Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Jamaalow musharax Cirro dagaal lamuu gelin Gaboose Reerna ma dhex dhexaadin ee cod baa kala saaray’

$
0
0

Siyaasada Somaliland ee sanadkan 2016 waxey ina bartay shakhsiyaad aan lahayn han siyaasadeed oo fog kuwaasi waa rag xidha saadh ka weyn oo markay xaajadu qadhaadhaatu ayuu soo shaac baxaa midabkooda rasmiga ahi sida inoo wada muuqata nin dhalinyaro oo firfircoon oo aan islahaa siyaasada dalka wax badan buu ka bedeli karaa haduu ka qayb qaato balse noqon waa Jamaal oo waa kan durbaba u sii eekaanaya Faysal Cali Dhurwaagii uu ka caban jiray iyo gacantii xaga dambe kaga jirtay ee uu imikana rabo inuu si toos ah ugu biiro Kulmiye oo ah gacantaas waxaa hadaba layaab leh ereyada uu Jamaal isticmaalayay oo ay ka mid ahaayeen Gaboose waa kaa Cirro ku biiray iyo Saleebaan Gaal iyo Siilanyo wey heshiiyeen bal aynu yara falanqayno ereyadaas uu sid kaa fiirso l’aan u yidhi Jamaal

Nacam Siilaanyo iyo Saleebaan wey ku heshiiyeen shirkii Gardag waana mid marag madoon ah hseyeeshe heshiiskaas beeleysnaa waxaa ka sii horaysay sanado badan oo ay fiintu kala dhex miiranaysay labadaa siyaasi oo aan isku aragti noqon

Waxaa kaloo carabka ku dhuftay Dr. Gaboose oo watay ururkii dhacay ee Ummada iyo Musharax Cirro labadaas masuul may ahayn rag u tartamay hab beeleed hadii laga tagi waayana beesha Cirro waxaa u sharaxnaa afar siyaasi oo uu midba wato urur siyaasadeed gaar ah waxaana xusid mudan Foosiya Xaaji Yuusuf iyo Wasiir Xamar jooga oo aanaan magaciisa hayn oo isna urur watay intaas oo urur ayuu reerka Cirro watay cid kala saartay ama odayaal dhex galay oo kala hadha yidhi lama hayo waxaan aakhirkii isu soo hadhay Umada oo uu Gaboose watay iyo Wadani inta aanuu Xisbi Qaran u gudbin labdaa siyaasi iyana calafkooda waxey ku kala qaateen cod oo uu ku soo baxay Gaboose ka dibna qasab bay ku noqotay Dr. Gaboose in uu ku biiro waayo taageerayaashiisaa ku adkaystay arrinkaa xaga aanuu isagu shakhsiyan uga dhex muuqan saaxada siyaasada xiligaa wixii ka dambeeyay halka uu Dr. Gaboose hiil iyo hooba la garab taagnaa Siilaanyo maanta wuu ka gaabsaday taageerada Cirro

Hadaba Jamaal Cali Xuseen malaa saaxada siyaasada oo aanuu u samri karayn buu ku yara degdegay bay ila tahay aniga waxaana haboonayd inuu raaco dumarkii iyo ragii u soo halgamay ugana hiiliyay Dhurwaaga Kulmiye ku shaqaysto hadii kale dib ha ugu laabto qurbaha iyo shaqoonkii uu ka soo tagay tani waa Somaliland oo wey soo tuftaa beer jileec iyo is rogroge Faysal baana tusaale ugu filan hadii uu taa diidana ha doorto reernimada uu u badheedhay Cali Guray oo ay dadku moodayeen nin dalka iyo dadka wada jecel balse dhaliisha beelaha kale ku dheereeya halka uu ka gaabsado kuwa beeshiisa ee dhiifta ku qaba xukuumada Kulmiye

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>