Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Kulmiyow lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa

$
0
0

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharfta leh waxaanaan ku salaamayaa salaanta ISLAAMKA EE ASALAMU CALAYKUM.

Waxaynu ognahay inuu kulmiye beryahan la warwareegaya arinta SOMALIWAYN kuna eedaynayay Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, waxaynu ognahay in sharciga Somaliland dhigayo ciddii reer Somaliland ah ee horay u aaminsanayd mabda Somaliwayn haddii ay ka tanaasusho xidhiidhna la soo samayso Xukumada Somaliland inay la mid tahay muwaadiniinta kale ee reer Somaliland waxaa ayaan darro ah in madaxda sare ee kulmiye ay cadifada qabyaalda dhagaraysani ka indho tirtay sharcigii dalka u yaalay isla markaan ay ku dureen Mujaahid Ismaaciil Buubaa inay isla markaasna iska indho tireen inta xubnood ee maanta xukumad iyo kulmiyeba xilka ka haya ee ahaan jiray Somaliwayn, waxaay caadifada qabyaalada dhagaraysani ka indho tirtay inta xubnood ee kulmiye iyo Xukumada ka tirsanaa ee xamar maanta xilalka ka haya ama xil sugah ah.
Waxaa ayaan darro ah in Tarsan ( Gudoomiyahii Gobolka Banaadir) inta warbaahinta la soo fadhiisiya la yidhaahdo waxaad tidhaahdaa XIRSI xaaji cali baan FIDRAALKA wadda wadnay wakhtigii uu wasiirka Madaxtooyada ah si XIRSI iyo xisbiga waddani loogu cambaareeyo Somaliwayn, hogaanka kulmiye ee naflcaariga wuxuu moogan yahay inu XIRSI ku shaqaynayaa siyaasada Kulmiye iyo Madaxwaynah a oo ay ceeb iyo fadeexd ku tahay xisbigooda iyo Qaranka Somaliland. Calamo waddani ah iyo xaflado xamar loo raro kulmiye cod ku helimaayo ee horta REER KULMIYOW MARKA LA IS QABQABTO MAXAYDUN SOMALIWAYN UGU MEERAYSATAAN.

SHIRKA BURCO KA DHACAY EE LAGAGA BEEN ABUURAYAY LABADA BEELOOD LAGUNA TILMAAMAY LABA BEELOOD OO ISU BAANAYA EE MADAXDII QARANKUNA HORMOODKA KA AHAAYEEN FADHIYEEN GOOBTAA WUXUU AH SHIRQOOL LAGU KHAARJINAYAY MADAXWAYNAH QARANKA.

Shirkaa Burco wuxuu ah goob aad iyo aad intii caqli fayow leh ay ka xumaatay iyo weliba madaxwaynihii Qaranka oo fadhiyay in hortiisa laga yidhaado laba beelood baa ku doortay, labada aqal ee Burco jaarka ahina midna uu WAARSO noqdo midna uu NAATO, iyo gaashanbuuraysi laba beelood ah oo ay ku tiraabaan masuuliyintii qaran hogaaminaysay, waxayna noqotay ayaan darraddii ugu waynayd ee soo marta qarankan.

Madaxda kulmiye ee leh inan baa waddani u jawaabeenna waxaan cod dheer ku leeyahay marrow Samsam waxay naga mudantahay XUSHMAD, KARAAMO IYO QADARINTA ay naga muddanyihiin hablaha iyo marwooyinka reer Somaliland waddani wuxuu u jawaabay WASIIRKA WASAARADDA MAALIYADA SOMALILAND wiil iyo gabadhaba markay xilka qaran hayaan waa isku mid haddii hawshood dhaliil yeelato isku si baa loo dhallilayaa
ee waxaan leeyahay shirkaas Burco ee qabyaalada dhagaraysan xambaarsanaa ragg wasiro ah baa ka hadlay ee maxaa hadalka marwadda debadda keenay bal taas is waydiiyay XILDHIBAANKA leh marwo Samsam baan u hiilinayaa waxaan leeyahay haddii hiilku kaa dhabyahay waxaa doontaa ciddii inanta warkeed debadda keentay ee ha ku mashquulin waddani.
waxaynu ognahay in la xidhay Muniir Cabdi loona eedeeyay XIRSI buu la socdaa kulmiyow waxaa Samsamna eryadeedii debadda loo soo dhigay iyana ma MAXAMED Bixii baa loo tirnayaa, ilayn shirka xubno kale oo xukumadda ka tirsan baa ka baanaye maxaa hadalkeede oo keliyaha debadda loo soo dhigay shirkuna gaar buu ahaa oo GASHANBUURTA WAARSO oo keliya baa fadhiday, arintaas Shirka Burco waxayd ahay is khaarajintii kulmiye ee weligeed jirtay ee sida COWBOY ga la isu wanjali jiray waxaana lagu wanjalay Madaxwaynaha iyo Wasiirka Maaliyadda.

Dalkii maanta wuxuuu galay marxalad aad iyo aad u adag oo khatar ah oo sida inoo muuqata la laab laabay Shurucdi, kala danbayntii, Dawladnimaddii, Midnimaddii, Dimuqraadiaydii, iyo Xisbiyahannimadii aynu muddada dheer ku soo tabcaynay waxaanna lagu bedelay Sharci darro, kala danbayn laan,
Qabyaalad dhagaraysan, Gashaanbuuro ( Naato iyo Waarso) waxay talladdi dalku u gacan gashay dad aan Ehel u ahayn.

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay bal ila yara eeg;
1. Dacwadii xisbiga UCID ee maxakamdii dalka ugu saraysay xukumtay oo xukunkii la baal maray.
2. Gurmadkii Abaaraha oo la Siyaasadeeyay oo shardi lagaga dhigay inay ku dhawaaqan kulmiye si loogu gurmado.
3. Xaruntii Gobolka Togdheer ee dadka u dhaxaysay oo xisbiga kulmiye la wareegay dadwaynihii Biyaha iyo gurmadka abaarta u tegayna la yidhi Reer hebel baa kumiye ku soo biiray xafladuna ka dhacday Xaruntii Gobolka.
4. Wasiraddi oo shaqaalohoodi kaga awood roonaaden madaxtooyadda, markay shaqadoodi is yidhaahdeen gutana xilkii laga xayuubiyay.
5.Qabyaaladdii oo dharkii dhigtay madaxtooyadana ka hor botorinaysa oo wax baaciya la layahay.
6. Dalkii oo loo qaybiyay Gaashaanbuuro sida Naato iyo Waarso.
7. Ciddi Gaashanbuurta Waarso ku abtirsata ee xagga iyo Waddaniga jaleecda oo jeelka loo taxaabayo.

Intaas ka bacdi iyo markaynu eegno sida maanta waxa u socdaan iyo dhacdooyinka dhacay waxaa haboon in loo qalab qaato sidii dalkan loo bad baadin lahaa waxaa maanta loo baahan yahay dhamaan Bahwaynta Somaliland oo isku duuban inay dhigaan BANAAN BAXO AAN KAL GO LAHAYN.

KALA SHAANDHAYNTII XALYTO MADAXWAYNU KU SAMEEYAY XUKUMADIISA;
Waxaa dadwaynuhu markastaba is waydiinayaan ciddan 02;00 habeenimo wax kala shaandhaysa ee xafiiskan madaxwaynaha habeenkii marka uu madaxwaynuhu seexdo wax kala shaandhaysa ma rooxaan aan la arkaynin baa ku shaqaysata ilayn madaxwaynuhu sidaynu ognahayba marku salad cishaayi tukaddo ayuu seexda waxaynu u dooranay inuu maalintina Qaranka u shaqeeyo habeenkin uu nasto.

Waxaa kale ee dadwaynuhu is waydiinayaan shaandhadan baasi miyaanay qabnin Wasiirada Gaashanbuurta Waarso, haddii at dhawr goor ka duseen shaandhada maxaa loo keeni waayay shaandho kale oo aanay ka dusi karaynin.

Kala shaandhayntaasi waxay la mid tahay NINKII MAYDKA AWRKA SOO SAARAY EE ISAGA WADDO AG MARAYAY GAADHI SOO MARAY EE AWRKII DIDAY DABADEENA MAYDKI DHULKA KU DHACAY EE INTA UU MAYDKII EEGAY YIDHI HADDU SI GOAY.

LA SOCO IS WARAYSIGA MADAXWAYNE AXMED SIILANYO IYO GUDOOMIYE MUUSE BIIXI.

ALLA MAHAD LEH

Waddaniga dhabtaha
Faisal Farfidiye
said.faisal1@googlemail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>