Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

War-weyn:Xoggo laga helay cida laheyd lacagtii shalay lagu qabtay Muqdisho+Cadadkeeda & Arrimo kale oo xasaasiya

$
0
0

Xoggo laga helay cida laheyd lacagtii shalay lagu qabtay Muqdisho+Cadadkeeda & Arrimo kale oo xasaasiya

 

 

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in lacagtii shalay Booliska sheegeen inay gacanta ku dhigeen ay laheyd Haweenay ganacsato ah oo lagu magacaabo Sabiriin C/qaadir Isaaq.

 

Ehelada gabadha oo la soo xidhiidhay Warbaahinta Qaarkeed ayaa sheegay in gabadha ay Kenya uga Ganacsato dahab, waxaana gabadha saaka soo gaadhay Muqdisho, iyadoo hadda ku sugan Saldhigga Booliska garoonka diyaaradaha Muqdisho, booliska ayaa gabadha su’aalo weydiinaya warbixina ka qoraya.

 

Gabadha ayaa sheeganeysa in lacagteedu ay dhameyd illaa Hal Milyan oo dollar, halka lacagta shalay booliska soo bandhigeen ay qiyaas ahaan ay u muuqatay inta u dhaxeysa 150,000 illaa 300,000, inkastoo aanu Boolisku sheegin cadadka lacagta ay qabteen.

 

Lacagta shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha waxaa waday nin ay gabadha u soo dhiibatay lacagta, waxaana baadhitaankii shalay ciidamada ku sameeyeen ninka waday uu u sheegay inay leedahay gabadh ganacsato, waxaana xidhiidh taleefan oo dhex maray gabadha iyo Booliska laga codsaday inay la timaado cadeymaheeda.

 

Taliyaha Booliska Jen. Xijaar ayaa shalay sheegay in ciidanka Booliska ee saldhigga garoonka diyaaradaha ay gacanta ku dhigeen lacag si sharci darro dalka ku soo gashay oo ka timid dalka Kenya.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles