Diyaaradii xamuulka ahayd ee laga lahaa dalka Kenya ee Isniintii ku burburtay degmada Bardaale ayaa waxaa imika la xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen.
Ciidamada Itoobiya ee diyaaradda soo riday ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn ciidamada nabad ilaalinat ee Midowga Afrika ee Amisom.
Bayaan ka soo baxay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo nuqul ka mid ah ay BBC heshay ayaa lagu sheegay in diyaaradani markii ay ku soo hobatay garoonka ay sameysay weec-weecad aan lagu aqoon diyaaradaha taasi oo keentay in cidamada ay toogtaan iyaga oo ka shakiyay in howlgal is-miidaamin ah ay u socoto.
Amisom ayaa intaa ku dartay in uu jiray xiriir la’aan ka dhaxeysay ciidamadii goobtaasi ku sugnaa iyo diyaaradda taasi oo la xiriirta hanaanka ammaanka ee maareynta duulimaadyada.
Abaanduulaha ciidamada ayaa sheegay in koox baaritaan oo isku-dhaf ah islamarkana ka kooban saraakiil ka kala socota Somaliya, Itoobiya iyo Kenya ay baaritaan ku sameyn doonaan diyaaradda Isniintii la soo riday.
Diyaaradan oo ka diiwaan gashaneyd Kenya islamarkana ay iska laheyd shirkadda African Express ayaa markii la soo ridayay waxay sidday gargaar caafimaad.
Dhammaan shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi ayaa dhacdadani ku geeriyooday
