Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Baashe Morgan oo golaha wakiilada uga dhex ololaynaaya…….

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Wiilka uu madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil oo todobaadkan ku soo laabtay Hargeysa ayaa caasimadda Somaliland ka dhex wada olole uu ugu jiro sidii uu Golaha Wasiirada iyo Baarlamankuba uu ansixin lahaayeen heshiis ay dawladda Imaaraatka iyo masuuliin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ay isku af -garteen in Abu-Dhabi saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera.

Sida laga soo wariyey masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland ,labada dhinac waxay muddo dhawr todobaad ka hor ah wada gaadheen Isfaham mabd’i ah oon qoraal ahaan wali la hor keenin golaha wasiirada iyo baarlamanka toona.Hadaba Baashe Cawil oo ah ninka dabada ka waday mashruuca saldhigga ay Imaataatku doonayaan inay ka hirgaliyaan xeebta iyo madaarka Berbra, ayaa dhawrkii cisho ee uu joogay Hargeysa waxa uu u kala saari waayey shirar uu la yeelanayo qaar ka mid ah xubnaha beeshiisa kaga jira golaha wakiiladda iyo xukuumadaba, madax-dhaqmeedyo ,ganacsato iyo dhalinyaro isagoo qaybaha kala duwan ee bulshada u sharxaya faaiidooyinka dhaqaale ee Somaliland ugu jira saldhig Imaaraatku ku yeesho dalkan inkastoo aanay hadalkiisa ku jirin wax tixgalin ah oo la filayo in ogolaanshaha Saldhigaasi ka soo kordhin doono xaga qadiyadii ictiraafka iyo inkale.

Isfahamka (Memorandum of Understanding) ayaa sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen waxa diiday inuu saxeexo wasiirka Khaarajiga Somaliland Sacad Cali Shire isagoo diidanaa fikradda saldhigga milatari kana digaya cawaaqib xumada ay ku keeni karto xasiloonida iyo amaanka dalka hadii la ogolaado.

Dhinaca kale waxa maalmahanba dalka ku sugnaa gaar ahaan magaalada Berbera wafdi la sheegay inay ka socdaan Imaaraatka.

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>