Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Tahriibta oo 100% korodhay intii Xisbiga Kulmiye talada dalka hayey.

$
0
0

Hargeysa,(Qaran news)-Dhalinyarada Tahriibaysa amase Baddaha ku dhimanaysa ayaa si aad ah u korodhay mudadii uu Xisbiga Kulmiye talada dalka hayey.Inkasta oo Xisbiga Kulmiye uu ku Ololeyn jiray xilligii uu ku jiray tartankii Dorashooyinka, in uu wax badan oo ay kaga maarmaan Tahriibta uu u qabanayo dhalinyarada,balse taas bedelkeedii wuxuu noqday shaqo la,aanta iyo Tahriibtu in ay gaadhaan halkii ugu saraysay taariikhda Somaliland.

Sida ay Qarannews u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo,waxaa jira Shabakado iyo Xafiisyo isku xidhan oo ka furan guud ahaanba Gobolada ay Somaliland ilaa wada loo Tahriibo.Sida ay wararku sheegayaan waxaa Somaliland soo buuxdhaafiyey dadka shaqaysta Tahriibta oo isu jira reer Somaliland iyo Ajanebiba,kuwaas oo Xafiisyo iyo wakiilo ka sameystay guud ahaanba Gobolada Somaliland.Xubnahan Qarannews ay warkan ka soo xigatay ayaa qaarkood sheegayaan in xubno u shaqeeya Xukuumada Somaliland oo qaarkood madax sare yihiin ay ka mid yihiin Shabakadaha Tahriibta ee xilligan Somaliland ka jira.

Dhinaca kale Xukuumada ,Xisbiyada iyo Golayaasha Somaliland ayaa Afka ka furaystay aafadan balaadhan ee ku habsatay dhalinyaradii noqon lahaa bustaqbalkii wadankan,lamana garanayo sababta keentay in sidaa laysga dhiga tiro dhibka ku habsaday guud ahaanba dhalinyaradii wadanka.

Isku soo wada duub oo haddii ay rumoobaan wararkan sheegaya in Shabakado Tahriibka ka shaqaystaa ka jiraan Somaliland,oo weliba sida wararku sheegayaan ay Madax sare oo Xukuumadda ka tirsani ku lug leeyihiin amase wax ku leeyihiin, waa fadeexad iyo ceeb u soo hoyatay Xukuumada talada haysa gaara’haan Wasaradaha ay arintani sida tooska ah u qusayso.

Shabakada Qarannews waxay baadhis iyo daba gal ku haysaa ,sidii ay xaqiiqada dhabta ah wararkaa ugu soo gudbin lahayd Shacabka reer Somaliland.

Qarannews.
Hargeysa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>