Khasaarihii dagaalka Kismaanyo +Tirada maleeshiyada ku dhimatey+yaa Kismaanyo gacanta ku haya+yaa guulaystay+yaase guuldaraystay
Kismaanyo-(Qaran-news)-Dagaal maanta ku dhexmaray magaalada kismaayo maleeshiyooyin kala taageera sheikh axmed madoobe oo taageerayaashiisu dhawaan u doorteen madaxweynaha Jubaland balse hadda ku sugan Magaalada Nairoobi iyo hogaamiye kooxeed cusub oo isna taageerayaashiisu u doorteen madaxweynaha Jubaland Iftiin Xasan Baasto ayaa khasaare mug weyn oo naf iyo maalba leh sababay.
Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaaya dagaalkaas oo hadda istaagey ayaa la sheegay inay ku dhinteen 20 qof oo 13 ka mid ahi yihiin maleeshiyaadkii dagaalamaayey,kuwaas oo meydkoodu yaalo weli gudaha magaalada oo ah goobtii dagaalka ugu xoga weyni ka dhacay.
Geesta kale warar isa soo taraaya ayaa sheegaaya in maleeshiyaadka taageersan Hogaamiye Iftiin Xasan Baasto gebi ahaanba banaanka looga saarey, lagana sifeeyay gudaha Kismaanyo ,iskuna urursanayaan meelo ka baxsan magaalada.Sidoo kale maleeshiyaadka taabacsan Axmed Madoobe ayaa la wareegay goobihii ay ka kiciyeen maleeshiyaadkii ka soo horjeeday ee taageersanaa iftiin Xasan Baasto.
Qarannews
Hargeisa