Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbigii Burburay ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa Taageerayaashiisa ku wargeliyey inaanu jirin Xisbi ay ku biireen, sidoo kaleana waxa uu ka warbixiyey wadahadaladii ay la fureen Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani, kuwasoo u magacaabay inay u qaabilsanaadan Shan Xubnood oo garabkiisa ahi.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu Taageerayaashiisa faraha badan ee Dal iyo dibedba ku sugan ku wargeliyey inay qayb ka noqon doonan wixii wadatashi ah ee masiirkooda Siyaasadeed la xidhiidha. Waxa kaloo uu beeniyey Musharrax Jamaal warar kutiri kuteen ah oo maalmahan Warbaahintu Xisbiyaddu ku jahowareerinayaan Taageerayaashiisa kuwasoo sheegeeyey inuu ku biiray Xisbi. Sidaasna aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa u yidhi qoraal uu ku baahiyey Baraha Bulshada ee Facebook. Kasoo u dhigan sidan
“ASCWW dhamaantiin Jimce Mubaarak. Marka hore salaan guud.Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan taageerayaashii Xisbigga UCID ee garabkayaga ahaa (NEW UCID) ee jeclaana inuu xisbiggani guuleysto, in aanay jirin weli xisbi aanu ku biirnay. Waxaa jiray wada hadalo hordhac ah oo aanu la yeelanay hogaamiyayaasha labadda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. Waxaanu inshallah dhowaan bilaabi doonaa in aanu magacowno guddi 5 qof ka kooban oo wadahadalo toos ah la geli doona labadda xisbiba. Wadahadalaasi natiijadda ka soo baxda ayeeynu ku go’aan qaadan doonaa dhamaanteen.
Wadatashi faro badan waynu ka geli doonaa sidii aynu cududeena u midayn lahayn. Iyaddoo taasi jirto haddana waxaynu mar walba mudnaanta siinaynaa midnimadda iyo wadajirka Somaliland. Ilaahay qarankan Somaliland haw gargaaro; xaqana haw hiiliyo.
Kuligiina isku duubnaadda si aynu cududeena oo midaysan uga wada tashano aayaheena. Waxaanu taageerayaasha uga mahad naqaynaa hiilkii iyo hooddii aad nala garab taagneeydeen. Wa Bilaahi taqfiiq”. Ayuu yidhi aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Hoodo Abdi Maxamed
hoodo4244@gmail.com