
Cali Cismaan Libaax (Xaraaro)
Wargeys la yidhaahdo (Al iqtisaad)
Oo ka soo baxa isu taga imaaraad Ka carabt ayaan horaantii bishan Qorey lacag ay qabteen hay”adaha Dabal galka dhaqaalaha Argagixisada, sida wargeysku Sheegey lacagta oo dhamayd (33,Milyan oo doolar) waxa lahaa Qoyska Axmed Siilaanyo waana Loo siidaayey markii la ogaadey
Inaanay lacagtu ku socon Argagixiso, hase yeeshee Wargeysku wuxuu si qoto dheer
Uuga hadlay dalka JSL oo ah dal Yar oo faqiira dadkiisuna ay dirqi Ku nool yihiin isla markaana ay Jiraan qaar ka tirsan maamulka oo Malaayiin doolar sanad walba Dhigta baananka imaaraadka Carabta iyo meelo kale, wargeyska Oo faaladii sii wata ayaa yidhi in Kastoo aanay JSL aqoonsi ka helin
Bulshada caalamka hadana waxay Leeyihiin lacag u gaara oo aan ka Diiwaan gelin hay”adaha ku Shaqada leh lacagaha aduunka
Sida (Baanka aduunka iyo IMF) Sidaa daraadeed Axmed Siilaanyo
Iyo maamul kiisu hadba qiyaasta Lacageed ee uu rabo ayuu soo Samaystaa isla markaana u rogtaa
Doolar ka dibna dhigtaan debeda,
Wargeysku wuxuu ku soo geba Gebeeyey qoraalkiisa waa lagama
Maarmaan in dib loo eego JSL.