Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Daalibaan oo Fagaare ku soo bandhigtay Dhacdo dad badani ka argagaxeen

$
0
0

Daalibaan oo Fagaare ku soo bandhigtay Dhacdo dad badani ka argagaxeen

Kooxda Daalibaan ayaa sheegtay in meydad afar ah ay kusoo bandhigeen goob fagaare ah oo ku taalla magaalada galbeedka dhacda ee Herat.

Meydadkan ayay kasoo laalaadiyeen goob si digniin ay ugu diraan kooxaha wax afduubta, afarta qof ee la dilay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal afduub ah oo laga fuliyay halkaas.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa imaaneysaa xilli sarkaal sare oo ka tirsan Daalibaan uu sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka billaaban doonaan Afghanistan.

Raggan meydadkooda lasoo bandhigay ayaa la dilay kadib markii ay rasaas isweedaarsadeen iyaga iyo Taliban, waxaana lagu eedeeyay inay qafaasheen nin ganacsade ahaa iyo wiilkiisa, sida saraakiisha gudaha ay sheegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa waxaa loo sheegay in mid kamid ah meydadka laga soo laalaadiyay wiish gudaha magaalada si farriin loogu diro kooxaha dadka afduubta.

Wazir Axmed Seddiqi oo dukaan ku heysto magaalada ayaa AP u sheegay in afarta meydadka ah lagu soo bandhigay goob fagaare ah halka midkood laga soo laalaadiyay goobta si shacabka ay u arkaan.

Ku xigeenka barasaabka magaalada Herat, Maulwai Shair Ahmad Emar oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalyahanada Daalibaan ay baacsadeen dadkan looga shakiyay inay ku lug lahaayeen falalka afduubka ah isla markaana ay dileen.

“Waxaan meydadkooda kasoo laalaadinay fagaaraha Herat si digniin ugu dirno kooxaha wax afduubta” ayuu yiri sarkaalka.

BBC-da, si madaxbanaan uma xaqiijin karto sababta ka dambeysay dilka raggan.

Si kastaba, muuqaallo naxdin leh oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydadka oo uu dhiig ka da’yo xilli midkood wiish laga soo laalaadiyay.

Halka muuqaal kale uu muujinayay nin kamad ah dadkii soo bandhigayay meydadka oo xabadka garaacanayo xilli uu sheegayay, “Dadka wax qafaasha waa in sida oo kale loo ciqaabaa”

Mullah Nooruddin Turabi, oo hadda mas’uul ka ah xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay “lagama maarmaan u tahay amniga”.

Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, dhaqaankaas oo ahaa mid jiray xilligii maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii.

Turabi – oo ku jira liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay sababo la xiriira falalkiii hore uu u geystay ayaa sheegay in golaha wasiirrada Taalibaan ay hadda ka doodayaan shareecada, ayna “dejin doonaan siyaasad”.

Sannadihii 1990 -meeyadii, xukunnada dilka ah ayaa lagu fulin jiray garoonka ciyaaraha ee Kabul, ama barxadda weyn ee masaajidka Ciidda lagu tukado ee Gah.

Khamiistii, hay’adda Human Rights Watch waxay ka digtay in ururka Daalibaan ee gobolka Herat “ay baadi goobayan haween xilal sare dowladda kasoo qabtay iyo kuwo bulshada saameyn ku leh, iyagoo u diiday haweenka xorriyadda dhaqdhaqaaqa sida inay bannaanka uga baxaan guryahooda islamarkaasina ku soo rogay xeerar dhanka labiska ah oo khasab ah”.

Bishii Ogosto, Amnesty International waxay sheegtay in dagaalyahannada Daalibaan ay ka dambeeyeen xasuuqii sagaal xubnood oo ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Hazara.

Xoghayaha guud ee Amnesty Agnès Callamard ayaa xilligaasi sheegtay in “arxan-darrada” dilalka ay tahay ” mid xusuusinaysa caalamka taariikhdii hore ee Daalibaan, kuwaas oo tilmaan argagax leh ka bixinaya waxa xukunka Daaliban uu u ekaan karo”.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>