Safarka Silaanyo waxa ku kalifay Muse biixi oo u adkeysan waayay hawlaha Xirsi Xaji Cali Burcao ka wado ee ah in beeshiisi ay kuwada qul-quleen xisbiga Waddani oo aan Kulmiye togdheer ku tartami kari doonin. Muse nafta ayuu isugu keenay madaxweynaha isaga oo le Burcao i gee ninkii Xirsi baa isku duba ritay e. Mudo ayaa Silaanyo ku lahaa waxa jirta abaar ee bal wax yar i sug. Markuu Muse u adkeysan waayay Burcao oo ku dhamaatay xisbiga Waddan ayuu gaadhay heer uu Silaanyo ku yidhaa adiga qudhaada ayaa raali kala ah wuxuu Xirsi Burcao ka samay-nayo. Dabeed odeygi isaga oon safar tahli karayan oo weliba marwaduna ka xanuun sanayso ayuu safar xumid jebin ah u sameeyey si uu Muse u qanciyo. Si walba Muse wuu uuga dheregsanyay in aan Silaanyo wax la wadin ee wuxuu isleeyey faro iyo sawiro kaga qaad meelaha qaar kood oo ay ka mid tahay Silaanyo oo beeshiisa la shiraya sida Burcao ka dhacday ee wasiirka maaliayada oon fahan sanayn qorshaha Silaanyo ay iska hataa-tacday ee ay Warsdo iyo Nato ku tilmaantay laba beelood. Xumada muse heysa waxa ku kiciyey Xirsi Xaaji Cali ee marka dhawaan garabkii Jamaal oo ah ucid badan koodii ay ku biiraan Waddani miyaan Muse dhiig maskaxda kaga furmayn. Musow bal waddani daawo dacalada hal doorkii Somaliland oo dhan baa isugu tegay Kulmiye na waxa ku hadhay hadhaagii Somaliland oo ay ka mid yihiin Jamac Shabeel iyo Hasaan Saeed oon meel ku gaadh siin karayn. Sidaas ayaa wasiir xagle toosiyana kuu mkil-mil cunsanyay oo uu kula sugayaa marka doorashadu soo dhawaato. Waxaad ku dartaa Bashe Cawil Morgan oo isna ku balan qaaday in uu badhida dhulka kuugu dhufto. Hadaba talow Muse dadkan goormay isa seegaan. Musow madaxweyne nimo kaa dheer ee ha is del-delin doorashada daba-deed.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com