Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu khaarajiyey Magaalada Durbanville+Magaciisa

$
0
0

Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu khaarajiyey Magaalada Durbanville+Magaciisa

 

Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu dilay xalay degaanka Durbanville oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee, Marxuumka ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Caajis, goob-joogayaal ayaana sheegay in rag hubeysan ay rasaas Ku fureen. .

Lama oga sababta ka dambeysay dilka muwaadinkan iyadoo dableydii falka geysatay ay baxsadeen sida wararku sheegayaan.

Ciidama Boolis ah oo gaadhay goobta lagu toogtay muwaadinka Soomaaliga ah ayaa baadhaya kooxdii dilka geysatay oo aan gacanta lagu dhigin.

Magaalada Cape Town waxaa ku soo kordhaya ugaadhsiga Soomaalida sida dilalka dhaca iyo afduubka, waxaana sanadihii la soo dhaafay halkaas lagu dilay Soomaali fara badan oo dalkaas ka shaqeysta.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>