Baa Markaliya Illahay Ka yeedhsiiyey, HAA, HAA, HAA, kii ugu horeeyey ayaa isna sheegay oo yidhi “Ala aniga Adeerkay Ayuu Been u Sheegay oo Tahriibeyba Cadho Darteed”

Ina Xashi hal jaamcada ayuu ka baxay jamacadaasina waa jamacada Madaxweyne Siilaanyo, jamacaadii madaxweyne siilaanyana uu ku Saqiday oo isaga oo aan dhameysan ayuu xilkii ka dhamaanyaa.

Dadka dulmiga taagera hadii manta la yidhaahdo sheeg, waxa kow ka ah Wasiir Beenaale( Musaylama Ibnu Kadab)

Dadka Tuugta Taagerana waxaa Kow ka ah Wasiir Beenaale ( Musaylama Ibnu Kadab)

Sida aan Uga naxay in  Madaxweyne Ordugan la Inqilaabo ayaan Ugu Farxi la ahaa In Wasiir Ina Hashi Xila Laga Casilo.

W/Q Samir Hassan Abdi(Raan)

Tel: 063-415-79-74

samirjajaa@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>