WAA XILLI KALA GUUR & XUKUUMADA XAARAAN KU NAAX.
• Wakhtiga lagu jiro oo aan Aingu qoraalkayga ku tilmaamayo Xaalada kal guurka.
• Waa wakhti si waadax ah loo dareemi karo Saxansaxadii udgoonayd ee loo yaqaanay Uffo.
• Waa wakhti Xukuumada talada Dalka haysaa, dabayshanayso.
• Waa wakhti Maamulka hadeer joogaa, maalmaha u hadhay tirsan yihiin.
• Waa wakhti nidaam la karaahiyaystay, gabalkiisu sii dumaayo.
• Waa wakhti kuwii sabool ka badan sahayday, ay sii itaal daran yihin.
• Waa wakhti saamayn tabban ku yeeshay, kuwii Ummadooda daycay.
• Waa wakhti ama xalli kakan, oo ay afka saartay Xukuumad Silaanyo.
Ciyaartu waa gabo gabo,waxay haatan afka saartay wakhtiga loogu yeedho wakhti daayca ama Additional Time.
Tababaraha kooxda laga gacanta sareeyaa waxa uu hadda soo diyaaray inuu badalo seddex ciyaartooy oo khadka dhex ka ciyaara oo cusub. Waa waxa ay ugu yeedhee Isku-shaadayntaa
Walee, Tabbabaroo ama seddex cusub keen am kooxda oo dhan wada badel, ciyaartani galbatay mid kale mooyee.
Dadkii tageerayasha u ahaa kooxda laga guulaysanyo,waxay bilaabeen inay ka darareen garoonka kubbadu ka socotay.
Kooxdii kalana sacab , dabaaldag iyo damaashaad ayaa u bilaabmay.
Garsoorihii dhex ee ciyaarta daadihnaayay, waxa uu afka ku sii wadaa siidhigii dhawaaqa ee astaanta u ahaa in ciyaarta dhamaatay, guushiina la kala hantay.
Alla magane waa rabay, inay kugu adktooy ,nin eersan waydo.
Anoo oon kalgacal qaba, waa digi abaal laa, iga owtay dhegehee,
Ax iyo waay ila arag, in ay murugo leedahay.
Iyadoo la maraayo wakhigaa adag ee xasaasiga ah ,ay Xukuumada manta talada haysaa,ay ka been sheegaysaa waxa ay indhaheedu arkaan.
Taa bedelkeeda waxay ku mashquulsan tahay isku shaandhaynta Golaaheeda Wasiirada, dhisamaha Wasaarado cusub, dib u haybtanta haayadaha Dowlada.
Haddii aan qaar ka magaacbo Wasaradaha ugu tunka wayn ee muuqda waxaa ka mid ah.
• Wasaarada Sadbursiga( Waa wasaarada qaabilsan in cid gaar ah la (Shaqaalaysiiyo).
• Wasaarada Cugo-juglaynta iyo Cabudhiska
• Wasaarda Argagax- gelinta Ummada
• Wasaarada Isdaba-marinta Dalacaada iyo Darajooyinka
• Wasaarada Brobagaadhada iyo Been Abuurka
Iyo Wasaaradda ugu tung wayn ay dhamaantood hoos yimaadaan oo ah:
• Wasaarada Maalgashiga Musuq-Maasaqa,waana Wasaarad ay xukunto ruux dumari.
Dhismaha iyo Nidaamka maamulkaa aan ka soo sheekeeyay,magac guud ee koobaya, tilmaan waafiya ka bixinaaya waa:
XUKUUMADA XARAAN KU NAAX
Waxaa is waydiin leh Duq miyaanu ogayn is sidhiggii Xaakinku afka ku hayo.
Ma yaanu ogayn in Seedi ,sodog,Xiddid, Xigaal,Wiil iyo Walaal, Inan iyo Innan, Aabo iyo Hooyo midnaba aanu wakhtigu ixtiraamin.
Eng. Abdi Omar Sodani
Denmark
awarmoge@gmail.com