Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Qaran-leaks: Emailada Faysal Cali Waraabe ee la helay iyo faah faahin dheeraad ah la soco laga soo bilaabo 2009 ilaa 2016.

$
0
0

Faysal
London,(Qaran-news)- Shabakadda Qarannews.com waxa ay gacanta ku dhigtay xogta todobadii sanno ee ina dhaaftay, oo uu leeyahay mid ka mid ah shakhsiyaadka ku jira siyaasadda Somaliland ee maanta. Eng Faysal Cali Xuseen, oo aad logu yaqaano ina Cali-waraabe, waa Gudoomiyaha xisbiga haatan fadhiidka noqday ee UCID. Faysal oo lagu yaqaano hadalo badan, oo aad u tiro badan, oo mararka qaarkood aad u quman, inta badan na aad iyo aad u waydaarsan siyaasadda, Soomaalinimada iyo xataa mararka qaarkood dadnimada intaba, ayaa muddo todoba sanno ah wixii uu qoray amaba loo soo qoray ay gacantayada soo gashay. Qarannews.com waxa ay xogtan heshay muddo laba suusbuuc haatan laga joo waxa aanan u saarnay lix qof oo si wada jir ah xogtan u kala gura, wixiimicno u leh dadwaynaha iyo wixii shakhsiyan uu u leeyahay ninkani na kala saara. Dabcan ma aha tani hawl yar, wakhti badan ayaa ayna u baahantahay. Waa xogta ay shabakad kasta oo war ka shaqaysaa jeclaan lahayd in ay hesho, mana aha markii u horaysay ee ay qarannews.com banaanka soo dhigto siyaasi umadda danaheeda ku fogan, ee ay qaladaadkiisa muujiso.

 

Akhristayaal, sida aad qiyaasi kartaan, ma aha shaqo hawl yar in xog noocaas ah la kala guro, loona kala dhigo sida ay isu khusayso. Mid ka mid ah kooxda aanu u saarnay shaqadan, oo dareenkiisa muujinaayay ayaa yidhi – waxa ay u eegthay adiga oo filim yaab iyo xiiso leh daawanaaya, mararka qaarkood na, waxa ay ka dhigantahay adiga oo sheeko aad marar badan o hore maqashay dib u dhagaysanaaya. Arimaha yaabka leh waxa ka mid ah, in dadka uu Faysal la xidhiidhaa ay si joogto ah isu bedelaan. Qof ay si joogto ah u xidhiidheen ma ku jiro amaba aad baa uu u yaryahay. Fariimaha kuwo badan oo ka mid ahi waa qaar ka yimaadda email groups kala duwan, sida – ucidpartyglobal@googlegroups.com – kaas oo ah mid ay ku xidhiidhi jireen xubno xisbiga ka mid ahaan jiray. Geesta kale, waxa noo soo baxday in uu Faysal aad u isticmaalo email kiisa, aad na uga jawaabo. Dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, musuuliyiin hore oo dawladeed iyo kuwo haatan ba jooga, ganacsato, culimo iyo dhalinyaro ayaa ay Faysal xidhiidheen. Intaas waxa dheer masuuliyiin ka mid ah wadamada dariska, sida Djibouti, Soomaaliya iyo Itoobiya oo Soomaali u badan. Dadka aad u malaynayso in ay Faysal isugu necebyihiin, ayaa aad arkaysaa iyaka oo isu dhaw. Dad kale, oo aanad moodaynin in dameerahoodu ba is gayaan na, waxa aad arkaysaa isaga oo maagaaya amaba wax ka sheegaaya. Hadii aad Faysal si uun email ahaan ugu xidhiidheen todobadii sanno ee u dambeeyay, gaar ahaan wixii loo gaadho ilaa June 2009, waxa hubaal ah in ay qarannews.com gacanta ku hayso fariimihii idin dhex maray adiga iyo Faysal. Sidaas oo ay tahay, wax kastta oo dano gaar ah khuseeya, amaba aan siyaasad umadeed lug ku lahayn, ma soo baahin doonno, cid kale na ma la wadaagi doono. Casharada aan ilaa hadda ka baranay emails ka aan akhrinay oo aan ka ahayn boqolkii toban intii aan helnay, waxa noo soo baxday in uu Faysal xisbiga iyo guud ahaanba siyaasadda u adeegsado danihiisa shakhsiga ah oo keliya, ma aha dano reer, gobol ama umadeed midnaba.

Waxa aan haatan baahinay laba email oo keliya, kuwaas oo dhex maray isaga, nin la dhaho Mark David oo dilaal wayn ah, iyo wiil uu Faysal adeer u yahay oo la dhaho Yuusuf Kayse o ka mid ah dadka tirade yare e Faysal ilaa hadda la jooga waxana aanu soo wadnaa iyaga oo tujuman oo Somali ah.

 

Akhristayaal, emails ka kuwan oo kale ahi waa kuwo dadwaynaha baraaya, waliba si dhab ah, shakhsiyadda runta ah ee qofka siyasiga ah. Waa kuwo cashar dhab ah ka bixinaaya qofka ay khuseeyaan, isla markaana soo saaraaya wajigiisa dhabta ah ee aanu dooonaynin in la arko. Kolka aad emails ka Faysal akhrido, mar waxa aad odhanaysaa waa dilaal uun, mar kale na, waa hogaamiye kooxeed/qabiil, marar kale na, waxa aad u malaynaysaa in aanu caadi ba ahayn. Doorashadii 2010 iyo lacag uuu ka qaatay shirkadaha ganacsiga midkood, taas oo dhinaca Kulmiye ku tirsanayd, iyo sababtii lacagta loo siiyay ayaa amuur yaab iyo qosol badani ku jiro ah. Kolkiii uu Kulmiye doorashada helay, iyo Faysal wixii ay isku ogaayeen oo sidii uu moodaayay u dhici waayay ayaa iyaduna amour yaabkeeda leh ah, waana idinla wadaagaynaa waxaas iyo wax ka badan ba. Waa inoo qaybo kale iyo Emaillada Faysal.

Bahda Qarannews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>