Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Geeri ku timi Jeneral horkacayay Xasuuq boqolaal kun oo Qof galaaftay

$
0
0

Geeri ku timi Jeneral horkacayay Xasuuq boqolaal kun oo Qof galaaftay

Théoneste Bagosora

Gaashaanle sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada Rwanda oo lagu helay dambi ah in uu kaalin ka qaatay xasuuqa 800,000 qof sanadkii 1994 ayaa ku geeriyooday dalka Mali halkaas oo uu ku xirnaa.

Théoneste Bagosora, oo 80 jir ahaa ayaa xilliggii uu xasuuqa dhacayay ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa waaxda gaashaandhigga Rwanda.

Maxkamad ay taageerto Qaramada Midoobey ayaa xabsi daa’in ku riday ninkan inkasta oo markii dambe lagu khafiifiyay xukunka oo lagu riday 35 sano oo xarig ah.

Wiilkiisa Achille ayaa BBC u sheegay in aabihiis uu ku dhintay cisbitaal ku yaalla caasimadda Mali ee Bamako halkaas oo looga daweynayay xanuun dhanka wadnaha ah.

Ku dhawaad 800,000-oo intooda badan kasoo jeeday qowmiyadda Tutsi ayaa lagu dilay xasuuq 100 maalmood socday.

Xasuuqa ayaa bilowday 6-di April 1994 markii lasoo riday diyaarad uu saarnaa madaxweynihii Rwanda Juvenal Habyarimana, waxaana la dilay qof kasta oo saarnaa diyaaraddaas.

Labo sano kadib ayaa Théoneste Bagosora lagu qabtay dalka Cameroon halkaas uu cararay, waxaana dalka qabsaday xisbigii Rwandan Patriotic Front ee u hoggaaminayay Paul Kagame.

Sanadkii 2008, maxkamadda caalamiga ah ee qaabilsaneyd xasuuqii ka dhacay Rwanda ayaa ninkan ku heshay inuu galay dambiyo dagaal isla markaana uu qorsheeyay dilka siyaasiyiin oo uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaarihii Rwanda Agathe Uwilingiyimana.

Markii la maxkamadeynayay, Bagosora wuxuu adkeystay in uu ahaa dhibbane dhexda u galay dacaayadaha dowladda ka talisa Rwanda ay ku xooggan yihiin qowmiyadda Tutsi.

Romeo Dallaire ah janaraal ka tirsan ciidamada Canada, kana mid ahaa ciidamada ka socday Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u joogay Rwanda ayaa ku tilmaamay Bagosora ‘ninkii hoggaaminayay’ ka dambeeyay falalka dilka ah, wuxuu ku eedeeyay in xitaa mar uu isaga ugu hanjabay dil.

Bagosora waxaa markii lagu xukumay xabsi daa’in, inkasta oo markii laga khafiifiyay.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii loo diiday codsi ah in xilli hore lasii daayo maadama da’diisa ay 89 noqoneyso marka uu xukunka dhameysanayo.

Wuxuu xabsiga ku qaadanayay xabsiga Koulikoro ee ku yaalla Mali isaga iyo dad kale oo ku lug lahaa xasuuqii Rwanda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>