Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Baanku wuu xakamyn lahaa sicir bararka hadey bulshadu wax la qabanyso

$
0
0

Marka arrimuhu ay caadi yihiin, hoos u dhac dhaqaale, sicir barar iyo arrimo kale oo la xiriira is-bedelada dhaqaalaha waa arrimo la arko. Dunida oo dhan ayayna soo maraan isbeddeladaas meeraysta, iminkana dalal badan oo dalka Maraykanka uu ka mid yahay ayaaba qarka u saran culays iyo hoos u dhac dhaqaale oo weyn. Hay’adaha dowladda iyo musuuliyiinta ku shaqada leh dhaqaalaha ayaana waajib ka saran yahay in ay mar kasta taxaddar arrimhaas ka qabaan kana hortagaan ama maareeyaan haddii hoos u dhac dhaqaale, sicir-barar, shaqa yaraan iyo arrimaha la xiriira ay dal la soo darsaan. Adduunka oo idil, Bangiyada Dhexe ayaa ah hay’adda sida gaarka ah uu waajibku uga saaran yahay la socodka, ka hor-tagga iyo maaraynta sicir- bararka iyo arrimaha la xiriira lacagaha.

Sidoo kale, marka xaalku caadi yahay, dowladuhu, ha noqdeen kuwo hanti goosi ah ama kuwo hanti-wadaag ah, dowr ama kaalin aad u weyn oo sanad walba sii xoogeysta, ayay ka ciyaaraan habsami u socodka iyo caafimaadka dhaqaalaha dalkooda. Arrimaha dhaqaalaha, dhinaca ay mar kasta dowladuhu gacanta weyn ka geystaan waa dhinacyada ku saabsan dakhliga, wax-soo-saarka guud, maal-gelinta, ganacsiga caalamka ah, shaqo-la’aanta iyo gaar ahaan arrimaha la xiriira lacagta (iyo qiimaheeda) iyo sicir-bararka.

Soomaaliland, waqtigan waxaa ka socda sicir-barar cirka ku shareeran dhaqaalihii iyo noloshii dadkana curyaamiyey. Shacabka iyo madaxduba, waxay ku khasban yihiin in ay is-wediiyaan su’aalo cad-cad oo ku saabsan waxa keenay khal-khalka dhaqaaale ee dalka ka jira. Su’aalaha imaan kara waxaa ka mid noqon kara: Maxaa sababay sicir-bararka lagta? Arrimaha iminka socda ma is-bedel dhaqaale oo dabiici ah oo meertaysanaya miyaa mise waxbaa khaldan? dowlada wax talaabo aykaga hortegeyso ma qaadey?

aynu ku horeyno su’aasha u horeysa maxaa sababay sicir bararka lacagta? Aniga waxay ila tahay sicirbararka sababta u weyn waxaa iska leh bulshada hanoqoto ganacsatada sida saariflayasha oo darawaliya lacagta hadba sidey donaan wax u sarifa suuqa sarifka lacagahana xukuma iyo bulshada dhamaanteed oon aaminsaneyn lacagtooda aadna u isticmaala lacago qalaad hadey noqoto saving iyagoo aad u isticmaala electronic money (saad) kuna saleysan tahay lacago qalaad (dolor) kaaso lacagtii suqa wareegi lahayd circulation samyn lahayd meelo kooban ku dhacdo markaaso ay suuqa ay ku yaraato lacagta dolarka qiimaheeduna kor u kacdo sicirbararna ku keento lacagta localka ah iyo isticmaal kalaba somaliduna waxay tidhaah ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo sidaa daraadeed dhamaan bulshadu wey ka qeyb qaadatey qiimo dhaca lacagta somaliland sida uu sheegay gudomiyaha baanka mar uu la hadlayey warbaahinta, wuxuu ku yidhi kor u kaca qiimaha sarifka dollarka Suuqyada Somaliland oo sababay kor u kac ku yimi maceeshada ay sabab u yihiin sadex arrimood oo kala ah Dhoofkii Xoolaha oo aan jirin, Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera oo hoos u dhac ku yimi iyo Sarriflayaasha maamula suuqa ugu weyn sarifka dollarka oo sida ay doonaan qiimaha u dhiga.

Xukuumadu talaabo maka qaadey in ay lacagta somaliland qiimo yelato? waxaan oran karnaa haa xukumaduu garwadeenka ka yahay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyadoo ku guuleysatey in lacagtii giimbaarta ka badashey gobalka togdher iyadoo xukamadii ka horeysay ay ku fashilantey taasoo u dardar galiyay banka dhexe somaliland faa’iidana u noqotey lacagta somaliland in melo aaney horey u gaari jirin ay gaadho lacagta somaliland qimana yeelato. taa na waxaa ku amaanan madaxda banka ,

wWxaan bulshada iyo ganacsatada somaliland u soo jeedin lahaa inay aaminaan lagtooda, ganacsatadan waxaan kula talin lahaa in bulshada waxkaga iibiyaan lacagta dalka si ay qiimo u yeelato lacagta dalku.

Cabdiqaadir Maxamed Ibraahin Ismaacil

abdiqaadir300@hotmail.com
tell 79105846


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>