Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Deg-deg:Faahfaahino ka soo baxaya Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Waddani oo lagu dilay Laascaanood

$
0
0

Deg-deg:Faahfaahino ka soo baxaya Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Waddani oo lagu dilay Laascaanood

 

Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo ka mid ahaa xubnaha Golaha degaanka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa caawa lagu dilay isla magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday, xili uu ku sugnaa meel ku dhow hoygiisa.

Dableyda dilka fulisay ayaa la sheegay iney ku baxsadeen gaadhi ay wateen.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa gaadhay goobta uu dilku ka dhacay, kuwaasoo bilaabay baadhitaano iyo howlgalo lagu raadinaayo ragii dilka fuliyey.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe ayaa ka mid ahaa xubnihii ku soo baxay doorashadii goleyaasha degaanka ee ka dhacay degaanada Somaliland siiba Xisbiga Waddani, welina ma cadda sababta iyo cida ka dambeysa dilkiisa.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>