Tan iyo intii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland Mr.Siilaanyo uu u magacaabay Gudooiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali oo ahayd 24/05/2015 oo haatan laga joogo mudo sanad iyo badh ku dhaw ayay dad badani saadaalinayeen in Mr.Aadan oo ah nin dhalinyaro aqoonyahan ah uu wax badan ka badali doono garsoorka dalka oo markaasi cabasho badani kaga imanaysay Madaxweynaha dalka.
Hadaba markii uu gudoomiye aadan xilka la wareegay waxa isla markiiba madaxweyne siilaanyo u kordhiyay garsoorayaasha maxkamada sare oo ku daray 6 garsoore oo kale taasi oo garsoorayasashii maxkamada sare ka dhigtay 11 kow iyo toban garsoore halka waligeed aanay dhaafin 5 garsoore.
Waxa kale oo uu nasiib u helay oo uu la kulmay garsoorayaal cusub oo ay tabobartay wasaarada cadaalada iyo hay’ada UNDP oo uu hawl galiyay gudoomiyihii ka horeeyay ee xilka laga qaaday Mr.Yuusuf Ismaaciil oo markaasi shaqada bilaabay Bishii May,2014 oo tiradoodu dhamayd 24 xubnood oo iskugu jiray garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal laga hawl galiyay maxkamadaha dalka,oo run ahaantiina wax badan ka badalay habsami u socodkii iyo shaqadii garsoorka,maadaama ay ahaayeen dhalinyaro cusub oo nadiifa isla markaana ka madhan laaluushka iyo wax isdaba marinta ka jirtay hay’adaha garsoorka.Iyada oo ay horeyna u jireen laba qaybood oo hore oo dhamaystay tababaro ay siiyeen wasaarada cadaalada iyo UNDP sanadihii 2012 iyo 2013 kuwaasina ay ku biireen dhalinyarada cusub ee garsoorka lagu kordhiyay si wax looga qabto tabashada ka jirtay garsoorka Soomaliland.
Iyada oo dadaalo badan la geliyay garsoorka dalka ayaa gudoomiyaha cusub waxaa u duushay hadalkiisii badnaa dadkuna u maleeyeen in uu garsoorka wax badan ka qabtay,isaga oo aan haba yaraatee horey uga soo shaqayn hay’adaha garsoorka oo markaasi ku cusbaa,kana shaqayn jiray jaamacada Hargeysa oo uu macalin ka ahaa kana dhigaayay xalinta khilaafaadka, isla markaana wax waayo aragnimo sharci ah aan wadan oo aan horey uga soo shaqayn garsoorka dalka,maxkamad degmona ha ahaatee.
Ayaa waxa markiiba soo baxday dhaliilo badan oo ishu qabatay oo ay ka mid yihiin dacwadii dhex martay labada garab ee xisbiga UCID iyo go’aankii ama xukunkii ay ka soo saartay maxkamada sare ee dastuuriga ahi arintaasi oo noqotay la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan ama “Cali Mahdina gar leh caydiidna gar leh” taasi oo ay dadweynuhu markiiba aad u dareemeen in go’aankaasi ahaa mid cadaalada ka fog imikana aynu ka dheregsanahay halka uu inala xulay iyo raadka uu ka tegay oo ah in xisbi qaran halkaasi ku dhinto oo maxkamada sare axankiina ugu darto,maantana aan ognahay halka uu maraayo dawladuna ku taageertay arintaasi foosha xun ee haleeshay xisbigaasi qaran walwal badana ku abuurtay shacabka Soomaaliland ,oo maanta walwal laga qabo cadaaladii dalka iyo cida kala saaraysa hadii la isku qabto doorashada inagu soo fool leh.
Waxa kale oo aan aad u xasuustaa ereyadii jamaal Cali Xuseen ee ahaa aniga oo musharax madaxweyne ah ayaan cadaalad waayay ee ma ka miskiinka ah baa cadaalad heli;waa hadal nin weyn digniin iyo waano ugu filan cid kasta oo garaad leh.
Dhacdada kale ee naxdinta leh ee ugubka inagu ah iyana dhawaan ka dhacday garsoorka Soomaliland waxay ahayd in mudo kooban gudahood ay is casilaan ugu yaraan 11 (Kow iyo Toban garsoore ) oo si toosa iskaga casilay xilkii ay hayeen sheegayna sida laga warqabo in faro-galin ba’an lagu hayo madax-banaanidii garsoorka sidaa darteedna ayna ka sii shaqayn karin garsoorka ilaa la helo garsoor madax banaan oo karaamadii garsoorka leh.Waxayna arintani raad weyn ku yeelatay cadaaladii dalkan curdinka ah,waxa taasi ka sii daran iyada oo guddida sare ee cadaaladu ilaa maanta ayna ka dabo tegin sabobta ay isku casileen garsoorayaal inaasi leeg,waxayna ka dhigeen gacantaada oo gubatay hoostaa la gashadaa,arintanina waxay noqotay mid dhaawac weyn ku ah aaminkii cadaalada loo hayay,mana aha arin fudud oo daboolka dusha laga saari karo,waxaase laga dhur sugayaa ilaa hada waxa uu gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudiga cadaaladu ay dadweynaha ku qancin doonaan.Waxayse su’aasha meesha taalaa tahay sidee loo aamini karaa garsoorka noocaas ah iyada oo dalku ku jiro wakhti loo diyaar garoobaayo doorasho inay dalka ka dhacdo dhawaan.waxaana muhiima in arintaasi talo qaran laga yeesho.Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa tirada garsoorayaasha ee is-casilay iyo gobolada ay iska casileen.:-
Sn
Magaca
Shaqada/Maxkamada uu ka hawl galayay
1
Xuseen Maxamed Fadal
Garsoore Maxkamada Gobolka Saaxil
2
C/raxmaan Maxamed Maxamud
Garsoore Maxkamada G/Maroodijeex
3
Axmed Ibraahim Cali
Garsoore Maxkamada Gob/degmo Gabiley
4
Siciid Cabdillaahi Xuseen
Garsoore Maxkamada degmada Salaxley
5
Axmed Maxamed Jibriil
Garsoore Maxkamada Gobolka Sanaag
6
Idiris Faarax Muuse
Gudoomiye Mmaxkamada Racfaanka G/Awdal
7
Mukhtaar Daahir Jibriil
Garsoore Maxkamada Gob/degmo Saylac
8
C/Wahaab Maxamed Qalinle
Garsoore Maxkamada Degmada Dila G/Awdal
9
Yuusuf Liibaan Cumar
Garsoore Maxk-racfaanka G/Togdheer
10
Makaahiil Cabdi Miicaad
Garsoore Maxkmada G/Awdal
11
Cabdilaahi Cumar Sh.Faarax
Garsoore Maxkamada degmada Boorama
Waa markii ugu horeysay ee mudo gaaban gudahood inta taariikhda la ogyahay tiro intan leeg oo garsoorayaal ahi ay si toosa xilka iskaga casileen,waana arin aan yarayn.Sidaa darteed waxaan ku soo koobayaa maqaalkaygan in ilaahay cadaalada inoo hagaajiyo-Dadweynaha iyo Dawladba waxaan waydiinayaa waxan galay garsoorkii wuu fiican yahay la lahaa iyo sababta looga yaacaayo? su’aashaasi waxaan u dhaafay cida ay khusayso ee aan halkan ku xusay.Waxaan ku soo gunaanadayaa maah-maahda sooaaliyeed ee tidhaahda” Rag cadaalad waayay Sidii Cawsha kala Yaac”.
Waxaanan qormadayada danbe ku soo bandhigi doonaa muhiimada ay dadka iyo dalka u leeyihiin cadaalada iyo garsoorku hadii Eebe Idmo.