Ninkaan Tallin Karin,
Markey Tabban tahey.
Ama Tebbi Karin,
Nin Tusmayn Kara.
Ama Tirrin Karin,
Hal-muceed Togan.
Ama Tusi Karin,
Tilmaan Baahane.
Ama Tudhi Karin,
Ruux Tasaysan.
Ama Tujin Karin,
Safkan Toosan.
Ama Tuuri Karin
Xaajo Tuur leh.
Caqli Taws-laha,
Kalli Taliyaha,
Xoog ku-Taame ah.
Beel Tirtirsigaa
Tuugga qaawan ah.
Weedh La Taw-laha,
KHanaas Tabiye ah.
Ma Tudhaalaha,
Wax ma Tarre ahi.
Ma Tisqaadaha,
Marra Tuurka ah.
Toobad seegahaa,
Xaarran Toocsadey.
Taajir been lahaa,
Ribbo Taransadey.
Been Tiraabahaas,
Hoggaan Tirre ahi,
La-Taxaabahaas,
Usii Tumayoow.
Soo Tumaatidaan
Kula Tiigsaday
Tawaab ma aqbalin.
Qalbi Tiriig-lihii
Run Tusmeeyihii,
DHex ka Tiicahii
Xaq ku Tawasuley
Tirro Soomihii
Tayo Raadiyay,
Dad ma Tuugahii
Allah-bari Tagey
Timaadadan Yimid,
Xisbi Tuhun-Beel
Miyiroow Tuki
Loogu Sacab Tun
Hadii Tulud Waa
Lala Tegi Jirey,
Sawtan Tubanee
Todob-kuu Heley
Tabantaabiyo
Tamartaan Rabey
Taakulayn helay,
Caarif-yahoow Tirso
Cirfaaney Tarmi
Taqwadeeni DHaqan.