Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Turkiga oo War Rasmiya ka soo saaray khilaafka ka dhex aloosan dhinacyada Siyaasada Soomaaliya isku haya

$
0
0

Turkiga oo War cusub ka soo saaray khilaafka ka dhex aloosan dhinacyada Siyaasada Soomaaliya isku haya

Turkiga ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay heshiis la’aanta dhinacyada siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhaca ku yimid hanaanka doorashada dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka nabada iyo barwaaqada.

“Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaan ugu yeereynaa inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto, lagana baaqsado dib u dhac” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga,

Turkiga ayaa xusay inay mar walba ka taageereyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waaga taagan

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili la sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda khilaafka doorashada sida ay dhowaan tebisay warbaahinta dalkaas.

HOOS KA AKHRISO QORAAL TURKIGA

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>