Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trump oo looga digay inaanu ku dhicin Shirqool Israel maleegayso+Warbixino sirdoon oo Sheegaya in Israeli qorsheynayso Weeraro…..

$
0
0

Trump oo loogu baaqay inuusan ku dhicin ‘shirqoolka’ Israel

 

Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ku booriyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuusan ku dhicin “shirqoolka” qorshe uu tuhusan yahay in Israel ay ku billaabeyso dagaal, ayada oo weerareysa ciidamada Mareykanka ee jooga Iraq.

Waxa uu digniintan soo saaray sanad-guuradii koowaad ee dilkii Mareykanka ay ku fuliyeen Jeneralka reer Iran ee Qassem Soleimani ee ka dhacay Baghdad.

Washington ayaa maleeshiyada Iran ay taageerto ku eedeysa weeraro joogto ah oo lagu qaado xarumaha Mareykanka eee Iraq, oo ay ka mid tahay safaaradda Mareykanka. Si kastaba, ma jirto koox la ogyahay inay Iran taageerto oo sheegatay mas’uuliyadda.

“Warbixino sirdoon oo cusub oo ka imanaya Iraq ayaa sheegaya in wakiilo Israeli ah ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Mareykanka, taasi oo madaxweyne Trump siineysa cudur-daar uu dagaal ku billaabo,” waxaa sidaas yiri Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Ka feejignow shirqoolka, Trump, rasaas kasta si xun ayey dib ugu soo laaban doontaa,” ayuu yiri Zarif.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasaaradda arrimaha dibedda Israel, labaduba waa ay diideen inay ka jawaabaan hadalka Zarif. Sidoo kale Aqalka Cad ee Mareykanka ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan inay ka hadlaan farriinta Zarif.

Esmail Ghaani, oo ka beddelay Soleimani madaxa ciidamada xulka ah ee Quds, ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay jawaabto


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>