Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Loolanka Gudoomiyaha Kulmiye Oo Soo Labokacleeyay ,Muuse Biixi iyo Waftigiisii Burco Ku Sugnaa Oo Sedex Cisho Loo Baryaayay Cid Ku Biirta.

$
0
0

Burco,(Qaran-news)-Iyadoo ay maalmihii u danbeeyay ay Burco ku sug-naayeen Wafti uu horkacaayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ah-na Musharaxa Xisbigaasi Col: Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ,Maareeyihii hore ee Berbera Cali Xoor Xoor iyo Wasiir Ku Xigeen Arimaha Gudaha Jaamac Cabdilaahi Biin ,kuwaasi oo Burco u joogay arimo ay ka midyihiin Olole siyaasadeed ayaa waxa safarkooda laga dareemay Loolanka ka taagan Gudoomiyinimada Xisbigaasi ,taasi oo Xiisadeedu soo labokaclaysay.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah shakhsiyaadka u ordaaya Kursiga Jagada Gudoomiyanimo ee Xisbiga Kulmiye , ayaa Safarkooda Gobolka Togdheer laga dareemay ,sida ilo ku dhow dhowi Qarannews u xaqiijiyeen ka dib markii Odayaal beeshiisa ah si qarsoodi ah uu u horgeeyay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, kuwaasi oo Musharaxa Xisbigaasi ah-na Gudoomiyaha usoo jeediyay in lagu wareejiyo Maxamuud Xaashi Gudoonka Xisbiga, Hasa-yeeshee soo jeedintan ayaa waxa la sheegay waxa ka Gaws-adaygay Gudoomiye Muuse Biixi oo balamo danbe u qabtay ,taasi oo Guux badani ka dhashay.

Geesta kale waxa taasi ka sii daran Waftigan Kulmiye ee Muuse Biixi horakaacay oo Sedex-dii cisho ee u danbeyay-ba Burco ku sugnaa ayaa halkaasi u joogay Mid ka mid ah Ardaayadda Beelaha (Cimraan ,Maxamed Shi-xisaxaaq ,Gaar’ahaan Raaska Reer Xarbi) oo Xisbigaasi ku biiraysay ,taasi oo Sedexdaasi cisha-ba loo baryaayay Xisbiga Kulmiye in ay ku biiraan ,halka cid kale-na ay ka waayeen.
Waxaaney arintani dhaawac wayn ku keentay Waftigaasi culus ee Burco tegay iyo wixii ay la kulmeen.
Waxaaney arintani cadayn u tahay ,ama Markhaati sida ay meesha uga baxday Taageeradii Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer, iyadoo uu hore gobolkaasi u ahaan jiray xuduntii ugu weyneyd ee taageero ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee Kulmiye.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>