WADAHADALKA KHAATUMO OO KAGA DHAWAAJIYEY XUBNAHA ISXAMBAARKA KU FADHIYA GOLEYAASHA SOMALILAND
Dhowaan waxaa Magaalada Adis Ababa Wadahadal hordhac ah ku yeeshay Khaatumo iyo Somaliland, kaas oo yidiilo iyo rajo geliyey shacabka Somaliland iyo kan degaamada Khaatumoba.
Wadahadalkan ayaa ah mid Somaliland lagu gaadhsiinayo midnimo, xasilooni iyo deganaansho siyaasadeed, iyadoo ay Beesha Caalamku mudo dheer Somaliland kula talinayeen inay wadahadal iyo dib u heshiisiin la furaan Khaatumo, arintaas oo uu maanta ku dhiiraday Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo.
Ku dhawaaqistii Wadahadalka ayaa waxay dhulgariir iyo wadne garaac ku riday Xubnaha aan la soo dooran ee aan dadkooda iyo degaamadooda metelin ee Isxambaarka loo yaqaano ee ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo dhex fadhiya Golayaasha Somaliland.
Xubnahan Isxambaarka ah ee mudada dheer dhex joogay Goleyaasha Somaliland, ayaa waxay si aada uga welwelsan yihiin in wadahadaladu guuleystaan oo ay waayaan boosaskii ay ku fadhiyeen ee ay ceshiimaysanayeen, iyagoo bilaabay inay sida fiinta uga qayliyaan wadahadalada, waxaana la xaqiijinayaa inay abaabulayaan dad ay Telefishinada soo taagaan oo kaga hadliyaan.
Wiirtowga iyo Qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa Xildhibaanada Isxambaarka ayaa ah midaan saameyn ku yeelan doonin geedi socodka Wadahadalada, maadaama ay shacabka Somaliland ka dheregsan yihiin in aanay wax saameyn ah ku lahayn degaamada ay sheeganayaan, waxaana lagu rajo weyn yahay in Xukuumada Somaliland ay ka midho dhaliso wadahadalada, islamarkaana aanay dheg u jalaqsiin jalaafooyinka ay ku mashquulsan yihiin xubnaha Isxambaarka ee ay taladoodu ku ururtay boos ceshiimaysiga.