Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Madaxweynihii Baaldoosarka ee Tanzania oo Geeriyooday+Taariikh Nololeedkiisa

$
0
0

 Madaxweynihii Baaldoosarka ee Tanzania oo Geeriyooday+Taariikh Nololeedkiisa

John Pombe Magufuli

John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii diidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad.

Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray “baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta.

Madaxweyne ahaan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay ugaarsiga mucaaradka iyo xaddidadda xorriyadaha qaar, balse kaddib geeridiisa waxaa aad loogu xusuusan doonaa sida isaga u gaarka ahayd ee uu u wajahay Covid-19.

‘sheydaankuba waa Coronavirus’

Markii Covid-19 uu gaaray Tanzania, Madaxweyne Magufuli uma cuntamin inay dadku guryaha joogaan. Wuxuu doonayay inay aadaan masaajidda iyo kaniisadaha.

“Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma badbaadi karo dhiigga Christ… durba wuu gubanayaa,” Magufuli, oo ahaa Kirishtaan, ayaa erayadaasi kaga dhawaaqay kaniisad ku taalla Dodoma.

A woman reacts as a customer enters a steam inhalation booth in Dar es Salaam, Tanzania, on May 22, 2020
Markii dhan laga eego, Magufuli wuxuu u ololeeyay daaweyn dhaqameedka sida is uuminta si loola dagaallamo coronavirus

Tan iyo June 2020, markii uu ku dhawaaqay in dalkaasi uu xor ka yahay “Covid-19”, madaxweynaha, iyo saraakiil sare oo kale oo dowladda ka tirsan, ayaa ku maadeystay waxtarka af-saabka, waxayna sidoo kale dacaayadeeyeen dalalka deriska ee soo rogay tallaabooyinka caafimaad ee lagula dagaallamayo fayraska.

Baaritaanno yar ayaa laga sameeyay Tanzania wax qorshooyin ahna looma diyaarin barnaamijka tallaalka.

Balse markii loo dhaariyay madaxtinnimada bishii October 2015, Magufuli wuxuu u muuqday nooca qofka ay Tanzania u baahneyd – hoggaamiye karti leh, oo aan la laaluushi karin.

‘Baaldoosar’ oo shaqada bilaabay

Ficilladiisa natiijada ku saleysnaa waxaa sidoo kale loo arkay kuwo lagu dabiqi karo dalalka kale ee Afrika – waxay ahaayeen kuwo ay u baahneyd qaaradda si ay ula tacaasho arrimaheeda dowladnimada.

Maalintii ugu horreysay madaxtinnimadiisa, wuxuu diray farriin adag oo uu ku sheegay inuusan u dulqaadan doonin maqnaanshaha shaqaalaha hay’adaha dowladda, markii uu booqday xafiisyada wasaaradda dhaqaalaha, isaga oo su’aalay halka ay ku maqan yihiin kuwii aan markaas shaqada joogin.

Wuxuu sidoo kale liiska lacag bixinta ka saaray shaqaalaha aan jirin ee mushaarka iska qaata, wuxuu sidoo kale shaqada ka tiray saraakiil loo arkay inay musuqmaasuq ku lug lahaayeen amaba aan waxqabad lahayn. Mararka qaar waxaa arrimahan si toos ah looga soo deyn jiray telefishinnada.

Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray waxa uu u arkayay kharashka ku baxa tamashleyn ka badbadis ah, isaga oo qaadacay dabaaldegyada Maalinta Xorriyadda markii ugu horreysay muddo 54 maalmood ah, wuxuu amray nadiifin guud ahaan dalkaas laga sameeyay, isaga oo gacmihiisa ku gurayay khashin yaallay bannaanka Madaxtooyada.

John Magufuli
Magufuli oo ka qeyb qaadanaya olole nadiifin ah

Wuxuu sidoo kale dhammaan safarrada dibadda ka mamnuucay shaqaalaha dowladda.

Sanadkii ugu horreeyay ee madaxtinnimada Magufuli, hannaankan wuxuu u soo jiiday ammaan baaxad leh, taas oo horseedday in barta Twitter-ka laga bilaabo hal-ku-dhigga ah : #WhatWouldMagufuliDo (Waxa uu Magufuli sameyn lahaa).

Inkastoo qoraallada qaar ay ahaayeen kuwo lagu maadeysanayo siyaasadaha adag ee madaxweynaha – tusaale ahaan: “Waxaan soo iibsan rabay foorno haddana waxaan is weydiiyay #WhatWouldMagufuliDo” iyada oo qoraalkaas la raaciyay digsi la dul saaray shumacyo – qaar kale ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaal kale oo Afrika ka soo jeeda ay ku daydaan hannaankiisa hoggaamineed.

Sanadkii 2017, bare jaamacadeed oo Kenya u dhashay ayaa ku baaqay in Afrika “La Magufuliyeeyo” xilli uu khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Dar es Salaam.

Balse, sidoo kale way caddeyd in hoggaankiisa uu lahaa dhinac kale oo madow.

line

Milicsiga taariikhda John Magufuli

  • Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959
  • Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam
  • Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta
  • Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995
  • Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000
  • Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015
  • Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020
line

Bishii January 2016, labo bilood makrii uu xilka hayay, maamulkiisa wuxuu ku dhawaaqay in telefishin dowladdu leedahay uusan si toos ah u baahin karin kulamada baarlamaanka, taa soo ka mid ah tallaabooyinka lagu dhimayo dakhliga.

Mucaaradka ayaa arrintaas u arkay xorriyad ka qaadid maaddaama ay ka mid ahayd hababka yar ee ay ula xisaabtami kareen dowladda. Waxay qorsheeyeen dibadbaxyo ka dhan ah mamnuuciddaas, balse dowladda ayaa ku jawaabtay inay mamnuucdo dhammaan dibadbaxyada.

Tusaale kale oo kaas la mid ah wuxuu ahaa sida uu Magufuli uga jawaabay hees sanadkii 2017 uu soo qaaday fannaan caan ah oo Tanzania u dhashay laguna magacaabo Nay wa Mitego. Wax ka yar maalin markii la baahiyay heestaas, Mitego booliiska ayaa xiray.

Waxaa lagu eedeeyay inuu caayay madaxweynaha oo uu ku aflagaaddeeyay dowladda heestiisa oo ay erayadeeda ka mid yihiin:

“Weli dalkan ma waxaa ka jirta xorriyadda hadalka?” ayuu ku heesay fannaankan oo magaciisa dhabta ah uu yahay Emmanuel Elibariki.

“Ka warran haddii aan hadlo kaddibna aan iska dhex arko [Saldhigga Booliiska]?”

“Ma waxaa jira hoggaamiyeyaal gaara go’aanno nacasnimo ah? Way jiraan!”

Cabsidii uu heesta ka soo qaaday ayaa u rumowday – waxaa dabcan lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Booliiska ee Dar es Salaam.

John Magufuli voting on 28 October 2020
Magufuli ayaa si aqlabiyad ah u guuleystay sanadkii 2020 balse mucaaradka ayaa diiday natiijada

Inkastoo Madaxweyne Magufuli uu maalin kaddib amray sii deynta Nay wa Mitego, wuxuu ku taliyay in heesta dib u habeyn lagu sameeyo laguna soo daro dhibaatooyinka kale ee bulshada ka dhex jira, sida khiyaanada canshuurta.

Sanadkii 2017, xildhibaan mucaarad ah oo lagu magacaabo Tundu Lissu, oo sanad kaddib madaxtinnimada kula tartamay Magufuli, ayaa gurigiisa hortiisa lagu toogtay dhaawac halis ahna la gaarsiiyay.

Mr Lissu ayaa dowladda ku eedeeyay isku day dil waxaa isaga lagu soo oogay jeedinta hadallo nacayb ah iyo inuu madaxweynaha ugu yeeray keligii-taliye. Dowladda ayaa beenisay ku lug lahaanshahay weerarkaas.

Maamulka madaxweynaha ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay wargeysyo, arrintan oo ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u arkeen inay meel uga dhacayso xorriyadda hadalka.

Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in weriyeyaashu ay ka baqayaan in la bartilmaameedsado.

Canshuur aad u badan

Maamulka Magufuli ayaa sii waday soo rogidda amarro aan caadi ahayn, isagoo soo rogay shuruuc cusub oo lagu kordhinayo canshuurta shirkadaha caalamiga ah ee macdanta qoda.

Sanadkii 2017, Acacia Mining, oo qeyb ka ah shirkadda Canada laga leeyahay ee Barrick Gold, ayaa bixisay canshuur aan caadi ahayn oo dhan $190bn (£145bn).

Sanadkii 2018, Tanzania waxay sidoo kale meel marisay sharci lagu ciqaabayo qof walba oo su’aal geliya xogaha rasmiga ah, taas oo ka dhigeysa in dowladdu ay tahay tan keliya ee xaqa u leh xogta.

Balse xitaa kuwa mucaaradka ku ah Magufuli waxay qirsan yihiin sida uu uga qeyb qaatay horumarka Tanzania, isaga oo maalgeliyay mashaariic waaweyn oo dhismaha ah sida waddada tareenka ee dalkaasi ku xiraya dalalka deriska la ah, ballaarinta waddooyinka waaweyn.

Wuxuu horumarin ku sameeyay korontada.

Wuxuu sidoo kale dayactiray diyaaradda dalkaas laga leeyahay, Air Tanzania.

Former Tanzanian President Julius Kambarage Nyerere
Magufuli wuxuu sheegay in Julius Nyerere uu saameyn ku leeyahay hoggaankiisa

Wuxuu hab maamulka uga dayday madaxweynihii ugu horreeyay ee Tanzania, Mwalimu Julius Nyerere, kaas oo mar walba ahaa qof madax bannaan.

“Abbaheen ma ahayn qof loo sheego wuxuu qabanayo… Kuwa soo saara shuruucdan [xayiraadda] waxaa loogu talo galay in lagu bixiyo amarrada uu aabbaheen diiday,” ayuu yiri Magufuli, isaga oo ula jeeday dhaqankii Nyerere ee diidmada talooyinkii uga imaan jiray dalalka Galbeedka.

‘Waan ogahay waxa ay ka dhigan tahay inaad sabool noqoto’

Magufuli wuxuu dowlaaddii Nyerere ku soo koray tuulo ku taalla waqooyi-galbeed degmada Chato oo ku teedsan Harada Victoria, wuxuuna sheegay in noloshii uu ku soo koray ay ku kaliftay inuu u adeego dadweynaha Tanzania.

“Gurigeennu wuxuu ka sameysnaa cooshad, sida wiilal kale oo badan waxaa qaabilsanaa raacidda lo’da, iyo sidoo kale iibinta caanaha iyo kalluunka si aan u caawiyo qoyskeyga,” ayuu ku yiri ololihiisii 2015.

“Waan garanayaa waxa ay la micno tahay inaad sabool noqoto. Waxaan u halgami doonaan inaan wanaajiyo xaaladda dadka,” ayuu intaas ku daray.

Markii uu iskuulka dhammeeyay wuxuu muddo sanad ah noqday bare sare oo dhiga maaddada kimistariga iyo xisaabaadka kahor inta uusan sii wadan waxbarashada. Wuxuu kaddib sanado yar ka shaqeeyay warshad kahor inta uusan iska casilin shaqadaas sanadkii 1995 isagoo kaddib u tartamay xildhibaannimada deegaankiisa Chato.

Supporters of the CCM party
Magufuli ayaa caan ka ah Tanzania iyadoo ay jiraan dadka mucaaradsan

Kaddib markii uu ku guuleystay kursigaas, waxaa muddo kaddib loo magcaabay wasiir ku xigeenka shaqooyinka dadweynaha.

Wasiirka sare ee waaxdaas, Mama Anna Abdallah, ayaa sheegtay in hannaankiisa diidmada waxyaabaha micno darrada ah, ee diiradda saaraya wax qabad iyo natiijooyin, uu durba caddaaday. Sanadkiisii ugu horreeyay wuxuu ku guuleystay dhismaha waddo muddo ay qaadatay dhismaheeda.

Sanadkii 2015, Magufuli wuxuu doonayay inuu u tartamo madaxtinnimo. Waxaa la sheegay in loo soo magacaabay musharraxa xisbiga Chama Cha Mapinduzi (CCM) – oo talada haya muddo 54 sano ah.

Doorashooyinku waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee taariikhda dalkaas soo mara, balse Magufuli wuxuu ku guuleystay 58% codadka.

Markii labaad wuxuu ku guuleystay 84% codadka, balse xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn ayaa ka biya diiday natiijada.

Waxaa meesha ka baxay baaqyadii ahaa in hoggaamiyeyaasha gobolka ay ku daydaan hannaanka hoggaamineed ee Magufuli maaddaama ay cambaareyn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka ah, bulshada rayidka iyo dalalka Galbeedka, oo sheegay inuu cadaadinayo mucaaradka, meel uga hdacayo xorriyadda hadalka isla markaana shirkadaha shisheeye u qabsanaya madax furasho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>