Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Faahfaahin khasaarihii ka dhashay  weerarkii General Galaal lagu dilay

$
0
0

Faahfaahin khasaarihii ka dhashay  weerarkii General Galaal lagu dilay

 

Waxaa xalay saqdii dhexe la soo afjaray weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in saacado dheer ay qaadatay soo afjaridda weerarkani islamarkana uu khasaaro ka dhashay.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa BBC u sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 9 qof oo ay ku jiraan raggii weerarka soo qaaday.

Mr Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in weerrakan ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 10 qof.

Dadka caanka ah ee weerarka ku dhintay waxaa ka mid ah Janaraal Maxamed nuur Galaal.

Mr Sadiiq ayaa sheegay in sababta uu weerarka waqtiga dheer u qaatay ay tahay inay badbaadinayeen markii hore dadkii halkasi ku go’doonsanaa.

“Sababtaa waqtiga intaas la dhan uu noogu qaatay ayaa ahaa marka hore dadkii ku jiray hotelka oo inta badan ahaa dad u soo casiriya tagay inana ka badbaadino argagixisada ka dib-na la soo afjaro,,” ayuu yiri.

 

Weerarka ayaa sida ay booliiska sheegeen markii hore ku bilaabmay gaari lagu qarxiyay ilinka hotelka laga galo ka dib-na waxaa gudaha u daatay rag hubeysan.

Masuuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabab.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyiinkii u dambeeyay aysan magaalada Muqdisho ka dhicin weerarada noocan ah.

Waxaa uu sido kale weerarkan ku soo beegmayaa xilli ay meel xasaasi ah mareyso doorashada dalka soomalaiya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>