Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiir garaad, dhalinta aqoonta leh ee reer somaliland Aflagaado iyo quudhsi magayaan.

$
0
0

Wasiir garaad, dhalinta aqoonta leh ee reer somaliland Aflagaado iyo quudhsi magayaan.

 

Qalinka  waxaan u qaatay in aan gashaanka u daruuro kana hadlo qadiyad aan is leeyahay way mudantahay in laga hadlo lana lafaguro, inta maqashay warka aan ka hadlaayana waxay jaclaan lahayeen in mar wuu laga hadlo erayga ku haboona laga yidhaahdo waayo ? sida wuu hadlaayay iyo sida wuu u jawaabayayba waxay ku ahaayeen meel ka dhaca aqoonyahanada dalka iyo sharafta dalkeenaba .

 

Waay mudan tahay in qalimo farabadan loo qaato lagana qoro maqaalo farabadan si qaladkiisa loo tusiyo loona tilmaamo si wuu uga fogaado wax kasta oo sharaf dhac ku ah dhalinta reer Somaliland ee lab iyo dhedig leh.

 

Waa malin isniina, 27-may-2013, sacadu waa 2:00 duhurnimo oo gaw,a(juusto).

 

sida ii dhaqanka(cadadaa) ahayd markaaan qadeeyo waan maydhaa si aan u yara indho casaysto inta u dhaxaysa labada iyo badhka ilaa sedexda iyo rubuc si aanay salaada casar ii dhaafin,  dabadeed radyowga ayaan is agdhigaa si aan u sii dhagaysto laanta afka somaliga ee BBCDA qaybteeda duhurimo intaanan seexan.

 

warka madaxdiisa waxa akhriyay AHMED HAAJI HUSEIN oo kamid wariyayaasha aan aadka u xiiseeyo jecelahayna marka ay warka soo tabinayaan iyo marka ay akhriyayaanba, warka waxa wuu ku furay dhawr qodob oo mihiima waxa ka mid ahaa qodobadaas warka ugu door-ronaa mid aan aad ula dhacay saamayna ku lahaa dhalinta reer somaliland ee jemaacadaha dalka ka qalin jabiyay.

 

qodobku waxa wuu ahaa sida tan :- ARDAYDA JAAMACADAHA SOMALILAND OO KA CABANAAYA SHAQOLA,AAN IYO HAAYADAHA SAMA FALKA EE KA HAWL GALA SOMALILAND OO DAD AJAANIBI AH SHAQAALAYSIIYA MUXUU KA YIDHI WASIIRKA SHAQADA IYO ARIMAHA BULSHADA .

 

sidaas ayuu u dhignaa , kadib markii wuu dhamaaday warka madaxdiisa waxa lagudagalay warkii oo fidsan ama warka faaladiisa.

 

waraysigii la guda gal, waxanaan u dhagtaagayay  war san in wuu sheegi doono wasiirka oo aanfaca dhalinta aqoon yahanada ah eee ka soo qalin jabiyay jaamacadaha  shaqo la,aan baahsanina  haysato madaama wuu wasiirku yahay wasiirkii u xil saarnaa arimiha bulshada iyo shaqada, lakiin af-kale qaad iyo an fariir ayay ku noqotay shacabka jawaabihii wuu bixinayay wasiirku oo meel ku dhac iyo sharaf ridid ku ahayd dhalinta reer Somaliland ee dalkooda wax ku bartay una heelan in ay dalkooda ka shaqaystaan ugana faa,ideeyaan aqoontay  soo barteen .

 

waxba yaan hadal idinku daalin war wuu isku keen hadhsan yahay iyo doodo badani labadaba lakiin aan u gudo galo waraysiga.

 

Waxa waraysanaayay  AHMED SICIID CIGE way diiyayna su,aalo dhawro lakiin aan mid iyo laba aynu ka soo qaadano  , wasiirka la waraysanaayay na waxa wuu ahaa wasiirka shaqada iyo  arimaha bulshada MR. Mahamuud Ahmed Bare Garaad.

 

Wariye ahmed: maxaa ka jira cabashada in haayadaha sama falku ay keensadaan shaqaalo ajaaniba ?

 

Wasiirka: haayadaha marka ugu horaysa lama saxeexano heshiis ah laba geesod (bilateral agreement) waxay noo kenaan mashaariic yar yar oo kooban oo iyaagu wataan, waad ogtahoo ninku markuu baahan yahay wixii la siiyaba wuu iska qaadanayaa, waxay soo sameeyaan kuwo ka shaqeeya arima has oo mashruuca la shaqeeya ayay ku soo lamaneeyaan.

 

Waxa dhacday waa dhawayd nin administratara(administrator) ayaa waxaa laga soo shaqaaleeyay cusbitaalka burco, waa adminstartor haayada layidhaa MSF (medical sans-frontier)ayuu la socday waxaan ka fikiray siyaasiyan hadii ninkaa aan joojin lahaa in ay reer burco odhan lahayeen dhakhtar ayaa nalaga celiyay oo halkaa isku dhac ka dhici lahaa, waxay markaa duruuftu kugu kalifaysaa qof aad helaysid in wuu halkaa kaagaga shaqayn karo in aad sii daysid.

 

Wariye ahmed : lakiin halkan ayay ka qortaan oo masalan marka ay samaynayaan ,ayay intay jaraa,idka ku qoraan ayay hadana ka soo qataan nayroobi(Nairobi) oo kale iyo yugaandha (Uganda) iyo dalalka jaarkaa iyo meela kalaba ku was miyaan laydin soo marinba masalan in aad idinku xubin ku yelataan marka shaqo qorista siday ahaan jirtay wasaaradii shaqada iyo arimaha bulshada ee caadiga ahaan jirtay?

 

Wasiirka: ahmadoow waxaan imika halkan ku hayaa, maalin dhawayd waxaan baafinay boos layidhaa evaluation and monitoring waxaanu galinay website , ilaa hada dadkii soo doontay way buuxin waayeen shuruudihii markaa soo maaha in qofkii meel kale loo doonto, markaa waxa inaga maqan expriencekii , marka inanka jaamacad ka soo baxo waxa wuu u baahan yahay in wuu khibrad yeesho oo shaqada ladoonayo in wuu filinkaro .

 

Intaas aan ku dhaafo kuna soo af-meero waraysigaa kooban een ka soo xigtay madaama aanan soo wada qaadi karayn waraysiga oo dhan laakiin inta u baahan in la tilmaamo lana lafo-guro waa inta kor ku xusan .

 

Isku soo wada xoori , dareenka iyo nuxurka ku gadaaman su,aalaha iyo jawaabaha aan ka soo xigtay waraysiga waxa aynu ka dhadhasan karnaa sida wuu wasiirku u xaqiray aqoonta iyo khibrada dhalinta reer Somaliland , sida wuu wasiirku  hoos ugu dhigay aqoonta ay leeyihiin dhalinteena dalka wax ku bartay.

 

Waxa wax lalayaabo noqotay wasiirku marka wuu yidhi:- waxaan soo xayaysiiyay monitoring and evaluation oo cid soo xaraysata ayaan waayay oo ilaa hadda  buuxisa shuuruudaha , markaa miyaanay ahayn in shaqaalo, dibada laga keensado.

 

Hadda boosku waa monitoring and evaluation oo meel kasta lagu dhigo , waa aqoonta ugu badan ee hada aynu odhan karno way leeyihiin dhalinteenu madaama meelkasta lagu dhigo , iska dhaaf jaamacadadka xataa waxa lagu dhigaa meelaha gaarka loo leeyahay ee bixiya koorasiska gaagaaban(short courses).

 

Umadkastaa waxa ay ku faantaa  cida  wax u barata ee aqoonta leh, lakiin waligeen maynu arag wasiir xaqira aqoon yahanada dalka oo yidhaa waxay buuxin kari wayeen shuurudaha aanu ku qaadanaynay booska ah monitoring and evaluation oo waa bilaa khibrad, wasiirka midbaa ka dhiman  khibrada laguma dhasho xaqna maaha in lagu cadaadiyo dhilinta gidaraada fadhiya ee aqoonta leh waxaad tihiin bilaa khibrad.

 

kaaga sii darane xataa haduu sixi lahaa booska wuuu baafinaayo higaadiisa  khayr ayay ahaan lahayd lakiin waxa wuu wasiirku ugu dhawaaqay sida tan evaluation monitoring sidaas ayuu u kala horaysiiyay, hadii af-soomaali loo turjumana waxay ay noqonaysaa ( qiimayn indho-indhayn) markaa su,aal ayaa halkaas ka dhalanaysa  iyamaa horaysa in marka hore la indho indheeyo dabadeed la qiimaayo iyo in la qiimeeyo dabadeed daba gal la sameeyo, markaa isaga oo qaldaya ku dhawaaqista eraygaa fudud ayaa laga dhigay wasiire ,  waxa is waydiin mudan? Muxuu ugu haystaa dhalinta aqoonta leh  waa bilaa khibrad.

 

mise isagu dani waxa ay ugu jirtaa kiiniyaatiga iyo yugaandhiiska ka shaqaynaya iyo dibad meerka iyo tahriibka haysta dhalinta reer somaliland ee wax bartay.

 

Intaas waxa dheer Wasiirku waxa kaloo  wuu  meel kaga dhacay shuuruucda dalka u yeela madaama wuu sheegay in habayaraatee wax heshiisa aaan lala galin haaydaha caalamiga  taas micnaheeduna  yahay  in aan  lala xisaabtaminba haaydaha sama falka ee dalka jooga.

 

Sheekadu way ila durugtay ismaan lahayn ku dheraad lakiin duruufta ayaa igu khasabtay waxaana I qaaday hadalkii xanafta lahaa ee wuu wasiirku ku hadlay .

 

Gabagabada sheekada bal aan soo gunaanado kuna soo afmeero bayd kamida mansadaan aadka u jecelahay ee dallelay waa maxamed ibraahim warsame (hadraawi) maxay tidhi dallaley :

 

Bulshadeenu waa duul

 

Daacad iyo xishood badan

 

Dun xariira weeyaan

 

Cidna uma darraadaan

 

Dar Allay ku dhaqantaa

 

Dareen waw dhegweyn tahay

 

Ogow doqonse maahee

 

Qofka maamul dalabliyo

 

Dabbaal-joogto hoosiyo

 

Dibindaabyo ugu maqan

 

Degdeg uma tilmaamaan

 

Nabar kulama duulaan

 

Dib bay ugu muddaystaan

 

Dulmigiisu waw kayd

 

 

 

W/Q: A/rahiim Mohamed Elmi (ina dhago dheere)

 

Email: hirsi1994@gmail.com

 

Magaca maqaalka: Wasiir garaad, dhalinta aqoonta leh ee reer somaliland Aflagaado iyo quudhsi magayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>