Madaxweyne Haweenay Geeriyootay oo uu tacsiyadeeyay ugu yeedhay inay u Madaxtooyada timaado+Maxaa khaldan?

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa wariyeyaasha waddankiisa ka yaabiyay kaddib markii uu shaaca ka qaaday filayay inay madaxtooyada imaato haweeney horay u geeriyootay oo uu dhimashadeedana ka tacsiyeeyay xilligaas.
Museveni ayaa hilmaamay in haweeneydaas aysan nooleyn, wuxuuna moodayay in ay kasoo qeyb gali doonto munaasabad xus ah oo loo qabanayay seygeeda, Janani Luwum, oo ahaa baadari.
Munaasabadda ayaa lagu xusayay 44 guuradii kasoo wareegtay geeridii baadarigaas oo ahaan jiray hoggaamiye diimeed caan ah.
Pres.Museveni says he doesn’t know that Luwum’s wife Mary died, he expected her to be at State House.
But yet, Mary Luwum died in August 2019, & Museveni sent a message, read by the Prime Minister, describing her as a courageous woman whose legacy will be remembered by many.
— #CanaryReports (@CanaryMugume) February 16, 2021
Mr Museveni ayaa sheegay in uusan ogeyn in Mary Luwum ay dhimatay, sidaas darteedna uu aaminsanaa in ay xafladda soo xaadiri doonto.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in Mr Museveni uu labo sano ka hor tacsi ka diray geerida Mrs Luwum, isagoo markaas sheegay in ay ahayd haweeney ku dayasho mudan.
Baadari Luwum ayaa saameyn weyn ku lahaa Uganda intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1977-kii. Wuxuu horseed ka ahaa dhaliilaha loo jeedin jiray kalitaliskii hore ee dalkaas, Idi Amin, oo la sheegay in uu amar ku bixiyay dilkiisa.
Uganda ayaa sanadkii 2015-kii maalin fasax ah u aasaastay si loogu maamuuso baadarigaas.