Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Booliska oo gacanta ku dhigay Nin doonayey inuu iibiyo Ilmo yar oo uu dhalay+Sawirro

$
0
0

Boolis Gacanta ku dhigay Nin doonayey inuu iibiyo Ilmo yar oo uu dhalay+Sawirro

Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa lagu qabtay degaan lagu magacaabo Akwa Ibom isagoo Jawaan ku sidda ilmo yar oo uu dhalay xili uu doonayey inuu iibiyo ilmahaas oo 3 jir ahaa.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkan kadib markii la waydiiyay sababta ku kaliftay arintan ayuu sheegay iney tahay duruufo dhinaca nolosha ah oo soo wajahay.

“Waxaan dhalay Siddeed caruur ah, aniguna wax shaqo ah gacanta kuma hayo, markaa intii Todobadda kale gaajo u dhiman lahaayeen waxaan go’aan ku gaadhay inaan iibiyo mid kamid ah Sideeda Caruurta  si aan u helo waxay ku noolaan lahaayeen Inta kale” ayuu yidhi ninkan oo wejigiisa ay ka muuqdeen duruufo dhinaca nolosha ah.

Ilmahan yar hooyadiis ayaa soo wargalisay Booliska ka hor intaa aanu iibin wiilkan yar sidaas ayaana gacanta loogu dhigay Aabahan rabay in uu wiilkiisa iibiyo.

Nigeria oo ah shidaalka ugu badan soo saara qaarada Afrika ayaa waxaa la degay musuq maasuq ba’an oo lagu sameeyo balaayiinta dollar ee dalkaas ka soo gasha shidaal uu dibeda u dhoofiyo taasoo sababtay in dalkaas ay ku bataan faqriga iyo gaajada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>