Goobtu waa milcaamad quraan gurigayga u jirta qiyaastii 30 miter wakhti wakhtiyada ka midana ay dhigan jireen caruurtayadu(walaalahay) waxay milcaamad ahayd ilaa 13 sano garashadayda oo aan jaar la ahaa, fahan akhriste inay goobtu tahay meel waagii baryaba lagu akhriyo KALAAMKA ALLE oo ardayda yaryar lagu yidhaahdo subciya oo akhriya, looguna dhigo maalin kasta, hadaba goobtan oo sidaas ahayd mudadaas iyo mudooyin ka horeeyeyba waxay maanta tahay meel aanay adkaysan karayn waxaa ka socda macsi iyo danbi qofkii damiir lihi, arintan waxaanu ka galnay dadaal badan waxaase caqabad nagu noqday dadkii guriga lahaa oo iyagu raali kaga ah kana kireeyey waanu u dacwoonay inay naga saaraan wayse ka dhago adaygeen,waxaan u tegay xafiiska wanaag farista iyo xumaan reebista way iga qoreen halkiina kamay qaadin waase gartood oo hadii aanay police-kii ka go.nayn iyo dadka maamulka ah inay xumaanta cidhib tiraan kaligood waxba ma qaban karaan waxaana igu maqaalo ah in awoodii barigii hore ay lahaayeen laga xayuubiyey kadib markii ay masuuliyeen isugu soo galeen meelihii macsida iyo qudhunka,
waxaa kaloo cajiiba saaka markii aan salaadii subax ka soo baxay ayaan la kulmay nin iyo gabadh iyo dareewalkoodii oo sarkhaansan oo kurigayga hortiisii taagtaagan, waan waydiiyey dareewalkii waar maxaa meesha ku istaajiyey kuye ninkan laangadhaha aha ayaa nasoo cadhoodoo aanu kaxaynaynaa, gabadha ayaa baryeysa ninka laangadhaha ah oo rabta inay gaadhiga saarto si aanay dadku ugu soo bixin
Ilaahow na astur adigaa saatiree
1. Hadaba su.aashu waxay tahay intee in leeg ayaynu dulqaad u leenahay oo eegan karnaa macsida caynkaasa?
2. Roobka aynu ilaahay wadiisanayna ma laynaga aqbalayaa inagoo aan xumaantii dabaalanayna oo og
3. Waxaa muhiima in dadku jaarkooda eego oo dunuubta aan cida samaysay ku koobnanayn cawaaqibkeedu aynu u digno dadkuna iska saaraan oo aanay guryahooda ka kiryn
By c/samed xasan hirad
Email: cabdisamedxasan3@hotmail.com