Is xaal waraysi dhex maray mujaahdiintii dalka u shihiiday ee naftooda iyo maalkooda ba u huray si dadku u helaan, nabad, nafis, xornimo iyo ku noolaanshaha nolol xasiloon oo aan xasarad iyo xumaan wadan. Wada sheekaysigaasi na sidan ayuu u dhacay:
Mujaahidiintii shahiiday: Saw nabad maaha?
Kuwii loo shihiiday: Waa la nuurayaa.
Mujaahidiintii shahiiday: Dalkii waa sidee?
Kuwii loo shihiiday: Dalkii waan ku nool nahay, xornima na waan ku haysannaa, habeen iyo maalin xilliga aan doono ayaan dul soconaa, magaalada aan doono ayaan dalxiis u tagnaa, waddooyinka ayaan dul seexan kar naa haddaan u baahano, sida aannu jecelnahay na waannu u hadal naa, annaga oo aan eegayn sharci iyo sharci la’aan, dalka waan ku raaxaysanaa, kuna dul samay naa waxa aan doonno xumaan iyo samaan ba. Nabadgalyada wax kale kuma garatide, deero deero ma hirdido.
Mujaahidiintii shahiiday: Waa ilaah mahaddiiye, maandhow godka waan ku ledayaaye, waxaanse ku su’aalay, horumarkii ma haysaan?
Kuwii loo shihiiday: Hadh iyo habeen hadalkayaga kama maqna haddana ma naqaan nashqadiisee, horumarku ma hees baa?
Mujaahidiintii shahiiday: Yaa! Waar dawlad ma dhisateen?
Kuwii loo shihiiday: Dhisanaye, dhammays maaha.
Mujaahidiintii shahiiday: Ictiraaf ma hanateen?
Kuwii loo shihiiday: Hammuun baan u haynaa, mana haybinee, waan iskaga hadaaq naa.
Mujaahidiintii shahiiday: Caddaaladii ma sugan tahay?
Kuwii loo shihiiday: Caddaaladii ciddii cuud iyo cudud weyn bay la jaal tahay.
Mujaahidiintii shahiiday: Eexdii ma dayseen?
Kuwii loo shihiiday: Mayee, waan ku faannaa.
Mujaahidiintii shahiiday: Musuqii ma suulay?
Kuwii loo shihiiday: Mayee waan samaynaa.
Mujaahidiintii shahiiday: Qabyaaladdii ma shiiqday ?
Kuwii loo shihiiday: Imikaabay shidan tahay, waannan qudh-qudhinaa, weliba na qof iyo maan waan sii quweynaa.
Mujaahidiintii shahiiday: Dadku saw sinnaan iyo samaan ma maalaan?
Kuwii loo shihiiday: Samaantu ha joogtee, way kala sarreeyaan dar waa korreeyaan dar na waa la hiifaa.
Mujaahidiintii shahiiday Haddaa maxaa isku kiin haya
Kuwii loo shihiiday: Weli taayadaan gelin, dad kuna waa samraayaan.
Mujaahidiintii shahiiday: Mujaahidiinta nooli, maamuus ma leeyihiin?
Kuwii loo shihiiday: Maamuus ha joogee, way kala matagayaan.
Mujaahidiintii shahiiday: Aqoontii ma barataan?
Kuwii loo shihiiday: Waannu baranaa, noo mase binniiniso wixii lagu badhaadhi lahaa.
Mujaahidiintii shahiiday: Ma ogtihiin agoontii?
Kuwii loo shihiiday: Adaan kugu xasuustay.
Mujaahidiintii shahiiday: Bi’ waaye kuwani waa salleeloo, waa la suulin karayaa, haddii loo sabree, madaxbannaanidii ma nooshahay oo ma loo naf hurayaa?
Kuwii loo shihiiday: Muqaddas weeyi, mase loo naf hurayee, dar naafaynayaa jira.
Mujaahidiintii shahiiday: Idinku na kud baad tihiin annagu na kadeediyo, kaadidaannu kabanay sidaan idiin xorayn lahayn. Alle idin badbaadsha waad leedihiin. Annagu se xilkii na saar naa waan gudanay.
JIRDE
Email : Jirde40@gmail.com