
Waxaa dalkaasi Britain dib loogu soo celiyay oo hadda gacanta booliska ku jirta Saamiya Xuseen oo asal ahaan soomaali ah islamarkaana laga keenay dalka Suuriya.
Gabadhan oo iminka 25 jir ah ayaa waxaa ay “xaas” u aheyd nin ama mujaahid kooxda ISIS ka tirsan, waxaana dalkaasi Suuriya oo ay u haajirtay sannadkii 2015 kusoo qabsaday dhacdo lama ilaawaana ku noqotay.
Saamiya Xasan ayaa waxaa gacan iyo naas uga go`een duqeyn diyaaradeed oo xilliyadii ugu dambeeyay ee jabka ISIS ku qabsaday magaalada Baghouz ee dalkaasi Suuriya.

Kadib jabkii ISIS ayaa Saamiya waxaa lagu arkay kaam qaxooti oo ay maamulaan Kurdiyiinta kaas oo lagu magacaabo al-Hawl iyada iyo “xaasas” kale oo iyagana Ingriiska ka yimid sida gabadha lagu magacaabo Shamima Begum.
Gabadhan ayaa muddo 7 bilood ah waxa ay dhaawaca soo gaadhay ugu jirtay isbitaal.
Waxa ay iska diiday in loo duufsaday dalka Suuriya, waxaana ay sheegtay in ay halkaasi u tagtay taakuleyn dhanka carruurta dhibaateysan ah.
Saamiya ayaa ka mid ah tobaneeyo gabdho soomaaliyeed oo meelo kala duwan oo dunida ah ka tagay kuwaas oo Suuriya tagay xilligii ay ISIS ka dillaacday.